Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mercredi 12 mai 2010

Mareykanka: Burcad badeed Soomaliya oo sharciga la hor keenayo.



Saraakiil mareykana ayaa sheegay in Soomaali lagu tuhunsan yahay burcad badeednimo lagu maxakamadayn doono gudaha Mareykank

Digaale News Saraakiil Mareykana ayaa xaqiijiyay in kabadan ilaa iyo 20 Soomaaliya oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha falalka burcad badeeda kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lagu wadaa in loo jiheeyo dalka mareykanka si loogu maxakamadeeyo.

Sababta Mareykanka loogu maxakamadaynayo.
Arintan ayaa waxay timid kadib markii uu xumaaday xiriirka wareejinta burcad badeeda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo wadamada kale taasi oo ku aadanayd qaabkii sharciga loo horkeeni lahaa dadka lagu tuhmo ku lug lahaanshiyaha burcad badeeda, iyadoo goor sii horeysay xukuumadda Kenya oo inta badan gacanta loo galin jirey eedaysanayaasha burcad badeeda Soomaalida ay gadafka ku dhufatay ineysan aqbali doonin qaabilaada Burcad badeed kale oo Soomaaliya taasi oo ay uga cabatay iney saameyn ku yeelatay hanaanka cadaalada iyo garsoorka wadanka Kenya.

Kulanka Aqalka cad.
Saraakiil sar sare oo ka kala socday laamaha kale duwan ee xukuumadda Mareykanka ayaa khamisstii aynu soo dhaafnay ku kulmay aqalka cad ee Mareykanka si ay markaasi uga wada xaajoodaan arintani ku aaddan qaabkii sharciga loo horkeeni lahaa dadka lagu tuhun san yahay ku lug lahaanshiyaha burcad badeeda, gaar ahaan kuwa haatan gacanta lagu hayo ee weerarada ay ku soo qabteen maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo biyah ku xeeran, Waxayna saraakiishu sheegeen ineysan weli kala cadayn in dhamaan eedaysayaasha la tuhun san yahay ee lagu qabto hawl galada ciidamada mareykanku ka fulinayaan badweynta hindiya iyo Gacanka Cadmeed loo soo wareejin doono in lagu maxakamdeeyo dalka Mareykanka hase ahaatee xukuumadda Washington ayaa war rasmiya ka soo saari doonta qaabka dadka la tuhunsan yahay ee ay gacanta ku dhigaan ciidamada mareykanka lagu maxakamadayn doono.

Hirgelinta Maxakamad khaasa.
Saraakiil ka qeyb gashay wada xaajoodkaasi hase ahaatee qariyay magacooda kadib markii laanta cadaaladda mareykanka ay ka gaabsatay iney arintaasi ka hadasho ayaa sheegay iney jiraan wada xaajoodyo ku aaddan sidii loo hirgelin lahaa maxakamad gaara oo dambiyadooda ku soo oogta kooxha alooga shaki qabo burcad badeednimada, taasi oo ka dhalatay markii wadamo dhawra ay iska sii daayeen rag looga shakisan yahay Burcad badeednimada kuwaasi oo loo baahnaa in sharciga la hor keeno, hase ahaatee laiska sii daayay.

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha oo u waramay wakaaladda wararka AP ayaa sheegay in arintani ay ahaatan mareyso bilaaw wanaagsan oo ku aadddan dardar galinta dembi ku oogida dadka lagu tuhun san yahay Burcad badeeda.

Dhinaca kale dalka Mareykanka waxaa horey maxakamad ku taalla degmada manahathan ee gobolka Newyork la horgeeyay eedaysane Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiweli Cabdiqaadir Muse kaasi oo lagu soo oogay weerar lagu qaaday markab xamuul oo ay Mareykanku leeyihiin sanadkii tagay ee 2009.

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa qabtay ilaa iyo 21 eedaysane oo lagu tuhun san yahay burcad badeednimo tan iyo bishii Maarso 31, kuwaasii oo weeraro ka geysanayay biyaha Soomaaliya iyo badaha ku xeeran, halkaaso ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal oo Caalmiya oo ka kala socda dalal farabadan oo ay Mareykanku ka mid yihiin.

Lix kamida ragaan la tuhunsan yahay ayaa lagu qabtay weerar dhex maray burcada iyo markab dagaal oo ay mareykanku leeyihiin laguna magacaabo USS Ashalnd, kaasi oo ay burcad badeedu isku fara saareen meel 380 mayl u jirta xeebta dalka Jabuuti.

Bishii tagtay ee Maarso 31, markab kale oo dagaal oo ay leedahay xukuumadda Washington laguna magacaabo USS Nicholas ayay rasaas waxay isku weydaar sadeen galbeedkla jaziiradaha Seycheles, iyadoo ciidamada badda ee Mareykanku ay burburiyeen doontii ay wateen kooxda burcad badeeda ah isla markaana gacanta ku dhigeen 5 burcad badeed ah.

Ugu dambayntiina isniinta aynu soo dhaafnay Markab dagaal oo lagu magacaabo USS McFaul oo ka jawaabaya baaq cabsiya oo u soo gudbiyay markab ganacsi ayaa ku guulaystay inuu gacanta ku dhigo 10 burcad badeeda oo ku gudo jirey in markabka ganacsi ay soo afduubtaan.

Dhinaca kale taliye Mark Fitzegerald oo ah taliye sare oo ka tirasn ciidanka badda Mareykanka ee ku sugan qaarada Afrika iyo tan Yurub ayaa khamiistii aanu soo dhaafnay sheegay in ciidamad badda ee Mareykanku ay sugayaan waxyaabihii lagu samayn lahaa burcad badeeda gacanta lagu hayo, Taliyihu waxa uu sheegay in kiisaska Shan kamida nimanka Burcad badeeda ah ee weerarka u gaystay Markabka Mareykabnka ee USS Nicholas ay gacanta u galiyeen laamaha cadaalada mareykanka ayna ka shaqaynayaan sidii Sharciga Mareykanka raggaasi loo horgeyn lahaa,

Taliyuhu waxa uu intaasi raaciyay in cadaymaha la hayaa ee lagu taageerayo dacwada eedaysayaashaasi ay kamid yihiin hubkii ay wateen, Sawiro laga qwaaday iyagoo ku gudo jira Weerarka, iyo sidoo kale rasaastii ay la dhaceen Markabka, isagoo intaasi ku daray inuusan garanayn wax uu noqon karo Xukunka lagu ridayo.
DigNews Desk

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire