Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
samedi 19 juin 2010
BURCO:Taageerayaashii Xisbiga UDUB ee Ugu badnaa oo maanta isugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada.
Burco(Digaalenews)--Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti balaadhan oo uu hugaaminaayo oo ka tirsan xukuumada oo iskugu jira wasiiro xildhibaano iyo madax kale oo ka mid
yahay Xoghaya guud ee Xisbiga Udub ayaa maanta isusoobaxa Ololaha doorashada kala qaybqaatay Kumanaan kun oo qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Udub ee Gobolka Togdheer.
Madaxweyne ku xigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo halkaasi kala hadlay dadkii isu soo baxay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Burco waa halkii laga aasaasay Somaliland waana halkii uu ka bilaamay halkankii dalka lagaga xoreeyay dawladii faqash ,maantana kubada Togdheer ayaa laga dhalinayaa , waxaanan idiin sheegayaa reer Burco aduunku waa shalay ,maanta iyo barito,baritona waa horumarkii ,Xisbiga Udubna waa xisbigii amaanka ,midnimada iyo hurumarinta Somaliland.
Geesta kale waxaan idiin sheegayaa mucaaridkii waa laga soo laalaabay galbeed ,maantana waxaanu ka laa laabaynaa Togdheer iyo gobolada bari markaa balanteenu waa 26 Jun iyo maalinta xornimada Somaliland oo aad codkiina siisaan Xisbiga Udub.
Gabogabadii waxa ii Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay taageerayaashii fagaaraha khayriyada Burco isugu soo baxay .
Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa wasiiradii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.”Walaalayaan aniga oo ku faraxsan sida xoogan ee aad u muujiseen taageerada Xisbiga qaranka ,Xisbiga Kulmiye ee maanta doonaya in uu nala tartamo daraato Oodweyne ayuu tagay waxaanu ka xaystay ciidan beeleed inta uu ciidankii qaranka Aamini waayay iyo bulshadii gobolka ku noolayd,waar ninka cod laga doonayo ma qori ayaa loo qaadanayaa ? ninka maanta iyadoon la dooran waxaasi samaynayaa baritone muxuu samaynayaa ?.
Labada xisbi ee nala tartamaaya marka aan siyaasadooda idiinka waramo waxay dabada ku hayaan Kooxaha koonfurta Somaliya Xisbiga Ucid madaxda Al Shabaab waxay yidhaadeen haloo codeeyo Xisbiga Kulmiyena xasan Daahir Aways oo hugaamiya Xisbul islaam waxa uu ku baaqay in la doorto waanay arintaasi ku tusaysaa xisbiyada nala tartamaaya in ay taageersanyiin kooxaha rabshadaha ka wada Koonfurta Somaliya ,waxaanay doonayaan labada xisbia in dalku noqdo Muqdisho oo kale oo uu qiiqo sidaa awgeed waxaan idin leeyahay 26-ka Juun codkiina siiya Xisbiga Udub si aynu ragaasi kaamamkooda ugu xidhno.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiir dawlaha madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan macalin) oo isna uga digay taageerayaasha Udub iyo dadka reer Burco in ay iska ilaaliyaan xisbiyada uu tartanku ka dhexeeyo oo uu sheegay qaar ka mid ahi in ay quraan ku ololeeyaan kuwaasi oo uu xusay in aaney diin ku shaqo lahayn una soo jeediyay Xisbiga Udub in ay codkooda siiyaan.
Duqa Degmada Burco oo isna fagaarahaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay .”Waxaan idiin sheegayaa Xisbiyada maanta Udub la tartamaaya waxa ku jira ragii yidhi anigoo wax dili kara duco qaadan mayo sidaa awgeed maantana waxay doonayaan in ay guryaha jiingada ka goostaan ee waxaan idinkula dardaarmayaa Codkiina siiya xisbiga nabada ee Udub.
Gabogabadoo waxa iyana halkaasi ka hadlay isla markaana taageerayaasha Udub usoo jeediyay in ay nabadgelyada iyo shuruucda doorashada ilaaliyaan Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C\laahi Biin ,Xil.Naasir X.cali Shire iyo Gudoomiyaha Udub ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim.
Geesta kale markii ay dhamaatay qudbadii madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu ayaa waxa khayriyada Burco ilamaa guriga martida ee Burco lugeeyay Madweyne ku xigeenka iyo waftigiisii oo ay wehelinayeen Kumanaan kun oo Qof oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageersanyiin Xisbi xaakimka Udub..
Banaan baxan Xisbiga Udub ka dhigay magaalada Burco oo ay iskugu soo baxeen Kumanaan kun oo Qof ayaa ruxay suuqyada Burco isla markaana waxa uu ahaa kii ugu baladhnaa ee Udub ka samayso magaalada Burco..
Burco Digaale news
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire