
Digaalenews(Roma)-ka xulka Italy Fabio Cannavaro ayaa qorsheynaya inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariisan doono marka uu dhamaado koobka aduunka sanadkaan.
Isagoo ka hadlayay xiritaanka tababar 2 maalin socday, ayuu 36-sano jirkaasi sheegay inuu sii duqoobayo, “wuxuuna intaa ku daray in uu dhameyn doono ciyaaraha caalamiga ah bisha August ee sanadkaan.”
Sanadkaan ciyaaraha koobka aduunka waxaa lagu qaban doonaa dalka South Africa iyagoo socon doona inta u dhaxeysa June 11 illaa July 11.
Cannavaro wuxuu xilka captainimo ee xulka italy ka qaatay Paolo Maldini markii uu dhamaaday koobkii aduunka ee 2002. wuxuu sidoo kale jabiyay taariikhdii xaga safashada aheyd ee uu heysta Maldini oo aheyd 126 kulan sanadklii tagay, hada waxey tirada kulamadiisa marayaan 132 kulan.
Cannavaro wuxuu hogaamiyihii talyaaniga u qaaday koobka aduunka ee sanadkii 2006
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire