Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
samedi 19 juin 2010
Hantaaqada UDUB, Hamuunta Kulmiye iyo Hammiga UCID Halkay ku danbayn.
Waxa aynu ku jiraa xilli doorasho oo sansaankii waddanku qaab kale isu dhigay , iyada oo aan
ku tilmaami karno in nidaamka cusub ee xisbiyadda badan uu wax ka taray kala qaybsanaantii bulshada, waa doorashadii labaad ee madaxweyne loogu tartamo Soomaliland , waxaana saddexda xisbi ku jiraan tartan ka duwan kii hore loo geli jiray, waxaana muuqata in uu jiro is bedel weyn oo halis leh, waa midda koobaad e ; dadka oo haysta kaadhadhkooda oo ay u fududahay in ay ka iibiyaan murashax gaar ah , iyaga oo aan xeerinahayn qiyamka iyo xuquuqda doorasho leedahay, waa
Waa ta labaade waxa sahlan in xisbi ku shubto codadka qaarkood haddii uu fursad helo , taas oo dad badan ay ka dayriyeen in lagu tuhunsan yahay labada xisbi ee sida xooggan isu caydhsanaya ay iibsadeen ama kaydsadeen kaadhadh tira badan, taas oo lagu tilmaami karo in ay tahay tabcooyinka laysku mijo xaabin doono, halka Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ayaa isaguna shaxda god aan laga filayn degay, taas oo keentay in ay doorashada ka qayb galaan dad markii hore qoondaystay inaanay doorashada ka qayb gelin, iyaga oo sabab uga dhigaya : in kollayba lagu shubanayo oo aanay qiimo lahayn in codkooda ay bixiyaan, iyo iyaga oo aan ku qancin barnaamijyadda xisbiyada kale soo jeediyeen , islamar ahaantaana u dheg taagay dhawaaqa diirran ee dhinaca shareecadda ah ee ka soo yeedhay Murashaxa Faysal Cali Waraabe.
Su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo ayaa noqotay , Suul-daarada lala helay UDUB ma noqon kartaa mid ay kaga baxsan karto in ay samayso ku shubasho iyo khiyaamo doorashooyinka ay ku samayso , Hammuunta Kulmiye u qabo kursigu se ma keeni kartaa in uu iibsado kaadhadh aan dadkii lahaa gaadhin oo kaydsan, Hammiga UCID se ma xaqiijin doonaa farriimaha uu dadka sida tooska ah ugu sheegay heerkiisa kor u soo qaaday?
In lagu shubto codadka doorashada ama la iibsado waa arrin aan la aqbali karin sharci iyo xisdi midkoodna , waxaanay meel ka dhac ku tahay qiyamka doorashooyinka .
Haddii aan eegno waxa shareecadda islaamku ka qabto arrinta ah in lagu shubto ama la iibsado codadka doortayaasha , waxaan soo qaadanaynaa su’aal laga weydiiyey Caalimka weyn ee Dr. Sh. Yuusuf Al-Qaradaawi: su’aashu waxay u dhignayd: ka waran xukunka shareecadda ee ku shubashada codadka iyo in la aqbalo natiijada ka soo baxda doorasho lagu shubtay iyo dadka doorashada u diida iyagoo sabab uga dhigaya kollayba waa lagu shubanayaaye maxaan kaga daalayaa?
J: waa denbiyada waaweyn(kabaa’irta) ma aha xaaraan, dadka qaarkood culimo iyo caamma ba waxa ay u yaqaanaan dunuubta waaweyn wax halaagta dilka, shirkiga , sinada iyo khamriga la cabo, isaga oo sheekhu ka hadlaya ahmiyadda leedahay arrita doorashooyinku waxa uu yidhi “arrintan masiirka ummada ah dadka intooda badan ahmiyd ma siiyaan waxa ay culimada waydiiyaan Xaydka , Nifaaska iyo arrimaha shakhsiga ah,”
“In lagu shubto doorashooyinka waa denbiyada waaweyn ee lagu hoogo naartana lagu galo, Nebigu NNKH isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “ Waar ma idiinka waramaa waxa lagu halaagsamayo? Dabadeed saxaabadii waxa ay tidhi haa: “In Ilaahay loo shariig yeelo (cibaadada cid lala siiyo) waalidka oo la caasiyo (caaqu waalideyn) , nabigu waa uu dangiigey , inta uu soo saro fadhiistay ayuu yidhi: iyo odhaahda been abuurka ah iyo maraga beenaalaha , weedhahaas ayuu ku celceliyey ilaa aanu nidhi , alla muu iska aamuso anaga oo u naxariisanayna”
Qur’aanka ayaa isaguna sidoo kale arrintan si xoog leh uga warramaya “Ka dheeraada sanamada nijaasada ah iyo markhaati beenaalaha” Xadiis kale ayaa isaguna tilmaamaya “Marag beenaalahu waxa uu la mid yahay Shirkiga”
Haddii Qur’aanka iyo xadiiskuba ay sidaa uga hadleen marag beenaalaha iyo hadalka been abuurka iyadoo laga hadlayo qof ama shakhsi ummada muslimka ka mid ah , maxay noqonaysaa masiirka ummad dhan oo marag beenaale iyo weedh been ah lagu baa’iyo oo lagu qaato xaqooda, waxa habboon in ay dadku fahmaan miisaanka ay arrintani leedahay, oo muraaqibka gudoomiyaha , komishanka iyo axsaabtuba ay ka war qabaan mas’uulayaddaas iyo denbiga ka dhalan kara haddii lagu kaco falkaas.
Musuqmaasaqa iyo ku shubashada waxa keenaya marka ay dadku u dareeri waayaan doorashda , oo ay yaraato tirada codeeyayaasha sidaas awgeed waxa ku waajib ah dadka kaadhadhka haysta in ay tagaan kana qayb galaan doorashada si a y
Haddaba dhinacyada aan ka eegnay oo dhan jira haddana waxa shaki weyn laga qabaa in xisbiga talada haya , oo xilligan shacabka Somaliland intoodii badnayd ay ka sii jeedo , in uu xal moodaan in ku shubtaan doorashada ,waxaana tuhunkan loogu sibir saaray hoos u dhaca xoogan ee laga dareemay miisaniyaddii dhaqaale ahaan ee lagu bixin jiray, kaambaynka ololaha doorashada.
Sidoo kale marka aan eegno hamuunta kursi ee kulmiye sida xoogan uga muuqata iyo xamaasadda siyaasadeed ee taageerayaashiisu la garab taagan yihiin, taas oo abuuri karta in ay ku kellifto in is faham dhexmaro iyaga iyo shaqaalaha goobaha ka hawl gelaya islamarkaana la isticmaalo kaadhadhka kaydsan ee tuulooyinka yaalla ee ka xayiran dadkii xaqa u lahaa, taas oo aan ku tilmaami karno dariiq aan xalaal ahayn oo lagu gaadhi karo kursiga .
Ugu danbayntii Xisbiga cadaalada iyo daryeelka , oo hammiga ku haya in uu hoggaanka dalka ku gaadho dariiq xalaal ah, oo taageeradiisuna ay kor u kacday islamarkaana kasbaday dad badan oo aan hore niyadda ugu hayn in ay codkooda bixiyaan , waxa iyana saadaashu iftiiminaysaa in UDUB ay sinsaaro iyo jallaafo u dhigi karto xisbiga Kulmiye ee halista ku haya, taas oo sahli karta in ay xaqiiqowdo hammiga ay ucid niyadda ku hayso.
Qore : Axmed Muuse Ismaaciil..Burco..S/land.
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire