Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

lundi 21 juin 2010

Ciyaartoygii Ugu Dheera Kubada Koleyga Oo Ku Geeriyooday Gobolka Virginia


Manute bol oo u dhashay wadanka suudaan dherekiisuna ahaa 7 food toban xili ciyaareedna ka ciyaaray kubada basket-ka maraykanka kuna caan baxay caawimada dadka tabaalaysan ee africa ayaa ku dhintay cusbitaal ku yaala University of Virginia Hospital ee magaalda Charlottesville iyadoo halkaa lagaga dawaynayay xanuun aad u daran oo ka hayay kelyo xanuun iyo xumad aad u daran oo xagga maqaarka ka haysatay.

Tom Prichard oo ah isuduwaha koox lagu magacaabu Sudan Sunrise , ayaa waxay ku yidhaahdeen dalka Sudan iyo aduunkuba waxa ka baxay Geesi aad u qaali ah tusaalena noogu filaa, Prichard ayaa waxa uu yidhi Manute Geesi Garab nagu baneeyey. Bol waxa uu oo 47-jir ahaa waxa uu saftay ciyaaraha tabon xili (seasons) NBA kooxda WASHINTON, GOLDEN STATE, PHILADELPHIA, IYO MIAMI, isagoo markii danbena la taliye u ahaa kooxda Sudanese Sunrice waxayna kor u qaaday heshiiskii suudaanka dhacay waxaa celceliskiisa ciyaaruhu ahaa 2.6 points, 4.2 rebounds iyo 3.3 blocked shots, waxaa uu cibitaalka galay may dhexdeedii isagoo ka soo noqday Sudan waxaan uu u tegay Sudan isagoo iskuulo ka soo dhisayay isgoo xoogayna joogay codsi uga yimid maamulka dhinacooda, Bol waxaa dhiigiisa iyo kaadida la kala sifayn jiray sadex jeer wiigiiba (dialysis) prichard waxaa uu yidhi waxaa aad u xanuunayay debnaha iyo afka hareerihiisa 11 cishona wax ma cunin hadalkuna diiq ayuu ku ahaa.

Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Waxba Kama Jiraan Habaar UDUB ah ku Tilmaamay Warar Sheegayey inay Iskhilaafeen



Hargeysa (Digaalenews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxba kama jiraan iyo habaar UDUB ku tilmaamay warar beryahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in labadoodu isku khilaafeen talada xisbigooda, isla markaana ay kala irdhoobeen.

Warkan oo soo baxay waqti labadan masuul isku bahaysteen olole taageero-raadis ah oo ay ku marayeen gobollada bariga Somaliland, waxay si wadajir ah uga jawaabeen mar ay shalay ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa oo ay keentay diyaarad khaas ah oo ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Weftiga oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa saxaafada ugu waramay, waxay faahfaahin ka bixiyeen socod dheer oo ay ku soo mareen gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo qaybo ka mid ah Sool oo ay ku raadinayeen taageero ay ku kasbadaan codka dadweynaha.

“Waxaanu soo marnay gobollada Togdheer qaybo ka mid ah, Sanaag, qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo waliba Oodweyne, meel kasta oo aanu soo marnayna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay, aniga oo ka faa’iidaysanaya fursadan waxaan jecelahay in aan hambalyo u diro dadkii tirada badnaa ee na soo dhaweeyay, mahadnaq aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba, dadka dhammaan waxaan leeyahay aynu u diyaar garoowno doorashada Madaxtooyadda, si nabad ahna u ilaaliya amaanka, kana hortaga wax kasta oo dhibaato inagu keeni kara,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka waramayey socdaalkooda.

Guddoomiye Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxay waxay mar wax laga waydiiyey warar magaalooyinka lagu faafiyey muddadii ay socdaalka ku maqnaayeen oo lagu sheegay inay iskhilaafeen ku tilmaameen waxba kama jiraan ay UDUB samaysay.

Intaa kadib su’aalo suxufiyiintu waydiiyeen Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ay si wadajir ah uga jawaabeen, waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Guddoomiye socdaalkii aad ku tagtay gobolada Bariga maxaa kaa baxay sidee ayayse dadku idiin soo dhaweeyeen?

Jawaab: Gobolada aanu soo marnay oo dhan waxa aanu dadka kala kulanay soo dhaweyn laxaad leh, waxaanan uga mahadnaqayaa dadkii deegaankaas nagu soo dhaweeyay sidii fiicanayd ee ay noola dhaqmeen, runtiina waa mid aanan ilaabib Karin oo taariikhda geli doonta, taasina waxa ay na gelisay kalsooni aad ah.

Su’aal: Guddoomiye waxa jiray warar sheegayay in adiga (Axmed Siilaanyo) iyo muuse biixi oo ah guddoomiye ku xigeenkaagu uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay, arrintaas bal idinka oo sida wada jir ah uga hadlaya maxaad kaga jawaabi lahaydeen?

Jawaab: (Axmed Siilanyo) guusha uu gaadhay xisbiga KULMIYE ayaa waxa jira rag ka soo hojeeda oo doonaya in ay colaad aan jirin xisbiga ka dhex abuuraan, wax aan ahayn wada shaqayn iyo wada socod iyo wanaag aan ahayn mooyeene wax kale oo na dhex maray ma jirto, muuse biixina waxa jirtay marar badan oo uu arrintan ka jawaabay, maantana waaba ka halkan jooga, way na soo gaadheen wararkaasi, lakiin dadka faafinaya aad weydiisaan oo aad tidhaahdaan saw kuwan wada socda arrintaas xageebaad ka keenteen ayay ahayd, markaa xageebaanu iska qabanay, maanta maalin aanu iskaga dhawnahayna waligayabo maanu arag.

Muuse biixi Cabdi ayaa isla su’aashaas jawaab ka bixiyay waxaanu yidhi “Horta qoliyihiinan saxaafada, wax walba waad qaadaan, dadkana waad waydiisaan, waar qoladan UDUB ee jabtay habaarkoodu waa dibada, iyaga ha ku eekaado, idinka ayaaba wax ka soo qaadaayee, wax aleyaale wax ay tarayaan ma jirto, waxaanay aniga ila tahay in arrintaasi ay tahay mid ku eeg hadhaagii UDUB, kuwaas oo waayay miciin aan ahayn habaar.

Su’aal: Guddoomiye waxa jira warar sheegaya in markii aad tagtay magaalada Oodweyne aad sii kaxaysatay ciidan tiro badan oo ahaa ciidan beeleed arrintaas maxaad ka leedahay?

Jawaab: arrintaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxa ila socday odayaashii deeganka iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankaas, markaa mabayn oolin xaalad aan ku kaxaysto ciidan beeleed, waana deegaan sida runta ah si wayn nalooga soo dhaweeyay, markaa ciidamada aad sheegaysaa waa dacaayaad aadka aanay waxba ka jirin.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna intaas ku sii ladhay oo yidhi “Ina rayaale waa murashax oo uu waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka UDUB ayaa isna waxa uu wataa intaas oo tikniko ah, murashaxa xisbiga UCID iyo ka KULMIYE midna ciidan qaran oo la soo raaciyay ma jirto, marka la doonayao in ay doorashada loo diyaar garoobayo, la iskana ilaalinayo cadaw, waa maxay caqliga odhanaya murashaxiinta ku tartamaysa doorashada madaxtooyada midna tiknikadii qaranka lagu ilaaliyo midna ha la dayaco,

Su’aal: Guddoomiye haddii aad soo martay gobolada bariga, waxa la sheegi jiray in dadka halkaas ku dhaqan ay noloshoodu ay aad u hoosayso, maxaa kaaga baxay?

Jawaab: Nolosha dadkaasi walaahi aad iyo aad bay u hoosaysaa, haddii ay noqoto dadka iyo waliba jidadka aanu maraynay oo dhan, dadkaasna wax aleyaale wax loo qabtay ma jirto, waxa ugu daranina waa jidadka iyo baahiyaha kale ee badan, waa dad aad arkayso in la dayacay.

Portugal oo Goolalshii ugu Badna ugu Quus gooysay North Korea



Digaale news- Portugal ayaa goolashii ugu badnaa ee la kala dhaliyo koobka aduunka ciyaarihiisa maanta dhaliyay kadib markii uu 7-0 ku xasuuqay North Korea, isla markaana tirtiray rajadii North Korea ee aheyd gaaritaanka wareega 16ka iyadoo xulka qaarada Asian ka yimid uu hada iyo wixii ka danbeeya uu tartanka ka qalab aruursan doonaan.

Portugal ayaa hogaanka ciyaarta qabtay markii Raul Meireles uu goolkii 1aad ee ciyaarta uu u dhaliyay daqiiqadii 29aad sidaana lagu kala nastay laakiin markii la isku soo laabtay ayaa waxaa bilowday daryanka goolsha Portugal

Simao Sabrosa ayaa goolkii 2aad dhaliyay (53rd), Hugo Almeida ayaa kii 3aad dhaliyay (56th) waxaa afareeyay Tiago (60th).

Liedson oo badal ciyaarta ku soo galay ayaa kii 5aad dhaliyay (81st) halka Cristiano Ronaldo uu hal sano iyo 2 bilood kadib goolkiisii ugu horeeyay uu u dhaliyay xulkiisa daqiiqadii 87aad, waxaana soo qatimay goolasha faraha badan Tiago oo goolkiisii 2aad ee ciyaarta ku soo xiray daqiiqadii 89aad.

Portugal 5-3 ayeey kaga adkaadeen markii sidaan oo kale ay ku kulmeen xulka North korea koobkii aduunka ee 1966 gaar ahaan heerka quarter-final iyadoo xilligaa 25 daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay ay ciyaarta 3-0 ku hogaaminayeen waqooyiga korea.

Brazil, ayaa hogaaka Group-ka G ku fadhida oo u soo baxday wareega 2aad markii ay aruursatay 6 dhibcood halka Portugal, oo 4 dhibcood leh ay ciyaarta ugu danbeysa ay wada ciyaari doonaan.

Ivory Coast oo leh hal dhibic waxey ciyaarta ugu danbeysa la ciyaari doontaa North Korea oo aan wax dhibic ah laheydn.

1 Qarni iyo 14 Sano Jir Waayeel Ah Oo Noqotay Qofkii Ugu Da’da Weyn Daawo Soomaaliya

Nuriyo Sheekh Ibraahin oo cimrigeedu lagu sheegay 114 Sano jir ama hal qarni iyo afar iyo toban sano, sida ay noo xaqiijiyeen ubadkeeda oo ah willkeeda ugu weyn Shuceyb Abdi Bare oo ah jira 87 jir oo la nool iyo gabadheeda ku xigta Seynab Abdi Bare oo jirta 84 ayaa waxaa ay ku nooshahay tuulda Laan-Abeer oo 9 km u jirta Degmada Baledxaawo.

Hooyo Nuriyo Sheekh Ibraahin oo ay la kulmeen Barnaamijka Socdaalka Gedo iyo xubno ka socday Hay-ada Daryeelka Waayeelada Soomaaliyeed ayaa iyada oo gaboowday oo ku jirta hoygeeda cariiriga ah oo ay ka dhex buuqaysay waxa ay la ga dheehan karay xaqiiqada ah meesha qof walbaa uu u noqon doono haddii uu cimriga ku sumo.

Nuriyo Sheekh Ibraahin oo la ogaaday mudadii ay socotay is diiwaan gelinta ay sameeyanayeen howlwadeenada hay’adaasi ayaa waxa lagu sifeeyay qofkii ugu da’da weyn ee lagu arko soomaaliya.

Hooyo Nuriyo oo uusan xiskeedu ahayn mid taam ah amaba jooga ayaa waxa qoyseeda ay noo sheegeen in loo xanaaneeyo sidii caruurta oo kale oo la hayo saacad walba islamarkaasna lagu habo dareere amaba clucos oo walxaha jilicsan laga sameeyo.

Nuriyo Sheekh Ibraahin oo ay saxaafada usoo bandhigeen hay-ada daryeelka waayeelada ayaa ahayd mid nagu reebtay dareen gaar ah iyo qushuuc islamarkaana uu wajigeeda ka ka muuqanayay cimrigeeda.

Duq Nuriyo ayaa lagu qiyaasay in faraceeda uu gaarayo 579 Qof oo isugu jira ilmaheeda, waxay dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen iyo kuwii ay sii dhaleen iyo waliba kuwii ay kuwaasi sii dhaleen ilaa (4 Generations).

Haweeydaani cimriga dheer uu eebe siiyay ayaa laga yaabaa in ay tahay qofka ugu da’da weyn soomaaliya inkastoo aysan jirin cid si gaar ah u baartay qofka ugu da’da weyn dalka soomaaliya maadaama aysan jirin wasaarad si gaar ah ugu xilsaaran.

Maxkamadda Degmadda Hargeysa oo Xukuntay Wadaado Xaaraantinimeeyey Hilibka xoolaha




Hargeysa (Digaalenews)- Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo shillinka Somaliland ah ku ridday shalay saddex nin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasoo lagu helay inay xaaraantimeeyeen hilibka xoolaha nool ee lagu qalo caasimadda Hargeysa.


Saddexda nin ee maxkamaddu xukuntay oo sheegtay culimo oo midkood maqan yahay, la ka mid ahna walaalo yihiin waxay magacyadoodu kala yihiin Cabdicasiis Maxamed Cali iyo Muhaymi Maxamed Cali oo labaduba ah Ilma Xaliimo Cali iyo Sheekh Xasan Mukhtaar oo isagu ah maqanaha lagu eedeeyeey inuu yahay maskaxdii soo abaabushay, ayey maxkamadda horteeda kaga caddaatay dembiga lagu soo oogay oo ah inay xaaraan ku tilmaameen hilibka xoolaha lagu qalo magaalada Hargeysa.


Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Dr. Cabdirashiid Beergeel oo isagu ku dhawaaqay xukunkaas, isla markaana halkaa ka akhriyey dacwadda lagu soo oogay eedaysanayaashaas, ayaa sheegay inay nashuushadaynayeen caqiidada diinta islaamka ee ay haystaan dadka reer Somaliland, gaar ahaan shacabka reer Hargeysa, sidaa darteedna ku mutaysteen xukunka isugu jira xabsiga iyo ganaaxa.


Dr. Beergeel oo akhriyey asbaabaha uu u cuskaday xukunka saddexdaas nin waxa uu yidhi; “Cabdicasiis Maxamed Cali, Muhaymi Maxamed Cali iyo maqane Sheekh Xasan Mukhtaar, kuwaasoo dhammaantood ku wada gefay qodobka dastuurka ah ee 314 iyo 304 ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, qodobka 5-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 128, Aayada Ancaam. Waxa kaloo loo cuskaday 70,71,73,75,105,119,120,121,68 iyo 149 ee xeer-ciqaabeedka waxaanna lagu xukumay min hal sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo ganaaxa, isla markaana markay dhamaystaan laga mastaafurin doonaan dalka.”


Waxa kaloo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa sheegay inay daba geli doonaan, gacantana ku soo dhigi doonaan cid kastoo meel kaga dhacda shareecadda diinta islaamka iyo shuruucda qaranka Somaliland, isla markaana caddaaladda la horkeeni doono.


Waa markii ugu horreysay taariikhda ee hay’adaha garsoorka Somaliland xukun ku ridaan dad ku kacay arrimo waaweyn oo liddi ku ah diinta islaamka.

dimanche 20 juin 2010

Paraguay oo ka tilaabsatay Slovakia


Digaalenews- Paraguay ayaa 2-0 ku dhufatay Slovakia sidaana hogaanka ugu qabtay Group F ,waxeyna qarka u saarantahay iney u soo gudubto wareega 2aad ee koobka aduunka.

Enrique Vera ayaa xulka ka socda qaarada South Americans hogaanka u dhiibay daqiiqadii 27aad ee ciyaarta halka Cristian Riveros uu goolkii quusinta ee 2aad xulkiisa u dhaliyay 4 daqiiqo oo kaliyaha markii ay ka harsaneyd ciyaarta.

Guushaasi waxey u sahleysaa Paraguay iney 4 dhibcood hogaaka ugu qabato group-keeda halka Slovakia ay hal dhibic natiijadaani ay siineyso.

Xulka koobka aduunka difaacanaya ee Italy iyo New Zealand, ayaa goor dhow ciyaartoodu ay soo gali doontaa kuwaasoo ka tirsan isla group-kaan waxeyna wada leeyihiin min hal dhibic.

Yemen: Tirada tahriibayaasha Soomaalida oo yaraatay



Yemen:digaalenews – Kadib bilihii Febraayo, Maarso iyo Abril oo ay tirada Soomaalida Tahriibka kusoo gasha dalka Yemen cirka isku shareertay ayaa bishii May iyo June- aynu ku jirno waxaa si aad ah isku dhimay dadka Soomaalida ah ee sida sharci darrada ah kusoo gala dalkan Yemen.

Tirakoob laga sameeyay goobaha soo dhaweynta ayaa lagu ogaaday in tahriibayaasha Soomaalida ah ee Yemen soo gala ay tiradoodu in kabadan boqolkiiba lixdan hoos u dhacday, isla markaana ay sare u kacday mida Tahriibayaasha Itoobiyaanka ah labadii bilood ee ugu dambeysay.

Sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhacaasi ayaa lagu tilmaamay iyadoo haatan lagu jiro xilliga bad-xiranka, isla markaana aanay in badan naftooda kusoo biimeynin badda marka la eego tahriibayaashii kasoo amba qaadi jiray goobaha ku yaalla xeebaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland.

Tirada yar ee 40% ah ayaa dhinacyada tirakoobkan sameeyay waxay sheegeen inay iyagu yihiin kuwo doonyaha ay soo raacaan kasoo shiraacda xeebaha waddanka Jabuuti, kuwaasoo kasoo daga inta badan xeebaha Dubaab ee gobolka Tacis ee dalka Yemen.

Masaafada dhinaca badda ah ee u dhexeysa Jabuuti iyo xeebaha gobolka Tacis oo aad uga yar midda u dhexeysa Puntland iyo Yemen aawadeed kacsanaanta baddu wax saameyn ah kumaanay yeelan tahriibayaasha kasoo shiraacda Jabuuti, inkastoo marka ay soo caga dhigtaan barriga Yemen ay la kulmaan dhibatooyin ay ka mid yihiin socod dheer oo halis badan oo ay u galaan dhinaca waddooyinka ay gaadiidku isticmaalan si halkaasi looga daad gureeyo oo loo geeyo xeryaha Soo dhaweynta qaxootiga.

Masuulyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yemen ayaa iyaguna u arka in hoos u dhacaasi haleelay tahriibayasha Soomaalida ah iyo sare u kaca ku yimid dhigooda Itoobiyaanka ahi uu xiriir toos ah la leeyahay ololaha ka dhanka ah muhaajiriinta Itoobiyaanka ah oo ay labadii bilood ee ugu dambeeyay wadeen ciidamada amaanka gobollada xeebaha ku yaalla .

Sarkaal kamid ah wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in markii hore ay Itoobiyaanku sheegan jireen inay Soomaali yihiin sidaana lagu diiwaan gelin jiray oo loogu biirin jiray tirada tahriibayaasha Soomaalida ah, laakiin hadda markii ay billaabeen inay baaritaanno dheeraad ku sameeyaan qofka tahriibka ku yimaada ay suurto gashay in si fudud lagu kala soco Itoobiyaanka iyo Soomaalida, isla markaana ay tirada Itoobiyanka tahriibka Yemen kusoo galay labadii bilood ee ugu dambeeyay ay noqdeen kuwo shan laab ka badan kuwa Soomaalida ah.

Waxaa muuqata in tiro koobka Soomaalida Yemen joogta ay ku sameyso dowladda Yemen uu yahay mid aan barax tirneyn isla markaana uu booskiisii joogay khilaafka arrintaasi ku aaddan ee ka dhexeeyay dowladda Yemen iyo hey’adda qaxootiga qaramada midoobay u qaabilsan ee UNHCR.

UNHCR waxa ay sheegtaa in tirada Soomaalida qaxootiga yemen ku ahi aanay ka badneyn 80 kun oo ruux halka dowladda yemenna ay ku adkeysaneyso in tirada qaxootigaasi ay hal milyan sii caga-cageyneyso.

Madaxweyne Rayaale iyo Wefti uu Horkacayo oo Maanta Hargeysa Ku Soo Laabtay




Hargeysa(digaalenews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin


iyo Wefti kala duwan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaadhay Caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu soo gebagabeeyey olole oo dhawrkii cisho ee u dambeeyey isagaga dab-qaaday Gobollada Awdal, Gabilay, Hawd iyo deegaannada hoos yimaadda.



Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo socodkii ugu dheeraa shalay ka bilaabay magaalada Gabilay, ayaa xalay niskii hore gaadhay magaalada Cadaadlay oo Hargeysa ka xigta Koonfur-Bari, halkaasoo ay saaka ka soo ambabaxeen, soona mareen deegaanno kale oo ka mid ah Gobollada Hawd iyo Maroodi-jeex, waxa uu wakhti Salaaddii duhur ee maanta loo diyaar-garoobayo Madaxweynaha iyo Weftigiisu yimaaddeen Hargeysa.



Ka hor intaanay iman Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisu, waxa aad loo sii adkeeyey nabadgalyada Caasimadda Hargeysa, iyada oo waddooyinka iyo meelaha is-goysyada ah lagu arkayay Ciidamo isku dhaf ah, Boolis iyo Millatari ah oo raxanraxan u taagan. Taasoo had iyo jeer wakhtiyada Madaxweynuhu baxayo ama imanayo ay Ciidamadu sameeyaan.



Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay maalmihii u dambeeyey safarro la xidhiidhay ololaha doorashada Madaxtooyada oo ay taageero ku raadinayeen ku galaa-bixiyeen Gobollada Awdal, Gabilay iyo Balligubadle, iyada oo Daahir Rayaale iyo Weftigiisu shalay oo ahayd maalintii lixaad ee Xisbiga UDUB ololaha u lahaa socodka ay ka bilaabaan magaalada Gabilay ee xarunta Gobolka Gabilay illaa ay xalay Cadaadlay ka gaadhayeen.



Iyaga oo aan maanta meelaha ay soo mareen dadka ku dhaqan wax hadallo ah u jeedin, maadaamoo aanay ahayn maalintoodii ololaha ee ay ahayd maalin Xisbi kale leeyahay, Sharci ahaanna aanay xaq u lahayn inay meel fagaare ah dadka kala hadlaan.

Guddiga Anshaxa Doorashada Oo Xisbiga UDUB Ku Eedeeyey Inuu Jabiyey Qodobbo Ka Mid Ah Heshiiskii




Hargeysa(digaale news):- Guddiga ilaalinta anshaxa doorashada Madaxtooyada Somaliland, ayaa



Xisbiga talada haya ee UDUB iyo Xukuumadda-ba ku eedeeyey inay jabiyeen qaar ka mid ah qodobbada anshaxa doorashada ee ay saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinku kala saxeexdeen dhawr bilood ka hor, isla markaana ay si sharci-darro ah ugu tagri-falayaan hantida qaranka iyo sidoo kale, shaqsiyaad dawladda u shaqeeya oo ay sheegeen inay UDUB u ololeeyaan.



Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo la socoshada habsami u socodka hawlaha doorashada Madaxtooyada Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo xubno ka mid ah Guddigaas, ayaa maanta Shir Jaraa'id oo ay ku qabteen xaruntooda Hargeysa, waxay kaga hadleen qodobbo ay sheegeen in Xisbiga UDUB jabiyey, iyaga oo xusay jabinta qodobbadaas qaar ka mid ahi inay dhawr jeer soo noqnoqotay, inkasta oo ay ku doodeen inay digniino hore u jeediyeen Xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB-ba, hase ahaatee, ay u arkaan in laga badheedhayo.



War-Saxaafadeed uu shirkaa Jaraa'id ka akhriyey Guddoomiyaha Guddiga illaalinta iyo habsami u socodka doorashada Prof. Cadaad, waxa uu u dhignaa sidan:-



"Ilaa imika shaqo maalmeedkayaga waxaanu qabanaa dacwado badan oo ay soo gudbiyeen xisbiyadu, dacwadaas oo aanu darisnay oo aanu ku dadaalo in aanu ugu jawaabno qoraal, dacwadahaas waxa ka mid ah qaar aanb culays badan lahayn ama aan culays badan lahayn anaga aragtidayada, qaarna waa qaar gudidu u arkayaan inay yihiin sharcigii oo la jabiyay oo lagu tuntay oo waliba oo waliba markanu digniin siinay aanay badalin hab-dhaqankoodii aanu uga digaynay oo ay iska sii wateen iyagga oo aan ixtiraamayn heshiisyadii dhammaan xisbiyada qaranku ay ku heshiiyeen oo ay tahay inay si buuxda u fuliyaan.

Gudidu markay baadhay heshiisyada la jabinayo iyadda oo ay naga reeban tahay xagjirad ama hanaan dhinac ah waxaanu gaadhnay qaraaradan soo socda.
Saddexda qodob ayaa ah xad-gudubyadda aadka u waawayn ee la jabiyay.

1. Warbixinta ololaha doorashada ee telefiishanka qaranka.
2. Isticmaalka gaadiidka dadwaynaha ee xisbiyadda qaranka iyo qodobka saddexaad oo ah Ololaynta firfircoon ee shaqaalaha dawlada.
Sida ku qoran habdhaqanka xisbiyadda siyaasadeed (Code of Conduct) telefiishanka qaranku waa hay’ad umada u dhaxaysaoo laga filayo inay ololaha doorashada si xor iyo xalaal ah oo siman ugu warbixiso umadda siisana wakhti ku filan dhammaan xisbiyadda siyaasada ee ku tartamaya codadka dadwaynaha Somaliland.

Ilaa imika anaga oo digniin badan siinay una yeedhnay Sarkaalka Masuulka ka ah "Maxamed Muuse Diiriye) telefiishanka qaranka, anaga oo mar labaadna u yeedhnay una dignayoo uu noogu balan qaaday hab-dhaqankiisa ah cadaalad darada ah inuu saxayo oo uu hagaajinayo, iyadda oo ay jirto waxaas oo dadaalo ah oo aanu samaynay wax iska badalay hab-dhaqankiisa cadaalad darada ah ma jirto, sidaa daraadeed imika waxaanu u soo jeedinaynaa gudida doorashada qaranka inay talaabo anshax marineed ka qaadaan sida uu xusayo heshiiskii hab-dhaqanka siyaasadeed.

Qodobka labaad ee soo noqnoqonaya waxa weeyaan sharci-darada xisbiga dawlada (UDUB) ee ololaha doorashada u isticmaalaya gaadiidkii dadwaynaha, waxaanuna aad ula soconaa meelo badan oo dalka ka mid ah oo waxaasi ka dhaceen sida ay noo soo gudbiyeen wakiiladayada dhulkaas.
Waxaanu idin xasuusinaynaa inay tahay hanti dadwayne oo cashuurta dadwaynaha laga qaadayay lagyu soo iibiyay.
Gudigu waxay ku adkaysanaysaa in heshiiskii ay wada galeen saddexda xisbi ay wada ixtiraamaan. Haddaba tani waxay reebaysaa isticmaalka hantida dadwaynaha ama gaadiidka dadwaynaha oo dhinac kali ahi u isticmaalo ujeedadiisa gaar ah, anaga oo waliba u qornay xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB oo arintani khusayso oo u sheegnay inuu u digo xubnaha xisbigiisa inay joojiyaan gabood falkan.

Waxa na soo gaadhay in Maayaro laga dhigay gaadiidkii ay ugu shaqaynayeen umadda sababtoo ah waxa ay ka wareegeen xisbigii xukuumada..
Qodobka saddexaad waxaanu idiin xasuusinaynaa in aanu soo xigano war-saxaafadeedkayagii ugu dambayeeyay oo aanu uga digaynay foognaanta ama ka qayb-qaadashada firfircoon ee shaqaalaha dawlada, u ololaynta ay ka mamnuuc tahay shaqaalaha dawlada, waxa loo qoray inay u adeegaan bulsghada oo dhan si siman, waxa ka reeban in maqaamkooda shaaqaenimo in ayna di furan xisbina ugu ololayn, waxa kale oo aanu u sheegnay in sharci cid jabin kartaa aanay jirin, haddii la jabiyana in talaabo anshax marineed laga qaadayo, haddaba waxa nasiib daro ah in umaddu ka arkayso telefiishanka iyo qaranka iyo warbaahinta kaleba shaqaalihii u dhaxeeyay umadda oo ay ka mamnuuc ahayd inay xisbi qudha u shaqeeyaan ay si gaar ah ugu shaqeeyaan oo maalin walba si joogto ah ugu ololaynayaan oo telefiishanka maalin walba laga arkayo umadduna daawanayso, siduu mamnuucayo iyo xeerkii shaqaalaha ee lambat 7, kuwii ay ahayd inay inay sharciga shaqaalaha iyo heshiiskanba ilaaliyaan ayaa ku tumanaya.


Guud ahaan ololihii doorashadu si nabad galyo ah ayuu u socdaa, waxa farxad leh in umadda Somaliland ay aad ugu hanwayn tahay doorashada Madaxwaynaha ayna foojingan yihiin nabadgalyadana waxa ilaaliyaan.

Waxay dadwaynuhu ka rajaynayaan musharixiinta inay si buuxda u ixtiraamaan natijada ka soo baxda doorashada Madaxtooyada xisbigii doonaaba ha ku guulaystee.
Waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu si dhexdhexaad ah cadaaladana ah hawshayada u gudano ilaa iyo inta doorashadu ka dhacayso."

samedi 19 juin 2010

Burco: Kulan Isbadelka Cimilada Looga Hadlay.



Burco:(Digaalenews)- Shir looga hadlayay is badalka cimilada iyo dhibaatooyinka deegaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeebaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee Somaliland.

Shirkaan ayaa lagu lafagurayay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta laga dhigayo dhuxusha iyo sidii bulshada looga wacyi galinlahaa xaalufinta dhirta.

Prof Xasan Daacad oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nolosha bulshada Somaliland boqolkii todobaatan iyo shan ay ku tiirsantahay xoolaha nool sidaa darteedna loo baahanyahay in la ilaaliyo deegaanka.

Prof Xasan ayaa sidoo kale sheegay in aduunka oo dhan ay ka jirto is badal ku yimid cimilada aduunka taasoo la sheegay in ay ka dhalatay dhibaatada deegaanka iyo jarida dhirta.

Madaxa wasaaradda deegaanka iyo hormarinta miiga ee degmada Burco C/laahi Xuseen Jaamac ayaa isaguna sheegay iney si weyn ula dagaalamaan dadka ka ganacsada dhuxusha cidii ay ku qabtaana ay sharciga horgeeyaan.

Shirkan looga hadlaayay dhibataada deegaanka ayaa waxaa wadajir isaga kaashaday Hay’adaha Kadhal Laayd iyo HPF waxaana maagaliyay Ururka Midowga Yurub.

Hantaaqada UDUB, Hamuunta Kulmiye iyo Hammiga UCID Halkay ku danbayn.




Waxa aynu ku jiraa xilli doorasho oo sansaankii waddanku qaab kale isu dhigay , iyada oo aan


ku tilmaami karno in nidaamka cusub ee xisbiyadda badan uu wax ka taray kala qaybsanaantii bulshada, waa doorashadii labaad ee madaxweyne loogu tartamo Soomaliland , waxaana saddexda xisbi ku jiraan tartan ka duwan kii hore loo geli jiray, waxaana muuqata in uu jiro is bedel weyn oo halis leh, waa midda koobaad e ; dadka oo haysta kaadhadhkooda oo ay u fududahay in ay ka iibiyaan murashax gaar ah , iyaga oo aan xeerinahayn qiyamka iyo xuquuqda doorasho leedahay, waa
Waa ta labaade waxa sahlan in xisbi ku shubto codadka qaarkood haddii uu fursad helo , taas oo dad badan ay ka dayriyeen in lagu tuhunsan yahay labada xisbi ee sida xooggan isu caydhsanaya ay iibsadeen ama kaydsadeen kaadhadh tira badan, taas oo lagu tilmaami karo in ay tahay tabcooyinka laysku mijo xaabin doono, halka Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ayaa isaguna shaxda god aan laga filayn degay, taas oo keentay in ay doorashada ka qayb galaan dad markii hore qoondaystay inaanay doorashada ka qayb gelin, iyaga oo sabab uga dhigaya : in kollayba lagu shubanayo oo aanay qiimo lahayn in codkooda ay bixiyaan, iyo iyaga oo aan ku qancin barnaamijyadda xisbiyada kale soo jeediyeen , islamar ahaantaana u dheg taagay dhawaaqa diirran ee dhinaca shareecadda ah ee ka soo yeedhay Murashaxa Faysal Cali Waraabe.

Su’aasha ugu badan ee la is weydiinayo ayaa noqotay , Suul-daarada lala helay UDUB ma noqon kartaa mid ay kaga baxsan karto in ay samayso ku shubasho iyo khiyaamo doorashooyinka ay ku samayso , Hammuunta Kulmiye u qabo kursigu se ma keeni kartaa in uu iibsado kaadhadh aan dadkii lahaa gaadhin oo kaydsan, Hammiga UCID se ma xaqiijin doonaa farriimaha uu dadka sida tooska ah ugu sheegay heerkiisa kor u soo qaaday?


In lagu shubto codadka doorashada ama la iibsado waa arrin aan la aqbali karin sharci iyo xisdi midkoodna , waxaanay meel ka dhac ku tahay qiyamka doorashooyinka .

Haddii aan eegno waxa shareecadda islaamku ka qabto arrinta ah in lagu shubto ama la iibsado codadka doortayaasha , waxaan soo qaadanaynaa su’aal laga weydiiyey Caalimka weyn ee Dr. Sh. Yuusuf Al-Qaradaawi: su’aashu waxay u dhignayd: ka waran xukunka shareecadda ee ku shubashada codadka iyo in la aqbalo natiijada ka soo baxda doorasho lagu shubtay iyo dadka doorashada u diida iyagoo sabab uga dhigaya kollayba waa lagu shubanayaaye maxaan kaga daalayaa?

J: waa denbiyada waaweyn(kabaa’irta) ma aha xaaraan, dadka qaarkood culimo iyo caamma ba waxa ay u yaqaanaan dunuubta waaweyn wax halaagta dilka, shirkiga , sinada iyo khamriga la cabo, isaga oo sheekhu ka hadlaya ahmiyadda leedahay arrita doorashooyinku waxa uu yidhi “arrintan masiirka ummada ah dadka intooda badan ahmiyd ma siiyaan waxa ay culimada waydiiyaan Xaydka , Nifaaska iyo arrimaha shakhsiga ah,”
“In lagu shubto doorashooyinka waa denbiyada waaweyn ee lagu hoogo naartana lagu galo, Nebigu NNKH isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “ Waar ma idiinka waramaa waxa lagu halaagsamayo? Dabadeed saxaabadii waxa ay tidhi haa: “In Ilaahay loo shariig yeelo (cibaadada cid lala siiyo) waalidka oo la caasiyo (caaqu waalideyn) , nabigu waa uu dangiigey , inta uu soo saro fadhiistay ayuu yidhi: iyo odhaahda been abuurka ah iyo maraga beenaalaha , weedhahaas ayuu ku celceliyey ilaa aanu nidhi , alla muu iska aamuso anaga oo u naxariisanayna”

Qur’aanka ayaa isaguna sidoo kale arrintan si xoog leh uga warramaya “Ka dheeraada sanamada nijaasada ah iyo markhaati beenaalaha” Xadiis kale ayaa isaguna tilmaamaya “Marag beenaalahu waxa uu la mid yahay Shirkiga”
Haddii Qur’aanka iyo xadiiskuba ay sidaa uga hadleen marag beenaalaha iyo hadalka been abuurka iyadoo laga hadlayo qof ama shakhsi ummada muslimka ka mid ah , maxay noqonaysaa masiirka ummad dhan oo marag beenaale iyo weedh been ah lagu baa’iyo oo lagu qaato xaqooda, waxa habboon in ay dadku fahmaan miisaanka ay arrintani leedahay, oo muraaqibka gudoomiyaha , komishanka iyo axsaabtuba ay ka war qabaan mas’uulayaddaas iyo denbiga ka dhalan kara haddii lagu kaco falkaas.

Musuqmaasaqa iyo ku shubashada waxa keenaya marka ay dadku u dareeri waayaan doorashda , oo ay yaraato tirada codeeyayaasha sidaas awgeed waxa ku waajib ah dadka kaadhadhka haysta in ay tagaan kana qayb galaan doorashada si a y


Haddaba dhinacyada aan ka eegnay oo dhan jira haddana waxa shaki weyn laga qabaa in xisbiga talada haya , oo xilligan shacabka Somaliland intoodii badnayd ay ka sii jeedo , in uu xal moodaan in ku shubtaan doorashada ,waxaana tuhunkan loogu sibir saaray hoos u dhaca xoogan ee laga dareemay miisaniyaddii dhaqaale ahaan ee lagu bixin jiray, kaambaynka ololaha doorashada.

Sidoo kale marka aan eegno hamuunta kursi ee kulmiye sida xoogan uga muuqata iyo xamaasadda siyaasadeed ee taageerayaashiisu la garab taagan yihiin, taas oo abuuri karta in ay ku kellifto in is faham dhexmaro iyaga iyo shaqaalaha goobaha ka hawl gelaya islamarkaana la isticmaalo kaadhadhka kaydsan ee tuulooyinka yaalla ee ka xayiran dadkii xaqa u lahaa, taas oo aan ku tilmaami karno dariiq aan xalaal ahayn oo lagu gaadhi karo kursiga .

Ugu danbayntii Xisbiga cadaalada iyo daryeelka , oo hammiga ku haya in uu hoggaanka dalka ku gaadho dariiq xalaal ah, oo taageeradiisuna ay kor u kacday islamarkaana kasbaday dad badan oo aan hore niyadda ugu hayn in ay codkooda bixiyaan , waxa iyana saadaashu iftiiminaysaa in UDUB ay sinsaaro iyo jallaafo u dhigi karto xisbiga Kulmiye ee halista ku haya, taas oo sahli karta in ay xaqiiqowdo hammiga ay ucid niyadda ku hayso.


Qore : Axmed Muuse Ismaaciil..Burco..S/land.

BURCO:Taageerayaashii Xisbiga UDUB ee Ugu badnaa oo maanta isugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada.




Burco(Digaalenews)--Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wafti balaadhan oo uu hugaaminaayo oo ka tirsan xukuumada oo iskugu jira wasiiro xildhibaano iyo madax kale oo ka mid



yahay Xoghaya guud ee Xisbiga Udub ayaa maanta isusoobaxa Ololaha doorashada kala qaybqaatay Kumanaan kun oo qof oo ka tirsan taageerayaasha Xisbiga Udub ee Gobolka Togdheer.



Madaxweyne ku xigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo halkaasi kala hadlay dadkii isu soo baxay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Burco waa halkii laga aasaasay Somaliland waana halkii uu ka bilaamay halkankii dalka lagaga xoreeyay dawladii faqash ,maantana kubada Togdheer ayaa laga dhalinayaa , waxaanan idiin sheegayaa reer Burco aduunku waa shalay ,maanta iyo barito,baritona waa horumarkii ,Xisbiga Udubna waa xisbigii amaanka ,midnimada iyo hurumarinta Somaliland.

Geesta kale waxaan idiin sheegayaa mucaaridkii waa laga soo laalaabay galbeed ,maantana waxaanu ka laa laabaynaa Togdheer iyo gobolada bari markaa balanteenu waa 26 Jun iyo maalinta xornimada Somaliland oo aad codkiina siisaan Xisbiga Udub.




Gabogabadii waxa ii Madaxweyne ku xigeenku u mahadnaqay taageerayaashii fagaaraha khayriyada Burco isugu soo baxay .


Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa wasiiradii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi.”Walaalayaan aniga oo ku faraxsan sida xoogan ee aad u muujiseen taageerada Xisbiga qaranka ,Xisbiga Kulmiye ee maanta doonaya in uu nala tartamo daraato Oodweyne ayuu tagay waxaanu ka xaystay ciidan beeleed inta uu ciidankii qaranka Aamini waayay iyo bulshadii gobolka ku noolayd,waar ninka cod laga doonayo ma qori ayaa loo qaadanayaa ? ninka maanta iyadoon la dooran waxaasi samaynayaa baritone muxuu samaynayaa ?.








Labada xisbi ee nala tartamaaya marka aan siyaasadooda idiinka waramo waxay dabada ku hayaan Kooxaha koonfurta Somaliya Xisbiga Ucid madaxda Al Shabaab waxay yidhaadeen haloo codeeyo Xisbiga Kulmiyena xasan Daahir Aways oo hugaamiya Xisbul islaam waxa uu ku baaqay in la doorto waanay arintaasi ku tusaysaa xisbiyada nala tartamaaya in ay taageersanyiin kooxaha rabshadaha ka wada Koonfurta Somaliya ,waxaanay doonayaan labada xisbia in dalku noqdo Muqdisho oo kale oo uu qiiqo sidaa awgeed waxaan idin leeyahay 26-ka Juun codkiina siiya Xisbiga Udub si aynu ragaasi kaamamkooda ugu xidhno.



Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Wasiir dawlaha madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan macalin) oo isna uga digay taageerayaasha Udub iyo dadka reer Burco in ay iska ilaaliyaan xisbiyada uu tartanku ka dhexeeyo oo uu sheegay qaar ka mid ahi in ay quraan ku ololeeyaan kuwaasi oo uu xusay in aaney diin ku shaqo lahayn una soo jeediyay Xisbiga Udub in ay codkooda siiyaan.


Duqa Degmada Burco oo isna fagaarahaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay .”Waxaan idiin sheegayaa Xisbiyada maanta Udub la tartamaaya waxa ku jira ragii yidhi anigoo wax dili kara duco qaadan mayo sidaa awgeed maantana waxay doonayaan in ay guryaha jiingada ka goostaan ee waxaan idinkula dardaarmayaa Codkiina siiya xisbiga nabada ee Udub.



Gabogabadoo waxa iyana halkaasi ka hadlay isla markaana taageerayaasha Udub usoo jeediyay in ay nabadgelyada iyo shuruucda doorashada ilaaliyaan Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C\laahi Biin ,Xil.Naasir X.cali Shire iyo Gudoomiyaha Udub ee Gobolka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim.




Geesta kale markii ay dhamaatay qudbadii madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu ayaa waxa khayriyada Burco ilamaa guriga martida ee Burco lugeeyay Madweyne ku xigeenka iyo waftigiisii oo ay wehelinayeen Kumanaan kun oo Qof oo ku dhawaaqayay erayo ay ku taageersanyiin Xisbi xaakimka Udub..


Banaan baxan Xisbiga Udub ka dhigay magaalada Burco oo ay iskugu soo baxeen Kumanaan kun oo Qof ayaa ruxay suuqyada Burco isla markaana waxa uu ahaa kii ugu baladhnaa ee Udub ka samayso magaalada Burco..

Burco Digaale news

vendredi 11 juin 2010

Wariyayaal lagu dhacay South Afrika





Labadan wariye oo u dhashay dalka Bortuqal ayaa lagu dhacay hotel ay deganaayeen oo ku yaalay meel 130 Km u jirtay magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Africa, iyadoona hotelkaasina ay hore ugu sugnaayeen ciyaartooyda qaranka Bortuqal.

Dhaca loo geystay labadan wariye ayaa waxaa ka danbeeyey burcad ka koobnaa laba ruux, kuwaasoo ku hubeysnaa bastoolado xiliga ay dhaca u geysanayeen wariyeyaashaasi.

Waxaana la sheegay in burcadaasi ay labadan wariye ka qaateen baasabooradii, dharki ay wateen iyo weliba qalab ay ku tabin lahaayeen ciyaaraha aduunka ee la filayo in maalinta jimacaha ah ay si rasmi ah uga furmaan gudaha dalka Koonfur Africa.

Wariyayaasha la dhacay ayaa lagu kala magacaabaa Antonyo Famoos iyo Raay Gastavo Antonio kuwaasoo burcadii dhacday eyan waxba u reebin warfidiyeenadaasi.

Waxaa ay sidoo kale burcadaasi cagta sii marsiiyeen oo ay dhac kale u geysteen saxafi u dhashay dalka Spain, kaasoo isna laga qaatay lacago uu watey oo aan la cayimin inta cadadkeedu ahaa iyo qalabka wax lagu tabiyo.

Booliska dalka Koonfur Africa oo gaaray hotelka lagu dhacay wariyeyaashaasi ayaa baaritaano xoog leh ka sameeyey hotel-ka, iyagoona xiray mid ka mid ah shaqaalihii hotelka oo ay ugu shakiyeen inuu wax xiriir ah la lahaa burcaddi dhaca geystay.

Dhaca loo geystay seddexdaasi wariye ee u kala dhashay dalalka Bortuqal iyo Spain ayaa ku soo beegmaya xili dalka Konfur Africa ay buux dhaafinayaan ciyaartooy, taageerayaal iyo weliba dal-xiisayaal, kuwaasoo ka kala imaaday dunida daafaheeda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee lagu dhaco hotel ku yaal dalkan dad u ymid ciyaaraha aduunka, iyadoo bishii may 30-keeda lagu dhacay hotel ku yaalay magaalada johannesburg xulka qaranka colombia, kuwaasoo burcadi dhaca u geystay ay ka qaateen lacago Euro ah oo gaaraysay dhowr kun oo doollar iyo alaabo qiimo badan ku fadhiyay oo ay wateen ciyaartoda iyo gudiga la socday.

Booliska Burco oo qabtay Hub iyo aaladaha wax lagu qarxiyo ..








Burco(digaalenews). Hal askari ayaa ku dhintay laba kalena ww ku dhaawacmeen kadib markii maanta Boolisku ay hawlgal ku sameeyeen guri ku yaala dhinaca Bariga,gaar ahaan Xaafada


Oktoobar, la sheegay in kuy jireen kooxo hubaysan oo haystay aalladaha wax lagu qarxiyo halkaasna ay boolisku kala kulmeen tacshiirad.



Hoggaanka ciidanka booliska gobolka Togdheer Col.C/Raxamaan Fooxle ayaa TogdheerNew u sheegay inay hayaan laba ka mid ah kooxdii guriga ku jirtay,isla markaana ciidanka booliska uu ka dhintay hal askari ,laba kalena ka dhaawacmeen,wuxuuna taliyuhu intaa ku daray in ay qabteen hubkii iyo aaladihii loogu talogalay inay wax ku qarxiyaan oo isugu Miino,Rasaas iyo aalado kale.



Kooxdan guriga ku jirtay ee hubaysnayd ayaa la sheegay inay booliska u soo sheegeen dadkii dariska ahaa kadib markii ay ka shakiyeen dhaqdhaqaaqa ka socday gurigaas,waxayy kaloo dadka dariska ahi sheegeen in kooxdani ay labadii maalmood ee u dambaysay soo galeen guriga.



Tirada kooxdan ayaa lagu sheegay lix qof oo laba ka mid ah hadda gacanta lagu hayo.Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti lagu jiro ololihii doorashooyinka, iala markaana 26-ka bisha Juun la filayo inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu.

mercredi 2 juin 2010

Faysal Cali-waraabe Iyo Garnaqsigiisii




.


Hargeysa (Digaalenews)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa markii ugu horreysay kala garnaqsaday beesha uu ka soo jeedo kaalinta ay kaga jiraan



taageerada ay u hayaan xisbigiisa iyo murrashaxnimadiisa jagada madaxweynaha, isaga oo uga xogwarramay duruufihii adkaa ee siyaasadeed ee soo wajahay intii uu siyaasadda ku jiray iyo fikirrada ay ka aaminsan yihiin.

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sidaa ka sheegay munaasibad la isku arkay oo ka dhacday hudheelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay isugu yimaaddeen taageerayaasha UCID ee degmada Maxamuud-haybe.

Guddoomiyuhu waxa uu si qoto dheer uga warramay aasaaskii xisbiga UCID, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “UCID waxa uu ahaa xisbigii ugu horreeyey markaan dibedda ka imi ee aan aasaasay, waxaanan u aasaasnay in aannu dalka u sameyno hoggaan wanaagsan, iyadoo aannu dalkeenu helin ilaa lixdankii hoggaan wanaagsan.

UCID waxa uu ahaa xisbigii markii doorashadu dib-u-dhacday idin kala furfuray ee idin kala furdaamiyey, taasina waxay ii horseeday in la yidhaahdo wuu isbedbeddelaa, laakiin anigu markasta waxaan raacayey tallada ay ku jirto danta guud ee shacabka reer Somaliland, had iyo jeer taan soo jeediyo goor gaaban ayaa la raacayey.”

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey dhibaatooyinka isaga iyo xisbigiisa la soo darsay, waxa uu yidhi; “Aniga dhibaatooyin badan baa nagu dhacay, dacaayado ayaa nagala faafiyey, waanna nalagala dagaalamay in aannu ku sii jirno siyaasadda, waxaanna la igu odhan jiray doorasho ma rabo Faysal, maanta waan ogahay oo toban qof oo beesheena ka soo jeeda oo la mid ah nin boqol geel ah leh oo ka marti tegay, ayaa tashuush idinku furaya, markaas ayey idin yidhaahdaan doorasho ma doonayo, haddaanan doorasho doonayn miyaan carruurtayda u tago.

Waxaan leeyahay sidii islaantii kiristaanka ahayd ee maalin walba laga dul eedaami jiray ee tidhi; ‘Wallee ninkaas waxa ka qaylisiiyey wax weyn baa jira.’ Nimankaasina waxaan leeyahay oo aan idiin sheegayaa way ka marti tageen Illaahay geelooda ha tuso uu u dhalaye.

Maanta waxaan idiin sheegayaa in dalkan xisbiga keliya badbaadin karaa yahay xisbiga UCID, aniga ha ii daynina ee waxaan Illaahay waydiistaa in aannu xilkaas i siinin haddii aanan daacad u ahayn, balse idinku waxaad eegtaan saddexayada murrashax, saddex baabuur ayaanu wadanaa u fiirsada rakaabkayaga, intaas ayaana idinkaga filan, siddeed iyo tobankaas sannona ee ay Somaliland waxba qabsan kari waayey, maamulkeeda dhinacna kagamaanu jirin, balse waxaannu wadnaa caddaalad iyo kelmada tawxiidka ah, waa inaad beesheena kicisaan oo aad sida degmooyinka kale doorkiina ka qaadataan, in badan ayaa la I weydiinayey beeshii Faysal Cali-waraabe meeday.”

Dhanka kale, xisbiga UCID waxa uu sagaal xafiis ka furtay degmooyinka magaalada Hargeysa, iyada oo masuuliyiinta xisbigu oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha ololaha UCID ee Gobolka Maroodi-jeex kormeer ku soo mareen xafiisyada xisbigu furtay.

Terry Aabihii oo xabsi la dhigay



digaalenews – Captain-ka kooxda Chelsea John Terry’s Aabihii ayaa waxaa lagu xukumay xabsi markii lagu helay danbi ah inuu qeybinayay maandooriyaha la yiraah cocaine sida uu shaaciyay wargeys dalkaasi ka soo baxa.

Edward Terry, oo 56 sano jir ah, wuxuu qirtay inuu qeybinayay daroogadaasi hayeeshee nin wariye ah oo ka tirsan wargeyska News of the World, oo ah wargeyska loogu iibsiga badan yahay Britain ayaa wuxuu iska soo dhigay nin iibsanaya daroogadaasi, isagoo kula kulmay baar lagu cabo qamriga wine-ka oo ku yaala Chafford Hundred, oo ku yaala bariga London, bishii November.

Waxaa haatan odayga lagu xiray xabsi ku yaala Basildon Crown Court isagoo lagu xukumay mudo 6 bilood ah. Waxaa intaa u dheer in Terry lagu xukumay in uu sameeyo 100 saacadood oo shaqo ah , iyadoo ay u dheertahay ganaax gaaraya 95 pounds (140 dollars, 115 euros) costs.

“waa wax aad iyo aad u cad inuu ninkaan galay danbigaan markii sheekadiisa lagu soo qoray wargeyska,” garsoore Christopher Mitchell ayaa sidaasi laga soo xigtay

Markab Ganaci oo ku soo jeeday Dekadaha Berbera iyo Boosaaso oo Budhcad badeed Qafaalatay.



Boosaaso(Digaalenews)-- Markab lagu Magacaabo QSM-Dubai oo siday 300,000. oo kiish oo raashiin ah oo uu u kala wadey Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso


, waxaana uu ka soo furtay dekadda magaalada Dubai ee dlak isutagga imaaraadka carabta.
Markabkan ganacsi oo urarnaa shirkadda Muwafaq ayaa saaka Kooxo Burcad badeed ah ku afduubteen gacanka cadan isagoo ku sii jeeda Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland.

Ciidamada Nato ayaa soo sheegay in markabkaasi subaxnimadii maanta ay kooxda Burcadbadeeda Qafasheen oo ay marinkiisii ka weeciyeen.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Muwafaq ee uu u rarnaa Markabka ayaa Bar-kulan usheegay in ay kooxaha Burcadbadeeda markabka ay la abaareen Xeebaha Gobolka bari

mardi 1 juin 2010

Madaxweynaha Ugaandha iyo Xoghayaha QM oo kubad wada Ciyaaray.



Kambala(DigaaelNewsnews)-Xoghayaha guud QM Ban Ki-moon iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa shalay ciyaar aad ugu adag iskaga hor yimid taasoo aheyd midii ugu xiisaha badneyd


ee ka dhacda africa xilli diyaar garow loogu jiro koobka aduunka.

Labada ninba qeybtii danbe ee ciyaarta ayeey badal ku soo galeen , ciyaartaasi waxey aheyd mid loogu talagalay in lagu muujiyo sida ay u wanaagsantahay in loola shaqeeyo maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC International Criminal Court.

Kooxdii uu madaxweyne Museveni u ciyaarayay oo la yiraah “Dignity” kooxda sharafta ayaa waxey garaaceen oo ay ka badiyeen kooxdiii Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Ban ki moon oo la oranayay “Justice” kooxda cadaalada , waxeyna ku dharbaaxeen 1-0, ciyaartaasi waxey ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Mandela Stadium oo ku yaala magaalada Kampala, Uganda.

Museveni iyo Ban waxey ciyaareen mudo 10 daqiiqo oo kaliyaha, iyagoo madaxweyne Museveni lagu jilaafeeyay qeybta ganaax ee goolkaa ee loo yaqaan penalty area. Laakiin waa laga diiday in wax rigoore ah loo dhigo

Cape town: Soomaalida oo ka cabanaya laanta sharci bixinta.




Cape town/ Koonfur afrikaCape-town :DigaaleNews -Soomaalida ku dhaqan dalka koonfur Africa ayaa ka cabanaya laanta sharci bixinta wasaarada arimaha gudaha ee dalka Koonfurta afrika, iyadoo dhibaatooyin kala kulmo ilinka hore ee xaruntaasi marka ay doonayaan inay cabashooyinkooda gudbistaan.

Soomaalida sharciga u raadsata xaruntaasi wasaaradda arimaha gudaha ayeysan u suurtogalin inay helaan sharciga, iyagoo habeenkii saq dhexe u kalaha xaruntaasi si ay uga mid noqdaan dadka ugu horeeya ee lasii daayo xiliga ay shaqada bilaabato.

Helitaanka sharciga ayaa ku adkaada Soomaalida ku nool magaalada Cape-town., iyadoo taasi loo aaneynayo in ay meeshu noqatay mid ku shaqaysa musuq-maasuq, maadaama aaney jirin cid koontoroosha oo ka socota wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Koonfur afrika ama tan socdaalka.

Waqtiga ay Soomaalidu safka ugu jiraan sharciga ayaa waxaa dhac u geysta burcad iyagu u soo shaqa taga laantaasi sharci bixinta, Kuwaasi oo ka qaata lacag wixi jeebkooda ku jira iyo weliba taleefanka gacanta waxaana ay mararka qaarkood ku dhuftaan mindi marka qofku isku adkeeyo in laga qaato xoolihiisa.

Hooyo Ceebla Maxamed Cabdulaahi ayaa Barkulan u sheegtay in ay ku dhibantahay sharciga xili ay ku jirtay saf ayna taagneyd ilinka hore ee laanta sharci bixinta dalka Koonfur afrika.

Waxay sheegtay hooyo Ceebla Maxamed in muddo hal-sano ah ay iyadoo xanuunsan ku dul meereysaneysay laanta sharci bixinta.

Sharciga deganaanshaha ee lasiiyo Soomaalida ayaa sanadii 1996 waxaa ansixiyey baarlamaanka dowladda Koonfur afrika xiligaasoo uu dalka madaxweyne ka ahaa Nelson Mandela oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee si xor ah ku guuleysto doorashadii ugu horeysay ee lagu qabtay dalka una dhashay wadanka Koonfur afrika kuna hogaamiyay cadaalad iyo sinnaan.

Ma jirto cid ilaa haatan wax ka qabata cabshooyinka kasoo yeera soomaalida ku nool Koonfur afrika marka laga reebo guddiga jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi iyagu cabashooyinka Soomaalida u gudbiya dowladda Koonfur afrika si wax looga qabto

Hogaamiye Alqacida oo la dilay




Digaaelenews-Mustafa Abu al -Yazid wuxuu ahaa qofka loo soo maro Osama bin Laden
Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in nin ka mid ka madaxda sare ee Alqacida ay diyaaradaha Maraykanka ku dileen Pakistaan.
Mustafa Abu al -Yazid oo loo yaqaano Sheikh al Masri ayaa lagu dilay bishii May gobolka u dhow Afganistaan.

Warbixin ay Alqacida ku soo saartay boginternetka ee ay leeyihiin ayay ku xaqiijiyeen dhimashadiisa.

Mustafa Al-Yazid ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa ninka ugu sareeya Alqacida ee u qaabilsan dhinaca lacagta, uuna ahaa ninka loo soo maro hogaamiyaha Alqacida Osama bin Ladin.

Sidoo kale waxaa la aaminsan yahay, inuu dhiibay lacagtii lagu qaaday weerarkii 9/11 eelagu qaaday New York iyo Washington.

lundi 31 mai 2010

Wasiir Udawlaha Wasaarada Arimaha Dibada oo faahfaahin ka bixiyay Socdaal uu ku marayay G/ Bariga




Burco(Digaalenews). Wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Somalioland md.Cabdiraxman Cismaan Aadan,



oo muddooyinkan safar ku marayey deegaamada gobollada Sanaag iyo Sool ayaa sheegay in muhiimadda safarkoodu la xidhiidhay sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen sida ay u socoto hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee doorashooyinka, isla markaana bulshada aannu ugu wacyi-galin lahayn ayuu yidhi “ inay qaataan kaadhadhka codbixinta doorashooyinka”.


wuxuuna intaas ku daray wasiiru dawluhu inay mudadii ay ku sugnaayeen magaalooyinka Ceeri-gaabo iyo Ceel-afweyn ay kulammo kala duwan la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada si wanaagsanna isu af-garteen dadweynihii deegaanadaas, isagoo xusay in dadweynaha deegaamadaasi yihiin kiwo si weyn u taageersan xukuumadda iyo xisbiga Udub, diyaarna u ah inay codkooda siiyaan xisbiga Udub marka la gaadho maalinta doorashada.


Wuxuuna wasiiru dawluhu ugu baaqay shacbiga reer Somaliland inay ilaashadaan degganaanshaha iyo xasiloonida si nabadgalyo lehna u dhiibtaan codkooda,wuxuuna sheegay wasiiru dawluhu in safarkiisan ay ku wehelinayeen wasiirka arrimaha debadda iyo wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda,isagoo Xusay in ay si fiican ugu soo guulaysteen hawlihii shaqo ay u tageen gobolladaas.

digaaleNews

Wasiirka Hawlaha Guudoo Madaxweynaha u Sharaxay Wax-qabadkii Wasaaraddiisa 7-Sano uu Wasiir ka ahaa



Hargeysa(Digaalenews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaga Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub Maxamed, ayaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin warbixin dheer ka siiyey


waxqabadkii Wasaaraddiisa muddo toddoba sano ah oo uu Wasiir ahaa, halka uu marayo dhismaha Biriijka labaad ee Caasimadda Hargeysa iyo waxa u hadhay.talinaysay. Waxaanu sheegay Wasiir Sulub inuu horumar ballaadhan gaadhsiiyey Wasaaradda intii uu joogay, isaga oo qodob-qodob Madaxweynaha ugu sharaxay waxyaabaha uu qabtay.


Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka qaybgalay Xaflad uu xadhiga kaga jaray Xafiis cusub oo loo sameeyey Nashqadaynta Magaalaynta dalka oo laga dhisay xarunta Wasaaradda hawlaha guud ee Hargeysa, ayaa Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxqabadkii Wasaaraddaas intii uu Wasiirka ka ahaa. "Madaxweyne Wasaaaradda waxaan joogay muddo toddoba sannadood ah, waxyaabo badan ayaannu wax ka qabannay muddadaas aan joogay, waxqabadkayagii waxa ugu dambeeyey Xafiiskaa


nashqadaynta magaalaynta dalka iyo xallinta khilaafaadka dhulka ee aad xadhiga ka jartay oo ku qotoma Xeerka dhulka ee No. 17 oo Golaha Baarlamaanku ansixiyey wax ka beddal iyo kaabis lagu sameeyey, waxaanan aad ugu mahad-naqayaa Hay'adda UN-Habitet oo naga caawisay dhismihiisa." Sidaa ayuu yidhi Siciid Sulub.


Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; "Xafiiskan garnaqa dhulku muddo ayuu sii shaqaynayay, oo uu ka shaqaynayay Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco oo intaba Guddiyadu ka shaqeeyaan, waxaana qorshaha noogu jirta in xafiiskan nashqadaynta magaalaynta iyo ka garnaqa dhulka gaadhsiinno dhammaan Gobollada dalka. Madaxweyne Xafiiskan waxa lagaga raystay dhibaatooyinkii dhinaca dhulka oo Maxkamadaha culays badan ku hayay, Murankii iyo is-qabsigii dhulka." Wasiirka Hawlaha guud waxa uu ku faanay intii uu xilka hayay inuu hirgeliyey dhismayaal fara badan oo uu sheegay inuu ka sameeyey xarunta Wasaaradda, sida Xafiiska Hay'adda Waddooyinka, 10 Xafiis oo uu tilmaamay inuu ka dhisay xaruntii gaadiidka dawladda ee Hargeysa, laba hooso oo gaadiidka dawladda lagaga shaqeeyo, hool uu sheegay in shaqaalaha gaadiidka lagu tababbaro, kuwaasoo uu Wasiirku sheegay inaanay shaqayn jirin wakhtigii uu la wareegay xilka Wasaaraddaas wakhti imika toddoba sano laga joogo.


Siciid Sulub, waxa kale oo uu sheegay inay wax-qabadkiisa ka mid yihiin, kaalin shiidaal oo uu Wasaaradda u sameeyey, Xafiiska bixinta Liisamada, kala wareejinta gaadiidka, tirada shaqaalaha Wasaaradda oo uu sheegay inay laban-laabmeen intii uu joogay isagu iyo waxyaabo kale oo badan. "Madaxweyne Tirada Shaqaalaha Wasaaradda hawlaha guud ka shaqeeya ee guud ahaanba Gobolada dalku waxay ahaayeen 94 shaqaale ah, maantana waxay tiradada shaqaalaha Wasaaraddu marayaan 192 qof oo shaqaale ah Gobolada oo dhan, markaa isbeddalkaasi Madaxweyne waxa uu yimi intii aan xilka hayey. Madaxweyne Anigu UDUB-yahan baan ahay oo Raggii UDUB aasaasay ayaan ka mid ahaa, markaa maalin dhawayd oo aan shaqaalaha la hadlayay waxaan idhi waar intiina badani intii UDUB xilka haysay ayaad shaqada hesheen ee shaqeeya," ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland.


Waxa kale, oo uu sheegay Siciid Sulub, inay Wasaaraddiisu dakhli badan xukuumadda u soo xarayso, "Dakhli badan ayay Wasaaraddu soo xaraysaa Madaxweyne, Shirkad kasta oo kuwa dhismaha ah liisan ayaannu siinnaa, waxaanay noogu kala qiimaysan yihiin A,B iyo C. Wasaaraddu toddobadaa sano ee aan joogay waxay bixisay, 19816 Bilaydh Lambar oo kuwa baabuurta dadweynaha ah, 9,98 Bilaydh Lambar oo Gaadiidka dawladda ah, 300 oo Bilaydh Lambar oo Baabuurta Hay'adaha ah, waraaqaha 15,14 shan iyo toban kun iyo afar iyo toban baabuur oo la kala wareejiy, 42,943 Liisan iyo 21,11 Debite Book ah." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub. Waxaanu intaa ku daray inay wax ka qabtaan dayac-tirka waddooyinka dalka.


"Hotra Madaxweyne Biriishkan labaad ee Hargeysa waa 82 Mitir, waxa uu noqonayaa ka ugu dheer dalka, tayadiisuna waa nooc aan hore dalka looga dhisin, berigii qolo Ajanab ah oo aanu u yeedhnay ayaa nagala talisay tayadiisa, Bariij boqol sano jira oo aan is-beddalin ayuu noqonayaa. Maalintii Cali-dhooqo (Bariijku) dumay 45 cisho gudohood ayaannu ku dhisi karaynay noociisii, ee waxaannu is nidhi Bariij tayo leh oo taariikhda gala, oo magac leh oo idinkana laydku xasuusto u sameeya dalka. marmar baad is odhanaysaa faduul baad doonatay, laakiin in qofka masuulka ahi wax fiican sameeyo ayaa wanaagsan." Ayuu yidhi Siciid Sulub. Waxaanu tilmaamay in qorshuhu markii hore ahaa in kharashka biriijka lagu dhisayo 70%-kiiba dadweynuhu bixiyaan 30%-kiibana dawladdu bixiso, hase ahaatee, sicir-barar dhacay oo qiimihii hore laga guuray, taasina caqabad noqotay. waxa kale oo uu caqabadaha ka horyimi halka biriij laga dhisayo oo doox biyo mareen ah iyo awoodda oo yar. "Waxa imika hadhsan wax yar, intaasna dhaqaalihii Madaxweyne intii u dambaysay waadigii Guryahan la yidhaahdo waa la iibsaday mid u iibiyey, dawladda hoose-na ku yidhi dhul ha loo iibiyo, kharashka inta hadhay waxna lagac ayaa loogu hayaa, waxna dhul, waanu dhammaanayaa dhawaan." ayuu hadalkiisa ku ladhay Wasiirku.


Madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa markii uu warbixinta ka dhagaystay Wasiirka hawlaha guud ka dib, hadalka la wareegya, isla markaana waxa uu si weyn ugu mahadceliyey wasaaradda iyo hawl-wadeennadeeda, isaga oo arrinta dhismaha biriijka labaad ee Hargeysa-na ka hadlay. "In Biriij la dhisaaa waa wax wayn, Dawladdu hadday hayso iyadaa samayn lahayd biriijka ee shicibkaba may dhibteen, in lays kaashado oo wax la wada qabsadaana waa muhiim, wixii shicibku kari waayo inay dawladdu qabatana waa waajib dawladda saaran. Waxaanan idiin sheegayaa illaa dawladihii hore iskaa wax u qabso ayaa lagu soo jiray. Kani Biriij kaliya maaha ee Biyaha laftoodii ayaa wax laga qabtay. Waxa wax weyn ah oo Biriijka igala muhiimsan Dooxa oo haddii aan la dhisin qaadi lahaa Xafiiska Komishanka doorashooyinka ilaa Hargeysa Club Huteel, markaa wax fiican baa la qabtay, waana ku mahadsan tihiin." Madaxweyne Rayaale, waxa uu intaa ku ladhay; "Waxaan qabaa waxa la qabtay wadankaa yeelanaya qollolona yeelan mayso qolladayada hadda joogta iyo kuwa kale ee iman doonaba.

Aad iyo aad baanan idiinkaga mahadcelinayaa waxa qabateen waa wax muuqda oo la wada arkayo, waana mahadsan-tihii." waxaanu Madaxweynuhu gebagabadii kormeer ku tagay taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Caasimadda Hargeysa oo uu salaan kaga qaatay cutubyo ciidamada ka tirsan.

Digaalenews

Md Rayaale Markii ugu Horreysay ka hadlay Darajo-Samaynta Ciidamada Iyo Xaaladda Deegaanka Buuhood




"Markii aynu wadanka soo galay qolladii u horaysay ee wadanka qabatay inay darajo siiyaanbay ahayd ciidanka, qabyada maanta taaganna iyagaa keenay, anigu waxaan ka bilaabay inaan."



Hargeysa-(DigaaleNews):- Maadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Md. Rayaale Kaahin, ayaa darajo-siinta Ciidamada kala duwan ee dawladda oo marar badan hore u ballan-qaaday inuu samaynayo ku riixay Xukuumadihii isaga ka horreeyey, gaar ahaan xukuumaddii 1-aad ee ay Somaliland yeelato oo uu Madaxweyne ka ahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-tuur) iyo sidoo kale tii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.


Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa kale oo uu ka hadlay shaqaaqooyin dhawaan ka dhacay Buuhoodle, xaaladda hadda ee deegaankaas iyo waxyaabaha xukuumad ahaan uga qorshaysan. Waxaanu sidaa ku sheegay Madaxweynuhu mar uu maanta kormeer ku tagay Taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo Ciidamada ka tirsan, halkaas oo Warbaahintu wax kaga waydiisay arrimo dhawr ah. Sidoo kale, Daahir Rayaale, waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray Xafiis loogu talagalay nashqadaynta iyo magaalaynta oo laga dhisay xarunta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta.


Madaxweyne Rayaale oo wax laga weydiiyey inuu jiro wax qorshe ah oo xukuummaddu ugu tallogashay inay wax kaga qabato gaadiidka Itoobiyaanka ee Xammuulka ka qaada Dekedda Berbera iyo khatarta ay ku hayaan waddada laamiga ah oo aan iska xejin karin miisaanka gaadiidkaas, waxa uu ku jawaabay; "Haa way jirtaa annaga iyo Itoobiyaba waxa jira mashruuc dib loogu dhisayo oo lagu magacaab Berbera Coridor oo midowga Yurub bixinayaan, wakhti uun bay ku xidhantahay maca biriijyada in dib loo hagaajiyo, waxaan rajaynayaa wadaadaas iyo meelo kale oo wadanka ahba in mtaqbalka dhow wax laga qabto

DigaaleNews

Ciidamada Israaiil oo Weerar Budhcad Badeed ah ku qaaday maraakiib kaalmo u sidey Gaza



London (Digaalenews)- Ciidamada sida gaarka ah u tabababar ee Israaiil, ayaa weerar argagixiso ah ku qaaday saaka aroortii hore maraakiib mucaawimo u sidey Dadka reer Falasiin ku dhaqan gacanka Gaza, kuwaasi oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay ku jiray cunaqabatayn dhinac kasta oo ay Israaiil ku haysay tan iyo intii ka danbeysay dagaalkii Gaza ku dhexmaray xoogaga Xamaas iyo ciidamada Israaiil.

Sida wararka u danbeeyay sheegayaan ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhintay, ka dib markii ciidamada commandos-ku ee Israaiil dusha kaga soo daateen maraakiibtan kaalmada siday oo marayay biyaha caalamiga ah ee badda Meditarian-ka, kuwaasi oo rasas si cadownimo ah ugu furey dadkii maraakiibta saarnaa, waxayna halkaasi ku dileen ilaa 10 ruux halka ay qaar kalena ku dhaawaceen.

Maraakiibtan oo ay saarnaayeen dad ku dhaw ilaa 900 oo qof oo isugu jira kooxaha u ololeeya xuquuqda Aadamaha iyo kuwa ka soo horjeeda cadaadiska xooggaga Sahyuuniyiintu ku hayaan falastiiniyiinta ayaa waxa socdaalkooda ku weheliya 6 xubnood oo ka tirsan baarlaaamada dhawr dal oo Yuruba. waxayna ujeedadoodu tahay in jabiyaan xayiraada Israaiil ku hayso Gaza. Maraakiibtan ayaa dadka saran ka kale yim,aadeen 50 dal oo dunida ka tirsan, waxayna kasoo kicitimeen dalka Turkiga oo beryahan danbe si aada uga soo horjeeda falalka argagixisada ah ee Israaiil ku hayso dad reer Falastiin.

Weerarkan ayaa waxa uu si aada uga cadhaysiiyay dadyowga dunida ku dhaqan intooda badan gaar ahaana waxa durba u yeedhay safiiradii u fadhiyay Israaiil dalalkooda dowladaha Greek, Turkiga iyo Sweden. Halka kuwo kale oo badani cambaareeyeen falka. Magaalada Istanbul-na dad tiro badan ayaa dhagaxaan ku weeraray safaarada Israail ee Turkiga.

Tallaabadan Israil qaaday ayaa waxay ku soo begmatay xilli sumcada ay dunida ku leeyihiin ay marayso meel aad u hoosaysay, taasi ka dhalay falalkii argagixisada ahaa ee ku dileen magaalada Dubai sarkaal sare oo Xamaaska tirsan, kaasi oo xubnihii sirdoonka Israaiil ahaa ee fulliyay dilkani siteen baasaabooro Yurubiyan iyo Australian. Sidoo kalena Dawlada xagjirka ah ee uu hogaamiyo Binyamin Natanyahu ayaa waxay iskaga dhagotireen baaqyadii caalamka uga imanayay ee ku wajahanaa joojinta dhul balaadhsiga ay ka wadaan magaalada Qudus iyo xayiraada ay ku hayso Gaza, taasi oo gaadhsiisay heerkii u hooseeyay xidhiidhka Israaiil iyo waddamada reer Galbeedka ee sida aadka ah u taageera..

Dhinaca kalena Israailiyiinta ayaa ku dacwooday in maraakiibtani sideen hub kuna soo xadgudbeen biyahooda sidaad daraadeedna ay iskaga difaaceen.ay iskaga difaaceen.

DigaaleNews

12 Jir Foodhi U Gaar Ah Ku Maamula 30 Shimbirood Iyagoo Hawada Ku Jira Codkiisa Maqlaan Garbhiisai



Hargeysa (Digaalenews)- Cabdi Shakuur Jaamac Nuux oo ah arday wax ka barta dugsiyada dhexe, waxa uu ku nool yahay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.

C/shakuur oo da’diisu tahay 12 jir ayaa waxa uu dhaqdaa shimbiraha nooca xamaamka, isla markaana uu xanaaneeyaa isagoo tababar gaar ah siiyay in ku dhow 30 shimbirood oo xataa iyaga oo hawada dabaalanaya uu foodhi isaga u gaar ah ugu yeedho kaddibna markay maqlaan dhamaan si deg dega dhulka ugu soo degaan, iyaga oo garbihiisa iyo hareerihiisa soo wada fadhiista.

digaaleNews

Weriyayaal ka tirsan Haatuf oo shalay booqday goobta uu shimbiraha ku xanaaneeyo C/shakuur, ayaa sheegay in hiwaayadiisa koowaad tahay dhaqashada shimbiraha isla markaana saaxiib la yihiin, kuna tababaray foodhi isaga u gaar ah.

C/ shakuur waxa uu intaa ku daray in shimbirihiisu marka ay duulimaadka ku jiraan u soo dabaan shimbiro kale, taas oo kuwa cusub ee shimbirihiisa soo raaca uu iibiyo si uu nolol maalmeedkooda ugu soo iibiyo raashinka midhaha ah ee ay quutaan.


C/shakuur oo arrimahaasi ka waramaya waxa uu yidhi “ dhaqashada shimbiruhu waa hiwaayadayda koowaad, saaxiib baanu nahay, waxa xerada iigu jira 30 shimbirood oo isugu jira lab iyo dhedig, waxay haystaan dhashoodii yar yareyd, mar waxa haya oo ilaaliya labka, marna dhediga, waxan ku tababaray foodhi aniga ii gaar ah oo iyagoo duulimaad hawada dabaalanaya marka aan u baaqo, si deg deg ah ayay agteyda u soo fadhiistaan, waxa i gala shaqeeya xanaaneynta shimbiraha saaxiibkay C/salaam Shiine oo aanu isku da’a nahay”. Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu C/shakuur intaa ku daray “ shimbiraha nolol maalmeedkooda iyo dhaqaaleyntooda waxan ka helaa markay hawada ku jiraan waxa soo raaca shimbiro kale, kuwaas ayaan iibiyaa oo ilaa xabadii $5 (shan Dollar) la igaga iibsado, raashinka waxan u keenaa, hadhuudh, galley, bariis iyo biyo. Dadka qaar baa igu yidhaahda, maxaad shimbiraha ku falaysaa xanuuno ayaa laga qaadaa, kuwaa sheekadooda kama dhageysto, shimbirahayga waan xanaaneeyaa oo tababaraa, sidaa darteed waxan hay’daha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba ka codsanayaa in hawshaasi la iga caawiyo oo wax la igala qabto daryeelka shimbiraha iyo caafimaadkoodaba, dadweynaha waxan kula talinayaa, gaar ahaan da’yarta, inay daryeelaan shimbiraha, waayo waa quruxdii dhulka, aad baan u mabsuudaa markay hareerahayga duul duulayaan shimbiruhu ee badhna garbahayga saaran yihiin qaar kalena hortayda ku ciyaarayaan”.

C/shakuur ayaa shimbirihiisa waxa uu hoy uga dhigay guri ka sameysan jiingad iyo loox, waxanu aad ugu faraxsan yahay dhaqashada shimbiraha, hase ahaatee waxa uu u baahan yahay in laga caawiyo siddii hoy, cunto iyo daryeel caafimaad ay u heli lahaayeen shimbiraha uu dhaqayo.

Meeshii Dadka Lagu Dili Jiray ee Xumaanta Loogu Geysan Jiray Ayuu ku Jiraa Daahir Rayaale, Somaliland Magacii Ayuu ka Dilay’ Faysal Cali-waraabe



Xisbiga UCID oo Xafiis ka Furtay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (DigaaleNews)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shalay xafiis ka furtay badhatamaha suuqa ugu weyn caasimadda Hargeysa ee Waaheen, kaasi oo ay maalgelintiisa bixiyeen ganacsatada ka shaqaysta suuqaasi.

Xafladii xadhigga lagaga jiray xafiiska xisbiga UCID ka furtay suuqa Waaheen, waxa ka qaybgalay madaxda sare ee UCID oo uu hor kacayo Guddoomiyaha, isla markaana ah murashaxa madaxweynaha xisbigaasi Md. Faysal Cali-waraabe iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee UCID Md. Aadan Mire Waqaf iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo xafladda xadhigga lagaga jarayey xafiiska xisbigisa hadal kooban ka jeediyey, waxa uu caddeeyey in xisbigoodu yahay ka qudha ee ka damqada dhibaatooyinka kala duwan ee dalka iyo dadkaba haysta, isaga oo dadweynaha ka codsaday inay codkooda siiyaan si hadii ay ku guulaystaan tallada dalka ay si hagar la’aan ah wax uga qabtaan dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaana uu abaalkooda u guddo.

Md. Faysal Cali-waraabe waxa uu ballanqaaday inay cashuuraha ka dhimi doonaan ganacsatada rer Somaliland haddii ay tallada ku guulaystaan, isaga oo ganacsatada ka dalbaday inay taageeraan xisbigiisa oo uu ku sifeeyay mid u taagan sidii Somaliland u gaadhi lahayd horumar iyo isbedel ballaadhan.

Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; ““Walaalayaal, waxa la yaab ah xukuumad siddeed sanno dhisnayd oo meel ay dalka ka maamusho oo madaxtooyo ah sameysan kari wayday ee ku jira aqalkii Morgan, taasi ma dawlad baa? Madaxweynuhu waa inuu sameystaa meel uu dal uu ka maamulo oo qurux badan, meeshan uu imika ku jiraana waa meeshii dadka lagu dili jiray ee xumaanta loogu geysan jiray ayuu ku jiraa Daahir Rayaale, Somaliland magacii ayuu ka dilay, waxaan sameyn doonaa anigu madaxtooyo cusub oo ay ka muuqato karaamada iyo sharafta ay leedahay Somaliland, sida aynu Somaliland ula baxsan ee aynu Soomaaliya uga goosanay waa in aannu wixii ka dhaxalnay oo dhan iska beddelnaa.”

“Ganacsatada waxaan leeyahay dib loo arki maayo wasiir dambe oo dilaal ah iyo dawlad hoose oo fardadaha idin kala baxda, waxaananu idiin sameyn doonaa suuq wanaagsan, suuliyaal iyo cashuurtoon idinka jabino.”

“Haweenka suuqa u soo shaqaytayna waannu celin doonaa oo raggooda iyo carruurtooda ayaanu u shaqaleysiin doonaa, dalkana waxaannu ka dhigi doonaa dal loo soo shaqo tago.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu socod ku maray qeybaha kala duwan ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxa Guddoomiyaha weheliyay Guddoomiye Ku Xigeenka xisbgia UCID Md. Aadan Maxamed Mirre (Waqaf).
DigaaleNews

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Wejigabax Siyaasadeed Kala Hoyday Reer Balligubadle



Nuxurka kulan lagu kala kacay oo dhexmaray weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo odayaal reer Balligubadle ah

Hargeysa (DigaaleNews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wejigabax siyaasadeed oo fool xun kala soo hoyday kulan uu habeen hore degmada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd kula yeeshay cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda degaankaas, kadib markii uu ku guuldarraystay in odayaashaasi taageeraan qorshe xukuumadda UDUB taageero siyaasadeed kaga raadinaysay shacbiga gobolkaas.

Md. Yaasiin iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa wejigabax kala soo guryo-noqday degmada Balligubadle oo uu taageero siyaasadeed uga raadinayey xisbiga UDUB, kadib markii odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda degaankaas oo uu la kulmay ku ganac-saydheen ballanqaadyo cusub oo uu bandhigay, isla markaana lagu kala kacay fadhigii iyadoon wax natiijo ah la isla gaadhin.

Sida uu Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey shalay xildhibaan Xasan Digaale Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Degmada Balligubadle oo xog badan ka haya kulankaas iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayey ay xarunta maamulka dawladda Gobolka Hawd kulan kula yeesheen habeen hore 12 oday iyo caaqil ka soo jeeda degaankaas, kuwaasoo uu ka dalbay inay soo qaddimaan baahiyaha kala duwan ee bulshada reer Balligubadle u baahan yihiin in xukuumaddu wax kala qabato, balse kala kulmay hungo madhan, kadib markii odayaashaasi hordhigeen weftiga ballanqaadyo fara badan oo xukuumadda UDUB hore ugu samaysay, laakiin aan waxba ka fulin, sidaa awgeedna u caddeeyeen in aanay shacabka reer Balligubadle waqtigan diyaar u ahayn aqbalaadda ballanqaadyo aan waxba ka duwanayn kuwii hore, iyadoo arrintaasina guuldarro iyo wejigabax siyaasadeed ku noqotay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weftiga uu horkacayey ee xisbiga UDUB.

“Annigu waxaan joogay dibbadda, wixii odayaasha iyo waftiga madaxwayne-ku-xigeenku ka wada hadleenna waxba iguma seegana. Waxa loo yeedhay 12 oday (laba iyo toban) oo reer Balligubadle ah iyo caaqil. Waxa madaxwayne-ku-xigeenka iyo xubnihii la socday oo uu ku jiray xoghayaha guud ee UDUB ay odayaasha waydiiyeen waxyaabaha baahiyahooda ah ee ay doonayaan in xukuumaddu wax kala qabato. Dabadeed odayaashii iyo caaqilkii waxay madaxwayne-ku-xigeenka ugu jawaabeen, wixii aad hore noogu qaban wayday ee aannu muddada dheer idinka sugaynay maanta oo doorashooyin lagu jiro noo qaban maysaan oo ballamahii hore ee xukuumaddu u qaaday reer Balligubadle ilaa hadda looma fulin ee sheekadiinu waa ‘Habar dhali wayday alleelo ku waalatay,’ fadhigiina iyadoon waxba la iskula meel dhigin ayaa lagu kala kacay,” ayuu yidhi Md. Digaale.

Xildhibaan Xuseen Digaale oo la weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha ay xukumaddu hore ugu balan qaaday ee ilaa hadda fulin, waxa uu ku jawaabay; “Waxyaabah ilaa hadda aan fulin ee reer Balligubadle loo ballanqaaday waxa ka mid ah, laba mishiin oo kuwa laydhka ah oo madaxwayne-ku-xigeenka laftiisu ballanqaaday in Balligubadle la siin doono mar uu booqasho ku soo maray, kuwaasoo aanay ilaa hadda waxba ka hirgelin. Waxa kaloo ka mid ahaa waddo isku xidha Hargaysa iyo Balligubadle oo iyadana aaney ilaa hadda waxba ka fulin, waxa isna jiray riig hore deegaanka loogu ballanqaaday oo isna aan la arag. Waxa iyana jira ballanqaadyo badan oo ay xukuumaddu u samaysay Gobolka Hawd oo aan waxba laga arag.

Odayaasha la kulmay madaxwayne-ku-xigeenka niyad-jab ayaa ka muuqday, laakiin waxay madaxwayne-ku-xigeenka u sheegeen in haddii waxyaabaha ay ballanqaadeen fulinyaan inta ololaha ka hadhay ay soo dhowaynayaan, haddii kale sheekadoodu u muuqato waxyaabah ay UDUB ku ololaysanayso ee aan xilligan ka soconayn.”

Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayey oo maalintii Sabtida u tegey magaalada Balligubadle si uu xadhigga uga soo jaro dhisme cusub oo loogu talogalay xarunta maamulka Gobolka Hawd, ayaa degaankaas ka bilaabeen ololeyaal uu taageero siyaasadeed ugu raadinayey xisbigiisa UDUB, haseyeeshee sida wararku tibaaxeen waxa weftigu xalay kala soo hoyday wejigabax iyo fara madhnaan ay kala soo kulmeen shacabka degaankaas.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin u magacaabay inuu gadh-wadeen ka noqdo hoggaaminta ololaha xisbiga UDUB ugu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha ee berri
Digaalenews

Casillas oo record cusub dhigay



DigaaleNews—goolhaye Iker Casillas ayaa noqday ciyaaryahanka 2aad ee ugu safashada badan xulka Spain markii uu ciyaaray kulankii ay 3-2 kaga adkaadeen Saudi Arabia.

Goolhayaha Real Madrid wuxuu saftay kulankisiii 103aad isagoo u ciyaaray xulka horyaalnimada yurub heysta ee Spain , wuxuuna ka hoos maray goolhayihii kale ee xulkaasi—Andoni Zubizarreta, oo ah ninka heysta kulamada ugu badan ee xulkaasi loo safto , wuxuu ku hyestaa 126 kulan.

Casillas wuxuu horey u soo jabiyay recordkii uu heystay saaxiibkiisa ay Real Madrid u wada ciyaaraan ee Raul Gonzalez laakiin xalay ayuu dhaafay.

Casillas wuxuu kulankiisii ugu horeyay ee uu u safto xulka uu ahaa kii ay 1-1 la galeen Sweden sanadkii 2000 hayeeshee laga soo bilaabo 2002 wuxuu noqday goolhayaha 1aad ee xulka.

Casillas, oo laga dhaliyay taariikhdiisa ciyaaraha 59 gool, wuxuu ahaa captain-kii Spain ee ciyaarihii Euro 2008 ay koobkiisa qaateen.

Sidoo kale David Villa, oo gool ka dhaliyay kulankii xalay Saudis, ayaa wuxuu 7 gool u jiraa xiddiga heysta record gool dhalinta ee xulka spain Raul oo ku heysta 44 gool.

Xaaladda Buuhoodle oo kacsan iyo Wararkii U dembeeyay Degaankaas.




Burco(Digaaelnews)-. Xaaladda magaalada Buuhoodle ayaa kacsan kadib markii subaxnimadii hore ee saaka ay ciidankii Itoobiya ee ku sugnaa halkaasi ay kaxaysteen

dhammaan gaadiidkii iyo agabkii kale ee ay gacanta ku hayeen lahaayeenna dadweynaha deegaanka Buuhoodle.

Gaadiidkan oo tiradoodu dhamayd 17 Baabuur oo ay lahaayeeen ganacsatda reer Buuhoodle ayaa la sheegay inay Itoobiyaanku ula kaceen dhinaca Itoobiya lamana garanayo sababta keentay arrintan, maadaama wadahadal iyo shirar u socdeen odayaasha deegaanka iyo saraakiisha Itoobiyaanka, isla markaana hore loogu celiyey Itoobiya hubkii iyo qoryihii ay dadweynaha deegaanka Buuhoodle ka hayeen.


Mid ka mid ah bulshada reer Buuhoodle oo TOGDHEER,NEWS U waramayay ayaa sheegay in xaaladda magaaladu kacsan tahay, isal markaana qaybo ka mid ah magaalada ay ka bilaabmeen qax iyo baro-kac cusub oo ka dhashay markii bulshadu ogaadeen in Itoobiyaankuu ay kaxaysteen gaadiidkii laga sugayey inay soo celiyaan iyo hantidii kale ee ay hayeen, taasina ay meesha ka saartay waanwaantii iyo wadahadalladii u socday labada dhinac ee kala ahaa odayaasha deegaanka iyo saraakiisha Itoobiyaanka ah.


Tallaabadan ayaa muujinaysa inay midho-dhal noqon waayeen go’aamadii ay hore isula gaadheen labada dhinac,waxaana wararku sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay soo buuxiyeen xerada ay ku leeyihiin dhinaca ay ka deggan yihiin magaalada Buuhoodle.


Sidoo kale saraakiisha Itoobiya wax jawaab ah ama hadal ah kamay bixin sababta keentay inay xilligan gaadiidka ay hayeen u gudbiyaan dhinaca Itoobiya,bulshada deegaankaas ayaa walaac badan ka muujiyey arrimahan ka soo cusboonaaday deegaanka, kuna tilmaamay bilow colaad hor leh.


Labada todobaad ka hor ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeya dadweynaha deegaanka iyo ciidanka Itoobiya uu ku xhex maray magaalada kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaadha labada dhinacba

DigaaleNews

Burcad lagu soo qabtay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.



Baydhabo:DigaaleNews- Burcad dhibaatooyin ka geysta wadooyinka isku xira magaalooyinka baydhabo iyo muqdisho ayaa lagu soo qabqabtay ka dib howl gal ay sameeyeen ciidamo ka tirsan xisbul islaam

Ciidamada Maamulka Xisbul islaam ayaa deegaanka Yaaqbariweyne ka qab qabtay ku dhawaad 5 ruux oo burcad ah kuwaas xili ay howlgalo ka sameynayeen tuulooyin hoostaga degmooyinka Buur hakaba iyo Wanlawayn.

Ciidamada Maamulka Xisbul islaam ee deegaanka Yaaqbariweyne ee ah deegaanka isku xira gobolada baay iyo shabeelaha hoose ayaa howlgalo ay ka sameeyeen 48-kii saac ee la soo dhaafay tuulooyin ku dhow dhow deegaankaasi waxaa ay ku soo qab qabteen ilaa 4 ruux oo lala xariirinayo in ay ku lug leeyihiin falal ammaan daro oo mudooyinkii ugu dameeyay ka taagnaa wadada dheer ee Xariirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba oo ka kala tirsan Baay iyo shabeelada hoose .

Kooxahaani ay ciidamada Maamulka Xisbul Islaam gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay inay ku dhuumaalaysanayeen deegaano ka tirsan deegaanada hoodka ah ee gobalka baay sida uu inoo xaqiijiyeen maamulka ka aramiya degmada Buur hakabo.

Waxaa ay sheegeen in kooxahaasi ay xabsiga u taxaabeen islamarkaana ay damacsanyihiin in dhawaan ay maxkamad soo taagaan haddii ay ku cadaato dambiyada lagu heysatana ay marsiin doonaan Shareecada Islaamka.
Digaalenews
Talaabada dadkaani lagu sheegay in ay yihiin burcada lagu soo qab qabtay ayaa waxaa soo dhaweeyay wadayaasha gaadiidka isticmaala wadada dheere ee xariirisa gobolada baay iyo shabeelada hoose halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagnaayeen falal ammaanka lidi ku ah oo shacabka deegaanaasi walwal horleh ka muujiyeen.

dimanche 30 mai 2010

Xafiiskii UNIVERSALTV oo la Xidhay Iyo Al Shabaab oo joojisay




Muqdisho(Digaalenews)-Afhayeenka Maleeshiyaadka Alshabaab Cali dheere ayaa sheegay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Taleefishinka Universal





, kadib markii uu sheegay in uu baahiyey sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayo Nabi Muxammed NNK.

Cali Dheere ayaa sheegay in baahinta sawiradaas ay ka dhigan tahay in dadka la tusiyo in ay furan tahay in la aflagaadeeyo Ras’uulka, waxa uuna ugu baaqay maamulka Universal TV in ay ka toobad keenaan falkaas, si cadna u qirtaan in ay galeen gef weyn.

Sawir gacmeedyada la sheegay in lagu aflagaadeynayo Nabigeena Naxariisi dushiisa ha ahaatee ayaa qeyb ka ahaa war uu xalay ka soo diray dalka Koonfur Afrika wariye halkaasi ugu soo warama taleefishinka Universal.

Dhanka kale war ka soo baxay xafiiska Universal Tv ee muqdisho ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin sawiradii aan sida ku talagalka aheyn loogu baahiyay warbixinta uu wariyaha talafishinkaasi ugu soo warama Koonfur Afrika ku soo diray, taasoo ku saabsaneyd cabashooyin ay muslimiinta dalkaaas ka sameeyeen Sawir gacmeedyo lagu aflagaadeynayo Nabi Muxammed NNK oo lagu daabacay qaarka mid ah jaraa’idka ka soo baxa dalkaasi Koonfur afrika.

Howl-wadeenada Tvga Universal, ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u joojinayaan howlaha magaalada Muqdisho.

FIFA oo system-kii ticket-da uu ka qarimay




DigaaleNews—Ku dhawaad 700 oo ruux ayaa ku niyad jabay qaadashada ticket-da koobka aduunka ay ku gali lahaayeen iyadoo qaban qaabiyaasha koobka aduunka ay ku hanjabeen iney xiri doonaan xarunta ticket bixinta maadaama ay shaqeyn weysay xilli ay dadka dalkaasi ay safaf dhaadheer ku jiraan.

Maalintii shalay aheyd dadku waxey awoodi waayeen in ay hal ticket ah xitaa iibsadaan iyadoo qalabka meesha yaala ay ku jiraan 160,000 ticket-da ah ,wali waa la heli karaa laakiin waxey dhibaato ka taagantahay sidii loo iibsan lahaa.

FIFA waxey sheegtay in qalabkeeda ay ku bixineysa ticke-da uu qarimay oo uu shaqeyn waayay iyadoo taasi ku sifeysay cilado farsamo taasoo saameysay dhamaanba qalabkii ay ku jiraan tickte-deeda, xitaa waxaa ku jira qalabkii yaalay xarunta FIFA.

FNB, oo ah bank FIFA u qaabilsan iibista ticket koobka aduunka ee dalka South Africa, ayaa sheegtay in in qalabka ay ku jiraan ticke-da FIFA uu halaabay shalay markii uu culeys keenay.

Waxey intaa ku dartay FNB iney aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya xilli system ticket-da FIFA uu dib u shaqo bilaabi doono.

Madaxa gudiga qaban qaabada koobka aduunka Danny Jordaan ayaa sheegay inuu raali galin buuxdo u dirayo taageerayaasha 2 maalin safafka ugu jiray helitaanka tickte ee aan helin wali.