Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

lundi 31 mai 2010

Wasiirka Hawlaha Guudoo Madaxweynaha u Sharaxay Wax-qabadkii Wasaaraddiisa 7-Sano uu Wasiir ka ahaa



Hargeysa(Digaalenews)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaga Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub Maxamed, ayaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin warbixin dheer ka siiyey


waxqabadkii Wasaaraddiisa muddo toddoba sano ah oo uu Wasiir ahaa, halka uu marayo dhismaha Biriijka labaad ee Caasimadda Hargeysa iyo waxa u hadhay.talinaysay. Waxaanu sheegay Wasiir Sulub inuu horumar ballaadhan gaadhsiiyey Wasaaradda intii uu joogay, isaga oo qodob-qodob Madaxweynaha ugu sharaxay waxyaabaha uu qabtay.


Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka qaybgalay Xaflad uu xadhiga kaga jaray Xafiis cusub oo loo sameeyey Nashqadaynta Magaalaynta dalka oo laga dhisay xarunta Wasaaradda hawlaha guud ee Hargeysa, ayaa Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta ka dhagaystay warbixin ku saabsan waxqabadkii Wasaaraddaas intii uu Wasiirka ka ahaa. "Madaxweyne Wasaaaradda waxaan joogay muddo toddoba sannadood ah, waxyaabo badan ayaannu wax ka qabannay muddadaas aan joogay, waxqabadkayagii waxa ugu dambeeyey Xafiiskaa


nashqadaynta magaalaynta dalka iyo xallinta khilaafaadka dhulka ee aad xadhiga ka jartay oo ku qotoma Xeerka dhulka ee No. 17 oo Golaha Baarlamaanku ansixiyey wax ka beddal iyo kaabis lagu sameeyey, waxaanan aad ugu mahad-naqayaa Hay'adda UN-Habitet oo naga caawisay dhismihiisa." Sidaa ayuu yidhi Siciid Sulub.


Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; "Xafiiskan garnaqa dhulku muddo ayuu sii shaqaynayay, oo uu ka shaqaynayay Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco oo intaba Guddiyadu ka shaqeeyaan, waxaana qorshaha noogu jirta in xafiiskan nashqadaynta magaalaynta iyo ka garnaqa dhulka gaadhsiinno dhammaan Gobollada dalka. Madaxweyne Xafiiskan waxa lagaga raystay dhibaatooyinkii dhinaca dhulka oo Maxkamadaha culays badan ku hayay, Murankii iyo is-qabsigii dhulka." Wasiirka Hawlaha guud waxa uu ku faanay intii uu xilka hayay inuu hirgeliyey dhismayaal fara badan oo uu sheegay inuu ka sameeyey xarunta Wasaaradda, sida Xafiiska Hay'adda Waddooyinka, 10 Xafiis oo uu tilmaamay inuu ka dhisay xaruntii gaadiidka dawladda ee Hargeysa, laba hooso oo gaadiidka dawladda lagaga shaqeeyo, hool uu sheegay in shaqaalaha gaadiidka lagu tababbaro, kuwaasoo uu Wasiirku sheegay inaanay shaqayn jirin wakhtigii uu la wareegay xilka Wasaaraddaas wakhti imika toddoba sano laga joogo.


Siciid Sulub, waxa kale oo uu sheegay inay wax-qabadkiisa ka mid yihiin, kaalin shiidaal oo uu Wasaaradda u sameeyey, Xafiiska bixinta Liisamada, kala wareejinta gaadiidka, tirada shaqaalaha Wasaaradda oo uu sheegay inay laban-laabmeen intii uu joogay isagu iyo waxyaabo kale oo badan. "Madaxweyne Tirada Shaqaalaha Wasaaradda hawlaha guud ka shaqeeya ee guud ahaanba Gobolada dalku waxay ahaayeen 94 shaqaale ah, maantana waxay tiradada shaqaalaha Wasaaraddu marayaan 192 qof oo shaqaale ah Gobolada oo dhan, markaa isbeddalkaasi Madaxweyne waxa uu yimi intii aan xilka hayey. Madaxweyne Anigu UDUB-yahan baan ahay oo Raggii UDUB aasaasay ayaan ka mid ahaa, markaa maalin dhawayd oo aan shaqaalaha la hadlayay waxaan idhi waar intiina badani intii UDUB xilka haysay ayaad shaqada hesheen ee shaqeeya," ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland.


Waxa kale, oo uu sheegay Siciid Sulub, inay Wasaaraddiisu dakhli badan xukuumadda u soo xarayso, "Dakhli badan ayay Wasaaraddu soo xaraysaa Madaxweyne, Shirkad kasta oo kuwa dhismaha ah liisan ayaannu siinnaa, waxaanay noogu kala qiimaysan yihiin A,B iyo C. Wasaaraddu toddobadaa sano ee aan joogay waxay bixisay, 19816 Bilaydh Lambar oo kuwa baabuurta dadweynaha ah, 9,98 Bilaydh Lambar oo Gaadiidka dawladda ah, 300 oo Bilaydh Lambar oo Baabuurta Hay'adaha ah, waraaqaha 15,14 shan iyo toban kun iyo afar iyo toban baabuur oo la kala wareejiy, 42,943 Liisan iyo 21,11 Debite Book ah." Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub. Waxaanu intaa ku daray inay wax ka qabtaan dayac-tirka waddooyinka dalka.


"Hotra Madaxweyne Biriishkan labaad ee Hargeysa waa 82 Mitir, waxa uu noqonayaa ka ugu dheer dalka, tayadiisuna waa nooc aan hore dalka looga dhisin, berigii qolo Ajanab ah oo aanu u yeedhnay ayaa nagala talisay tayadiisa, Bariij boqol sano jira oo aan is-beddalin ayuu noqonayaa. Maalintii Cali-dhooqo (Bariijku) dumay 45 cisho gudohood ayaannu ku dhisi karaynay noociisii, ee waxaannu is nidhi Bariij tayo leh oo taariikhda gala, oo magac leh oo idinkana laydku xasuusto u sameeya dalka. marmar baad is odhanaysaa faduul baad doonatay, laakiin in qofka masuulka ahi wax fiican sameeyo ayaa wanaagsan." Ayuu yidhi Siciid Sulub. Waxaanu tilmaamay in qorshuhu markii hore ahaa in kharashka biriijka lagu dhisayo 70%-kiiba dadweynuhu bixiyaan 30%-kiibana dawladdu bixiso, hase ahaatee, sicir-barar dhacay oo qiimihii hore laga guuray, taasina caqabad noqotay. waxa kale oo uu caqabadaha ka horyimi halka biriij laga dhisayo oo doox biyo mareen ah iyo awoodda oo yar. "Waxa imika hadhsan wax yar, intaasna dhaqaalihii Madaxweyne intii u dambaysay waadigii Guryahan la yidhaahdo waa la iibsaday mid u iibiyey, dawladda hoose-na ku yidhi dhul ha loo iibiyo, kharashka inta hadhay waxna lagac ayaa loogu hayaa, waxna dhul, waanu dhammaanayaa dhawaan." ayuu hadalkiisa ku ladhay Wasiirku.


Madaxweyne Daahir Rayaale, ayaa markii uu warbixinta ka dhagaystay Wasiirka hawlaha guud ka dib, hadalka la wareegya, isla markaana waxa uu si weyn ugu mahadceliyey wasaaradda iyo hawl-wadeennadeeda, isaga oo arrinta dhismaha biriijka labaad ee Hargeysa-na ka hadlay. "In Biriij la dhisaaa waa wax wayn, Dawladdu hadday hayso iyadaa samayn lahayd biriijka ee shicibkaba may dhibteen, in lays kaashado oo wax la wada qabsadaana waa muhiim, wixii shicibku kari waayo inay dawladdu qabatana waa waajib dawladda saaran. Waxaanan idiin sheegayaa illaa dawladihii hore iskaa wax u qabso ayaa lagu soo jiray. Kani Biriij kaliya maaha ee Biyaha laftoodii ayaa wax laga qabtay. Waxa wax weyn ah oo Biriijka igala muhiimsan Dooxa oo haddii aan la dhisin qaadi lahaa Xafiiska Komishanka doorashooyinka ilaa Hargeysa Club Huteel, markaa wax fiican baa la qabtay, waana ku mahadsan tihiin." Madaxweyne Rayaale, waxa uu intaa ku ladhay; "Waxaan qabaa waxa la qabtay wadankaa yeelanaya qollolona yeelan mayso qolladayada hadda joogta iyo kuwa kale ee iman doonaba.

Aad iyo aad baanan idiinkaga mahadcelinayaa waxa qabateen waa wax muuqda oo la wada arkayo, waana mahadsan-tihii." waxaanu Madaxweynuhu gebagabadii kormeer ku tagay taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ee Caasimadda Hargeysa oo uu salaan kaga qaatay cutubyo ciidamada ka tirsan.

Digaalenews

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire