Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
vendredi 7 mai 2010
Cuqaasha Iyo Waxgaradka gobolka Togdheer oo eedeeyay Gudiga Jaamacada Burco
Burco(Digaalenews). Qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka gobolka togdheer, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Burco dhaliil iyo eed ballaadhan dusha uga tuuray guddiga
Jaamacadda Burco, isla markaana ku baaqay in la sameeyo boodhkii ama guddigii Jaamacadda ee sharciga Jaamacaddu qeexayo.
Odayaashan shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in buuqii iyo is-faham la’aantii ka dhalatay dhawaan Jaamacadda ee ku saabsanayd xulista ardayda ka qayb qaadanaysa hawsha komishanka doorashooyinka ay ka masuul ahaayeen qaar ka mid ah odayaasha guddiga Jaamacaddu.
Kuwaasoo majara-habaabiyey nidaamkii iyo habkii loo soo xuli lahaa ardayda.
Waxay odayaashan iyo wax-garadkani wax lala yaabo ku tilmaameen in qaar ka mid ah guddiga odayaasha ee Jaamacaddu ay si qaawan intay warbaahinta uga hadleen ay sheegeen in maamulka Jaamacadda, macalimiinta, iyo ardayduba ay yihiin xisbiga Kulmiye ee mucaaridka ah.
Hase yeeshee, waxaannu leenahay Jaamacadda Burco maaha xisbi,maaha qabiil,mana aha mid koox iyo cid gaar ahi leedahay.
Odayaashani waxay ammaan iyo mahad-naq u soo jeediyeen guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Cabdiraxman Jamac Ducaale iyo macallimiinta jaamacadda ayagoo sheegay in Prof. Cabdiraxman uu yahay nin ku filan hawshiisa, kuna ammaanan sida wanaagsan ee uu xilkiisa u gudanayo.
Waxayse odayaashani walaac ka muujiyeen maadaama laba Profosoor oo hore ay uga tageen Jaamacadda markay hawshoodii u madax bannayn waayeen guddigan odayaasha ah ee iyagu iskood isu-magacaabay,inuu Prof. Cabdiraxmanna noqon karo kii saddexaad ee Jaamacaadda uga taga awgood,taasina ay khatar iyo caqabad ku noqon doonto hour-markii iyo geeddi socodkii Jaamacaddu higsanaysay
Digaale News
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire