Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

dimanche 20 juin 2010

Yemen: Tirada tahriibayaasha Soomaalida oo yaraatay



Yemen:digaalenews – Kadib bilihii Febraayo, Maarso iyo Abril oo ay tirada Soomaalida Tahriibka kusoo gasha dalka Yemen cirka isku shareertay ayaa bishii May iyo June- aynu ku jirno waxaa si aad ah isku dhimay dadka Soomaalida ah ee sida sharci darrada ah kusoo gala dalkan Yemen.

Tirakoob laga sameeyay goobaha soo dhaweynta ayaa lagu ogaaday in tahriibayaasha Soomaalida ah ee Yemen soo gala ay tiradoodu in kabadan boqolkiiba lixdan hoos u dhacday, isla markaana ay sare u kacday mida Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah labadii bilood ee ugu dambeysay.

Sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhacaasi ayaa lagu tilmaamay iyadoo haatan lagu jiro xilliga bad-xiranka, isla markaana aanay in badan naftooda kusoo biimeynin badda marka la eego tahriibayaashii kasoo amba qaadi jiray goobaha ku yaalla xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Tirada yar ee 40% ah ayaa dhinacyada tirakoobkan sameeyay waxay sheegeen inay iyagu yihiin kuwo doonyaha ay soo raacaan kasoo shiraacda xeebaha waddanka Jabuuti, kuwaasoo kasoo daga inta badan xeebaha Dubaab ee gobolka Tacis ee dalka Yemen.

Masaafada dhinaca badda ah ee u dhexeysa Jabuuti iyo xeebaha gobolka Tacis oo aad uga yar midda u dhexeysa Puntland iyo Yemen aawadeed kacsanaanta baddu wax saameyn ah kumaanay yeelan tahriibayaasha kasoo shiraacda Jabuuti, inkastoo marka ay soo caga dhigtaan barriga Yemen ay la kulmaan dhibatooyin ay ka mid yihiin socod dheer oo halis badan oo ay u galaan dhinaca waddooyinka ay gaadiidku isticmaalan si halkaasi looga daad gureeyo oo loo geeyo xeryaha Soo dhaweynta qaxootiga.

Masuulyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yemen ayaa iyaguna u arka in hoos u dhacaasi haleelay tahriibayasha Soomaalida ah iyo sare u kaca ku yimid dhigooda Itoobiyaanka ahi uu xiriir toos ah la leeyahay ololaha ka dhanka ah muhaajiriinta Itoobiyaanka ah oo ay labadii bilood ee ugu dambeeyay wadeen ciidamada amaanka gobollada xeebaha ku yaalla .

Sarkaal kamid ah wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in markii hore ay Itoobiyaanku sheegan jireen inay Soomaali yihiin sidaana lagu diiwaan gelin jiray oo loogu biirin jiray tirada tahriibayaasha Soomaalida ah, laakiin hadda markii ay billaabeen inay baaritaanno dheeraad ku sameeyaan qofka tahriibka ku yimaada ay suurto gashay in si fudud lagu kala soco Itoobiyaanka iyo Soomaalida, isla markaana ay tirada Itoobiyanka tahriibka Yemen kusoo galay labadii bilood ee ugu dambeeyay ay noqdeen kuwo shan laab ka badan kuwa Soomaalida ah.

Waxaa muuqata in tiro koobka Soomaalida Yemen joogta ay ku sameyso dowladda Yemen uu yahay mid aan barax tirneyn isla markaana uu booskiisii joogay khilaafka arrintaasi ku aaddan ee ka dhexeeyay dowladda Yemen iyo hey’adda qaxootiga qaramada midoobay u qaabilsan ee UNHCR.

UNHCR waxa ay sheegtaa in tirada Soomaalida qaxootiga yemen ku ahi aanay ka badneyn 80 kun oo ruux halka dowladda yemenna ay ku adkeysaneyso in tirada qaxootigaasi ay hal milyan sii caga-cageyneyso.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire