Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 18 mai 2010

Qaramada Midoobay oo Taageeri u muujisay xukuumadda Soomaaliya


QM oo taageertay kala dirista .
Tuesday, 18 May 2010
Nairobi(DigNews)- Bar-kulan- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya ayaa taageeray go’aanka Madaxweynaha Sooomalaiya uu ku kala


diray Xukuumadda Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke.

Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersanyahay go’aanka Madaxweyne Sheekh Shariif gaaray ee la xiriria kala dirista Xukuumadda, ka dib markuu ogolaaday Madaxweynaha is casilaadda Guddoomiyaha Barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu muujiyay in uu jeclahay in Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka uu ogolaado inuu ku soo biiro Golaha Wasiirrada cusub. Tassoo uu Madaxweynuhu ku baaqay.

“Madaxweynuhu wuxuu isku halleyn karaa taageerada Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka xilligan hadda la joogo. waxaan qaswadayaasha iyo kuwa qalalaasaha ka faa’idaysanaya uga digayaa inay soo farageliyaan xaaladda hadda taagan,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.

Ergayga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qarmada midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Ould Abdalla wuxuu Bulshada Caalamka ugu baaqay inay taageero dhab ah oo la taaban karo siiyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirrada ee la dhisi doono.

“Shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaliya wuxuu dhacayaa Toddobaadkan dhammaadkiisa, annaga oo dhan waxaan ku rajo weyn nahay inaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kula kulano munaasabaddan muhimka ah oo ay soo wada qabaqaabiyeen Qaramada Middobay iyo Dowladda Turkey,” ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee Qarmadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.Axmed Ould-Abdallah.

Maalintii shalay ahayd ayay ahayd isqabqabsi dheer kadib kulan dheer oo ay yeesheen madaxda dawladda Soomaaliya gaar ahaana madaxweyne sheekh shariif gudoomiyihii hore ee baarlaamnka Sheekh aadan Madoobe iyo Ra’iisul wasaare cumar cabdirashiid taasi oo uu gudoomiyii hore iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee uu u hayay golaha sharci dejinta Soomaaliya, halka madaxweynaha oo aqbalay is casilaadiisa uu isaguna kala diraya golihii wasiirada, waxa uuna madaxweynuhu baarlaamnka ka codsaday iney soo doortaan gudoomiye cusub halka isaguna uu tilmaamay inuu soo magacaabayo Ra’iisul wasaare Cusub oo soo dhisa xukuumad taya leh.

DigNews

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire