Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mercredi 5 mai 2010

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid , oo dhexdiisa Lagu Jagada Xoghayaha Iyo Masuuliyiin ku dhawaaqay in u tartamayaan









Hargeysa(Digaale News ) May02, 2010 - Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa waxa dhexdiisa ka bilaabamay loolan adag oo loogu jirto buuxinta Jagada Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi oo uu dhawaan baneeyey xoghayihii guud ee xisbigaasi Maxamed Xasan Baashe (Talaata Codle), oo habeen hore iska casilay.

Tan iyo intii ay soo baxday iscasilaad xoghayaha guud ee xisbiga UCID waxa xisbigaasi gudihiisa iyo dibaddiisaba ka soo baxaya, dad badan oo uu hunguri ka hayo inay buuxiyaan jagadan uu baneeyey Talaata Codle, kuwaas oo durba Xisbigaasi dhexdiisa ka bilaabay tartan iyo olole ay ku doonayaan in jagadaa loo magacaabo.


Hadaba, waxa isagu shaaca ka qaaday inuu jagadaa u tartami doono Guddoomiyihii dhalinyarada heer qaran ee xisbiga UCID C/raxmaan Cismaan Jaamac oo xalay iska casilay jagadaa, isla markaana ku dhawaaqay inuu u tartamayo jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID.

C/raxmaan Cismaan Jaamac oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa ku macneeyey iscasilaadiisa mid uu ku doonayo in uu suurto geliyo damaca dhalinyarada Somaliland ee ka qayb galka siyaasada dalka.

Dhinaca kale, Md. Cabdiraxmaan wuxu u qaybiyey xalay warbaahinta war-saxaafadeed uu ku caddeynayo in uu iska casilay guddoomiyihii dhilinyarada heer qaran ee Xisbiga UCID, isla markaana uu ku cadaynayo inuu isu taagayo xilka Xoghayaha Guud ee Xisbigaas. Waxa uu u qornaa sidan: "Anigoo ah guddoomiyaha dhallinyarada heer qaran ee xisbiga UCID, waxaan laga bilaabo maanta xilkii guddoomiyenimo ee aan hayey muddada sanadka iyo badhka ah, isaga casilayaa aniga oo xaqiijinaya hanka iyo hamiga siyaasiga ah ee dhallinyaradda, isuna diyaarinaya u tartanka jagada xoghayaha guud ee xisbiga UCID ee uu baneeyey Maxamed Xasan Baashe.


Go'aankani wuxuu ahaa mid ka dhashay tallo badan oo aad looga fiirsaday, dood dheer iyo is-qancin, dabadeed waxa la guddoonsaday in xilkaa culus aan dusha u rito, tusaalena aan u noqdo damaca siyaasiga ah ee da'yarta Somaliland.
Anniga oo ku kalsoon kartidayda qofnimo, khaashanaya kaalinta dhalinyaradu ku leedahay xisbiga dhexdiisa, ogna in maanta ay dhalinyaradu tahay awooda keliya ee doorashada go'aaminaysa.


Waxaan rajaynayaa in ay wada shaqayn dhow yeesheen cid kasta oo ay khusayso go'aankan waafaqaana sida u dhigayo xeer-hoosaadkaiyo shuruucda xisbigu."
Digaale News.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire