Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mercredi 2 juin 2010

Faysal Cali-waraabe Iyo Garnaqsigiisii




.


Hargeysa (Digaalenews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay kala garnaqsaday beesha uu ka soo jeedo kaalinta ay kaga jiraan



taageerada ay u hayaan xisbigiisa iyo murrashaxnimadiisa jagada madaxweynaha, isaga oo uga xogwarramay duruufihii adkaa ee siyaasadeed ee soo wajahay intii uu siyaasadda ku jiray iyo fikirrada ay ka aaminsan yihiin.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad la isku arkay oo ka dhacday hudheelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay isugu yimaaddeen taageerayaasha UCID ee degmada Maxamuud-haybe.

Guddoomiyuhu waxa uu si qoto dheer uga warramay aasaaskii xisbiga UCID, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “UCID waxa uu ahaa xisbigii ugu horreeyey markaan dibedda ka imi ee aan aasaasay, waxaanan u aasaasnay in aannu dalka u sameyno hoggaan wanaagsan, iyadoo aannu dalkeenu helin ilaa lixdankii hoggaan wanaagsan.

UCID waxa uu ahaa xisbigii markii doorashadu dib-u-dhacday idin kala furfuray ee idin kala furdaamiyey, taasina waxay ii horseeday in la yidhaahdo wuu isbedbeddelaa, laakiin anigu markasta waxaan raacayey tallada ay ku jirto danta guud ee shacabka reer Somaliland, had iyo jeer taan soo jeediyo goor gaaban ayaa la raacayey.”

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey dhibaatooyinka isaga iyo xisbigiisa la soo darsay, waxa uu yidhi; “Aniga dhibaatooyin badan baa nagu dhacay, dacaayado ayaa nagala faafiyey, waanna nalagala dagaalamay in aannu ku sii jirno siyaasadda, waxaanna la igu odhan jiray doorasho ma rabo Faysal, maanta waan ogahay oo toban qof oo beesheena ka soo jeeda oo la mid ah nin boqol geel ah leh oo ka marti tegay, ayaa tashuush idinku furaya, markaas ayey idin yidhaahdaan doorasho ma doonayo, haddaanan doorasho doonayn miyaan carruurtayda u tago.

Waxaan leeyahay sidii islaantii kiristaanka ahayd ee maalin walba laga dul eedaami jiray ee tidhi; ‘Wallee ninkaas waxa ka qaylisiiyey wax weyn baa jira.’ Nimankaasina waxaan leeyahay oo aan idiin sheegayaa way ka marti tageen Illaahay geelooda ha tuso uu u dhalaye.

Maanta waxaan idiin sheegayaa in dalkan xisbiga keliya badbaadin karaa yahay xisbiga UCID, aniga ha ii daynina ee waxaan Illaahay waydiistaa in aannu xilkaas i siinin haddii aanan daacad u ahayn, balse idinku waxaad eegtaan saddexayada murrashax, saddex baabuur ayaanu wadanaa u fiirsada rakaabkayaga, intaas ayaana idinkaga filan, siddeed iyo tobankaas sannona ee ay Somaliland waxba qabsan kari waayey, maamulkeeda dhinacna kagamaanu jirin, balse waxaannu wadnaa caddaalad iyo kelmada tawxiidka ah, waa inaad beesheena kicisaan oo aad sida degmooyinka kale doorkiina ka qaadataan, in badan ayaa la I weydiinayey beeshii Faysal Cali-waraabe meeday.”

Dhanka kale, xisbiga UCID waxa uu sagaal xafiis ka furtay degmooyinka magaalada Hargeysa, iyada oo masuuliyiinta xisbigu oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha ololaha UCID ee Gobolka Maroodi-jeex kormeer ku soo mareen xafiisyada xisbigu furtay.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire