Digaale News Kala Soco Warar Xaqiiqa, Dhexdhexaada, Ku Salaysan Cadaalad Sugan
Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
lundi 23 août 2010
mercredi 11 août 2010
lundi 21 juin 2010
Ciyaartoygii Ugu Dheera Kubada Koleyga Oo Ku Geeriyooday Gobolka Virginia
Manute bol oo u dhashay wadanka suudaan dherekiisuna ahaa 7 food toban xili ciyaareedna ka ciyaaray kubada basket-ka maraykanka kuna caan baxay caawimada dadka tabaalaysan ee africa ayaa ku dhintay cusbitaal ku yaala University of Virginia Hospital ee magaalda Charlottesville iyadoo halkaa lagaga dawaynayay xanuun aad u daran oo ka hayay kelyo xanuun iyo xumad aad u daran oo xagga maqaarka ka haysatay.
Tom Prichard oo ah isuduwaha koox lagu magacaabu Sudan Sunrise , ayaa waxay ku yidhaahdeen dalka Sudan iyo aduunkuba waxa ka baxay Geesi aad u qaali ah tusaalena noogu filaa, Prichard ayaa waxa uu yidhi Manute Geesi Garab nagu baneeyey. Bol waxa uu oo 47-jir ahaa waxa uu saftay ciyaaraha tabon xili (seasons) NBA kooxda WASHINTON, GOLDEN STATE, PHILADELPHIA, IYO MIAMI, isagoo markii danbena la taliye u ahaa kooxda Sudanese Sunrice waxayna kor u qaaday heshiiskii suudaanka dhacay waxaa celceliskiisa ciyaaruhu ahaa 2.6 points, 4.2 rebounds iyo 3.3 blocked shots, waxaa uu cibitaalka galay may dhexdeedii isagoo ka soo noqday Sudan waxaan uu u tegay Sudan isagoo iskuulo ka soo dhisayay isgoo xoogayna joogay codsi uga yimid maamulka dhinacooda, Bol waxaa dhiigiisa iyo kaadida la kala sifayn jiray sadex jeer wiigiiba (dialysis) prichard waxaa uu yidhi waxaa aad u xanuunayay debnaha iyo afka hareerihiisa 11 cishona wax ma cunin hadalkuna diiq ayuu ku ahaa.
Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Waxba Kama Jiraan Habaar UDUB ah ku Tilmaamay Warar Sheegayey inay Iskhilaafeen
Hargeysa (Digaalenews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxba kama jiraan iyo habaar UDUB ku tilmaamay warar beryahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in labadoodu isku khilaafeen talada xisbigooda, isla markaana ay kala irdhoobeen.
Warkan oo soo baxay waqti labadan masuul isku bahaysteen olole taageero-raadis ah oo ay ku marayeen gobollada bariga Somaliland, waxay si wadajir ah uga jawaabeen mar ay shalay ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay keentay diyaarad khaas ah oo ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Weftiga oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa saxaafada ugu waramay, waxay faahfaahin ka bixiyeen socod dheer oo ay ku soo mareen gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo qaybo ka mid ah Sool oo ay ku raadinayeen taageero ay ku kasbadaan codka dadweynaha.
“Waxaanu soo marnay gobollada Togdheer qaybo ka mid ah, Sanaag, qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo waliba Oodweyne, meel kasta oo aanu soo marnayna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay, aniga oo ka faa’iidaysanaya fursadan waxaan jecelahay in aan hambalyo u diro dadkii tirada badnaa ee na soo dhaweeyay, mahadnaq aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba, dadka dhammaan waxaan leeyahay aynu u diyaar garoowno doorashada Madaxtooyadda, si nabad ahna u ilaaliya amaanka, kana hortaga wax kasta oo dhibaato inagu keeni kara,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka waramayey socdaalkooda.
Guddoomiye Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxay waxay mar wax laga waydiiyey warar magaalooyinka lagu faafiyey muddadii ay socdaalka ku maqnaayeen oo lagu sheegay inay iskhilaafeen ku tilmaameen waxba kama jiraan ay UDUB samaysay.
Intaa kadib su’aalo suxufiyiintu waydiiyeen Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ay si wadajir ah uga jawaabeen, waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Guddoomiye socdaalkii aad ku tagtay gobolada Bariga maxaa kaa baxay sidee ayayse dadku idiin soo dhaweeyeen?
Jawaab: Gobolada aanu soo marnay oo dhan waxa aanu dadka kala kulanay soo dhaweyn laxaad leh, waxaanan uga mahadnaqayaa dadkii deegaankaas nagu soo dhaweeyay sidii fiicanayd ee ay noola dhaqmeen, runtiina waa mid aanan ilaabib Karin oo taariikhda geli doonta, taasina waxa ay na gelisay kalsooni aad ah.
Su’aal: Guddoomiye waxa jiray warar sheegayay in adiga (Axmed Siilaanyo) iyo muuse biixi oo ah guddoomiye ku xigeenkaagu uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay, arrintaas bal idinka oo sida wada jir ah uga hadlaya maxaad kaga jawaabi lahaydeen?
Jawaab: (Axmed Siilanyo) guusha uu gaadhay xisbiga KULMIYE ayaa waxa jira rag ka soo hojeeda oo doonaya in ay colaad aan jirin xisbiga ka dhex abuuraan, wax aan ahayn wada shaqayn iyo wada socod iyo wanaag aan ahayn mooyeene wax kale oo na dhex maray ma jirto, muuse biixina waxa jirtay marar badan oo uu arrintan ka jawaabay, maantana waaba ka halkan jooga, way na soo gaadheen wararkaasi, lakiin dadka faafinaya aad weydiisaan oo aad tidhaahdaan saw kuwan wada socda arrintaas xageebaad ka keenteen ayay ahayd, markaa xageebaanu iska qabanay, maanta maalin aanu iskaga dhawnahayna waligayabo maanu arag.
Muuse biixi Cabdi ayaa isla su’aashaas jawaab ka bixiyay waxaanu yidhi “Horta qoliyihiinan saxaafada, wax walba waad qaadaan, dadkana waad waydiisaan, waar qoladan UDUB ee jabtay habaarkoodu waa dibada, iyaga ha ku eekaado, idinka ayaaba wax ka soo qaadaayee, wax aleyaale wax ay tarayaan ma jirto, waxaanay aniga ila tahay in arrintaasi ay tahay mid ku eeg hadhaagii UDUB, kuwaas oo waayay miciin aan ahayn habaar.
Su’aal: Guddoomiye waxa jira warar sheegaya in markii aad tagtay magaalada Oodweyne aad sii kaxaysatay ciidan tiro badan oo ahaa ciidan beeleed arrintaas maxaad ka leedahay?
Jawaab: arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxa ila socday odayaashii deeganka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaas, markaa mabayn oolin xaalad aan ku kaxaysto ciidan beeleed, waana deegaan sida runta ah si wayn nalooga soo dhaweeyay, markaa ciidamada aad sheegaysaa waa dacaayaad aadka aanay waxba ka jirin.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna intaas ku sii ladhay oo yidhi “Ina rayaale waa murashax oo uu waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka UDUB ayaa isna waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, murashaxa xisbiga UCID iyo ka KULMIYE midna ciidan qaran oo la soo raaciyay ma jirto, marka la doonayao in ay doorashada loo diyaar garoobayo, la iskana ilaalinayo cadaw, waa maxay caqliga odhanaya murashaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxtooyada midna tiknikadii qaranka lagu ilaaliyo midna ha la dayaco,
Su’aal: Guddoomiye haddii aad soo martay gobolada bariga, waxa la sheegi jiray in dadka halkaas ku dhaqan ay noloshoodu ay aad u hoosayso, maxaa kaaga baxay?
Jawaab: Nolosha dadkaasi walaahi aad iyo aad bay u hoosaysaa, haddii ay noqoto dadka iyo waliba jidadka aanu maraynay oo dhan, dadkaasna wax aleyaale wax loo qabtay ma jirto, waxa ugu daranina waa jidadka iyo baahiyaha kale ee badan, waa dad aad arkayso in la dayacay.
Portugal oo Goolalshii ugu Badna ugu Quus gooysay North Korea
Digaale news- Portugal ayaa goolashii ugu badnaa ee la kala dhaliyo koobka aduunka ciyaarihiisa maanta dhaliyay kadib markii uu 7-0 ku xasuuqay North Korea, isla markaana tirtiray rajadii North Korea ee aheyd gaaritaanka wareega 16ka iyadoo xulka qaarada Asian ka yimid uu hada iyo wixii ka danbeeya uu tartanka ka qalab aruursan doonaan.
Portugal ayaa hogaanka ciyaarta qabtay markii Raul Meireles uu goolkii 1aad ee ciyaarta uu u dhaliyay daqiiqadii 29aad sidaana lagu kala nastay laakiin markii la isku soo laabtay ayaa waxaa bilowday daryanka goolsha Portugal
Simao Sabrosa ayaa goolkii 2aad dhaliyay (53rd), Hugo Almeida ayaa kii 3aad dhaliyay (56th) waxaa afareeyay Tiago (60th).
Liedson oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa kii 5aad dhaliyay (81st) halka Cristiano Ronaldo uu hal sano iyo 2 bilood kadib goolkiisii ugu horeeyay uu u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 87aad, waxaana soo qatimay goolasha faraha badan Tiago oo goolkiisii 2aad ee ciyaarta ku soo xiray daqiiqadii 89aad.
Portugal 5-3 ayeey kaga adkaadeen markii sidaan oo kale ay ku kulmeen xulka North korea koobkii aduunka ee 1966 gaar ahaan heerka quarter-final iyadoo xilligaa 25 daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay ay ciyaarta 3-0 ku hogaaminayeen waqooyiga korea.
Brazil, ayaa hogaaka Group-ka G ku fadhida oo u soo baxday wareega 2aad markii ay aruursatay 6 dhibcood halka Portugal, oo 4 dhibcood leh ay ciyaarta ugu danbeysa ay wada ciyaari doonaan.
Ivory Coast oo leh hal dhibic waxey ciyaarta ugu danbeysa la ciyaari doontaa North Korea oo aan wax dhibic ah laheydn.
1 Qarni iyo 14 Sano Jir Waayeel Ah Oo Noqotay Qofkii Ugu Da’da Weyn Daawo Soomaaliya
Nuriyo Sheekh Ibraahin oo cimrigeedu lagu sheegay 114 Sano jir ama hal qarni iyo afar iyo toban sano, sida ay noo xaqiijiyeen ubadkeeda oo ah willkeeda ugu weyn Shuceyb Abdi Bare oo ah jira 87 jir oo la nool iyo gabadheeda ku xigta Seynab Abdi Bare oo jirta 84 ayaa waxaa ay ku nooshahay tuulda Laan-Abeer oo 9 km u jirta Degmada Baledxaawo.
Hooyo Nuriyo Sheekh Ibraahin oo ay la kulmeen Barnaamijka Socdaalka Gedo iyo xubno ka socday Hay-ada Daryeelka Waayeelada Soomaaliyeed ayaa iyada oo gaboowday oo ku jirta hoygeeda cariiriga ah oo ay ka dhex buuqaysay waxa ay la ga dheehan karay xaqiiqada ah meesha qof walbaa uu u noqon doono haddii uu cimriga ku sumo.
Nuriyo Sheekh Ibraahin oo la ogaaday mudadii ay socotay is diiwaan gelinta ay sameeyanayeen howlwadeenada hay’adaasi ayaa waxa lagu sifeeyay qofkii ugu da’da weyn ee lagu arko soomaaliya.
Hooyo Nuriyo oo uusan xiskeedu ahayn mid taam ah amaba jooga ayaa waxa qoyseeda ay noo sheegeen in loo xanaaneeyo sidii caruurta oo kale oo la hayo saacad walba islamarkaasna lagu habo dareere amaba clucos oo walxaha jilicsan laga sameeyo.
Nuriyo Sheekh Ibraahin oo ay saxaafada usoo bandhigeen hay-ada daryeelka waayeelada ayaa ahayd mid nagu reebtay dareen gaar ah iyo qushuuc islamarkaana uu wajigeeda ka ka muuqanayay cimrigeeda.
Duq Nuriyo ayaa lagu qiyaasay in faraceeda uu gaarayo 579 Qof oo isugu jira ilmaheeda, waxay dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen iyo waliba kuwii ay kuwaasi sii dhaleen ilaa (4 Generations).
Haweeydaani cimriga dheer uu eebe siiyay ayaa laga yaabaa in ay tahay qofka ugu da’da weyn soomaaliya inkastoo aysan jirin cid si gaar ah u baartay qofka ugu da’da weyn dalka soomaaliya maadaama aysan jirin wasaarad si gaar ah ugu xilsaaran.
Maxkamadda Degmadda Hargeysa oo Xukuntay Wadaado Xaaraantinimeeyey Hilibka xoolaha
Hargeysa (Digaalenews)- Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo shillinka Somaliland ah ku ridday shalay saddex nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo lagu helay inay xaaraantimeeyeen hilibka xoolaha nool ee lagu qalo caasimadda Hargeysa.
Saddexda nin ee maxkamaddu xukuntay oo sheegtay culimo oo midkood maqan yahay, la ka mid ahna walaalo yihiin waxay magacyadoodu kala yihiin Cabdicasiis Maxamed Cali iyo Muhaymi Maxamed Cali oo labaduba ah Ilma Xaliimo Cali iyo Sheekh Xasan Mukhtaar oo isagu ah maqanaha lagu eedeeyeey inuu yahay maskaxdii soo abaabushay, ayey maxkamadda horteeda kaga caddaatay dembiga lagu soo oogay oo ah inay xaaraan ku tilmaameen hilibka xoolaha lagu qalo magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Dr. Cabdirashiid Beergeel oo isagu ku dhawaaqay xukunkaas, isla markaana halkaa ka akhriyey dacwadda lagu soo oogay eedaysanayaashaas, ayaa sheegay inay nashuushadaynayeen caqiidada diinta islaamka ee ay haystaan dadka reer Somaliland, gaar ahaan shacabka reer Hargeysa, sidaa darteedna ku mutaysteen xukunka isugu jira xabsiga iyo ganaaxa.
Dr. Beergeel oo akhriyey asbaabaha uu u cuskaday xukunka saddexdaas nin waxa uu yidhi; “Cabdicasiis Maxamed Cali, Muhaymi Maxamed Cali iyo maqane Sheekh Xasan Mukhtaar, kuwaasoo dhammaantood ku wada gefay qodobka dastuurka ah ee 314 iyo 304 ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobka 5-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 128, Aayada Ancaam. Waxa kaloo loo cuskaday 70,71,73,75,105,119,120,121,68 iyo 149 ee xeer-ciqaabeedka waxaanna lagu xukumay min hal sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo ganaaxa, isla markaana markay dhamaystaan laga mastaafurin doonaan dalka.”
Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa sheegay inay daba geli doonaan, gacantana ku soo dhigi doonaan cid kastoo meel kaga dhacda shareecadda diinta islaamka iyo shuruucda qaranka Somaliland, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono.
Waa markii ugu horreysay taariikhda ee hay’adaha garsoorka Somaliland xukun ku ridaan dad ku kacay arrimo waaweyn oo liddi ku ah diinta islaamka.
Inscription à :
Articles (Atom)