Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 4 mai 2010

Waftigii Madaxweyne Rayaale oo la kulmay madax ka tirsan Dawlada Faransiiska


Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gudo galay hawlahoodii shaqo ee ay Dalka Fransiiska u


joogeen, kaasi oo ay ku yimaadeen Dalkan Fransiiska booqasho rasmi ah, waxa maanta lagu qaabilay aqalka looga taliyo Dalka Fransiiska ee la yidhaahdo Elysee, halkaasi oo uu ku qaabilay la taliyaha Madaxweynaha Fransiiska ee Arrimaha Africa , Mudane , Andre Parant iyo saraakiil ka socotay aqalka Madaxtooyada.

Kullankaasi labadaa dhinac ay isaga waraysteen, arrimaha labada dal dhinacyadooda ; Siyaasadda; dhaqaalaha iyo Nabadgelyada; taasi oo ay ku jirto arrimaha ka taagan, mandaqadda Geeska Africa oo Dawladda Fransiisku aad xogogaal ugu tahay.

Arrimahaaasi ay labada dhinac isla soo qaadeen falanqeyn dheer ka dib waxay ku soo gabagaboobeen jawi wanaagsan iyo is afgarad,

Madaxweynaha waxa kullankaasi ku weheliyey, Wsiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wakiilka Somaliland ee Dalka Fransiiska, Mudane, Cali Ismaaciil Xassan iyo Mudane ; Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha
Allaa Mahad Leh



Axmed Maxamed Ciise

Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire