
DigaaleNews—goolhaye Iker Casillas ayaa noqday ciyaaryahanka 2aad ee ugu safashada badan xulka Spain markii uu ciyaaray kulankii ay 3-2 kaga adkaadeen Saudi Arabia.
Goolhayaha Real Madrid wuxuu saftay kulankisiii 103aad isagoo u ciyaaray xulka horyaalnimada yurub heysta ee Spain , wuxuuna ka hoos maray goolhayihii kale ee xulkaasi—Andoni Zubizarreta, oo ah ninka heysta kulamada ugu badan ee xulkaasi loo safto , wuxuu ku hyestaa 126 kulan.
Casillas wuxuu horey u soo jabiyay recordkii uu heystay saaxiibkiisa ay Real Madrid u wada ciyaaraan ee Raul Gonzalez laakiin xalay ayuu dhaafay.
Casillas wuxuu kulankiisii ugu horeyay ee uu u safto xulka uu ahaa kii ay 1-1 la galeen Sweden sanadkii 2000 hayeeshee laga soo bilaabo 2002 wuxuu noqday goolhayaha 1aad ee xulka.
Casillas, oo laga dhaliyay taariikhdiisa ciyaaraha 59 gool, wuxuu ahaa captain-kii Spain ee ciyaarihii Euro 2008 ay koobkiisa qaateen.
Sidoo kale David Villa, oo gool ka dhaliyay kulankii xalay Saudis, ayaa wuxuu 7 gool u jiraa xiddiga heysta record gool dhalinta ee xulka spain Raul oo ku heysta 44 gool.
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire