Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

jeudi 27 mai 2010

Xulashada Webka 2jir caba maalintii 40-sigaar ah ee Yurub






Indonesia (DigaaleNews)Labo jir u dhashay dalka Indonesia islamarkaana caba maalintii 40-sigaar ah ayaa soo jiitay indhaha caalamka kadib markii laga soo duubay film muujinaya qaabka uu sigaarka u cabo iyo sida uu ugu jeesteeyo sigaarka markuu cabayo.

Saqiirkan laba jirka ah oo lagu magacaabo Ardi Suganda Rizal ayaa bilaabay cabida sigaarka markii uu ahaa 18-bilood jir, sida ay waalidkiisu cadeeyeen, waxaana uu kaga tuuraa calaa maalin 2 baakad oo sigaar ah oo labaatanle ah.

Waalidkiisa ayaa ku qarash gareeya wiilkan maalinkii lacag u dhiganta shan dollar iyo bar iyadoona lacagtaasi looga soo bixiyo laba baakadkad oo sigaarka ah, waana lacag u dhiganta tan bishii oo dhan loogu soo iibiyo caanaha uu cabo.


DAAWO FILMKA WIILKAN


Dowladda dhexe ee gobalka wiilkani uu ku nool yahay ee Sekayu, Sumatra, Indonesia ayaa u balanqaaday waalidka dhalay wiilkan in ay abaal marin siinayaan hadii uu joojiyo cabidda sigaarka, balse waalidka ayaa sheegay in ay quus ka istaageen oo uu waliba ka jecel yahay sigaarka caanaha.

Waxa la sheegay in uu cabo oo kaliya hal nooc oo sigaarka ah, kaasoo uu ka helo xaraarad aan cabirkeeda la qiyaasi karin.

Aabaha wiilka oo lagu magacaabo Mohammed ayaanan isagu culeys weyn u arkin balwada wiilkiisa ee sigaar cabidda, waxaana uu sheegay in uu u arko caafimaadka wiilkiisa mid wanaagsan.

Boqolkiiba 25% ciyaalka dalka Indonesia ayaa caba amaba tijaabiyay cabidda sigaarka, mana jiraan sharciyo ka xarrimaya cabidda amaba u dhawaanshaha sigaarka.
DigaaleNews

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire