Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
jeudi 13 mai 2010
ILMO YAR OO SIDEED JIRA AYAA KA BADBADAY 104 QOF OO SAARNAA DIYAARAD KU BUBURTAY DALKA LIIBIYA
Tripoli-(DigNews)-Diyaar nooca rakaabka qaada oo laga leeyahay dalka Libya, ayaa ku burburtay caasimada Dalka Liibiya ee Tripili, taasoo sababtay dhimashada 103 ruux, islamarkaana uu ka badbaaday hal ruux oo ka mid ahaa 104 qof oo rakaabkii saarnaa.
Saraakiisha Ammaanka ee dalka Liibiya, ayaa sheegay in Diyaaradan oo lagu magacaabo Afrique Airline ay saaka subaxnimadii burburtay, iyadoo isku dayaysay inay cago-dhigato madaarka Tripoli, kana soo kicintay caasimada dalka Koonfur afrika ee Johannesburg.
Wararka ka soo baxay dalka Liibiya, ayaa sheegay in qofka keliya ee ka badbaaday shilkan diyaaradeed uu yahay gabadh yar oo sideed jir ah.
Dadka diyaaradan ku dhintay ayaa 93 ka mid ahi waxay ahaayeen rakaabkii saarnaa, halka 11 ka mid ahina ahaayeen shaqaalihii diyaarada.
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire