Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mercredi 5 mai 2010

Doorashooyinka Britain oo berrito bilaabanaya.



London-(Digaale News)- Doorashooyinka Wadanka Britain ayaa maraya meel xasaasi ah iyadoo la filayo in maalinta khamiista ah oo ku beegan 6 Bisha May ay dadku u dareeraan goobaha cod bixinta si ay u doortaan Xisbiga qabanaya maamulka dawlada Britain.

Waxaa jira isbadalo siyaasadeed oo ka soo baxaya xisbiyada ,waxaana hada isxulufaysi samaysanaya Labada xisbi ee shqaalaha iyo Liberaalka iyadoo xisbiga Conservative ka oo hada ku horeeya waxyar codbixinta ra yiga ah ee la qaaday uu aaminsanyahay inuu ku soo bixidoono natiijada codbixinta sanadkaan.

Waxaa wadooyinka, Masaajidada iyo goobaha dadka soomalaida ahi ku badan yihiin lagu arkayaa Dhalinyaro badan oo olole u samaysana labada xisbi ee Labourka iyo Liberalka ee ay kala hogaamiyaan Gordon Brown iyo Nick clegg .

Waxaana ay Soomalaidu aad uga soo horjeedaan Xisbiga Muxaafidka ee Conservative ka kaasi oo ay u arkaan xisbi cunsuri ah oo dhibaato weyn u keeni kara nolosha ay ku haystaan wadanka Britain.

Dhowr goobood oo ay Soomaalidu ololahooda doorashooyinka ka samaynayeen oo uu tagay wariyaha bar-kulan ee wadanka Britian uu kula kulmay tiro dhalinyaro iyo dadwaawayn isugu jiray oo markaasi ay garbaha ka socdeen mudanayaal iyo shakhsiyaad kale oo Musharixiin ah kuwaasi oo u ololaynayay Xisbiga Liberaal ka, Iyadoo markaa dabadeedna aan makarafoonka la dhexqaadnay.


Nick Clegg, hogaamiyaha xisbiga Liberal democrat.Soomaali badan oo markii hore u ololayn jiray Xisbiga Labourka ayaa sanadkaan codkooda u weeciyay Xisbiga uu hogaamiyo Nick clegg ee Liberal Democrat kuwaasi oo u arkay in Xisbiga labourka ay adagtahay Sanadkaan in uu uu ku soo baxo islamarkaana ka cabsi qaba in xisbiga Conservative uu guulo ka gaaro Doorashada .

Inkasta oo aan si rasmi ah loo saadaalinkarin Cida sida rasmiga ugu soo baxaysa Codbixinta Sanadkaan hadana dadbadan waxaa ay u arkaan in xisbiga Conservative ku sanadkaan aad ugu dhawyahay hanashada hogaanka wadanka Biritian, waxaana Saxaafada wadanka Biritain badankoodu ay ku dhawaaqeen in ay kalsoonidooda siinayaan Conservative ka.

Xubno katirsan Golaha wasiirada Gordon Brown ee xisbiga Labourka ayaa maanta ugu baaqay taagerayaashooda in goobaha aanay ku badnayn Labourku ee ay ku suganyihiin ay codka ka siiyaan Xisbiga Liberalka iyagoo sheegay in ay ra yi ahaan aad isugu dhawyihiin.

Hogaamiyaha Xisbiga Liberal democrat Nick clegg ayaa markii ugu horeeyay canbaareeyay siyaasada David Cameron oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Muxaafidka waxaana uu sheegay inuu ku dhaqmayo cunsurinimo iyo waxyaabo dhibaato ku ah xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee wadanka Britain.

Odayaal Soomalai ah oo waxbadan ku noola wadanka Ingiriiska ayaa ii sheegay Insoomaali badan ay sharciyadooda waayi doonaan oo aanay jiri doonin cid ku nasankarta wadankaan hadii uu David Camaron ku guulaysto xilka sidaasi darteen ayay mudan tahay in soo maalidu danaheeda garato oo ay iska dhaafto danaha gaarka ah ee ay wax ku raadinayaan iyagoo markaasi farta ku fiiqayay Soomalaida doonayso in ay codkooda u weeciyaan xisbiyada kale ee aan ka ahayn Labour ka.

Dadka wax qaro doorashada wadanka Britain ayaa saadaalinaya in Sanadkaan uu baarlamaanka wadanka Ingiriisku uu Noqdo Hung Parliament oo ah Baar lamaan aanay cidina ku awood badnayn oo ay simantahay awooda sadexda Xisbi ee hada tartamaya.


David Cameroon, hogaamiyaha xisbiga qunyar socodka (Conservative Party).Sikastaba arrintu ha ahaatee hadal haynta Soomaalida ayaa ah sida ay ka yeelayaan xaalada noloshooda oo hada u badan fadhi ku dirir iyo qaadashada lacagta cayrta ah hadii uu xilka sanadkaan ku guulaysto David Camoron oo ah sHogaamiye xagjir ah kana soo horjeeda Nolosha wadankaan ee dadka qaxootiga iyo kuwa kale ee danaynayo in ay soogalaan dalka Ingiriiska si ay ugu noolaadaan
Digaale News Desk

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire