Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 4 mai 2010

m


Burco (Digaale News) Wafti ka socda xisbiga Kulmiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Burco,

iyagoo duleedka magaalada ay ka soo galbiyeen Taageerayaasha Kulmiye oo wata gaadiid aad u badan,kuwaasoo soo gaadhsiiyey xafiiska Kulmiye ee magaalada Burco.

Waftigan oo uu horkacayey madaxa ololaha doorashooyinka ee gobollada bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay wehelinayeen xubno sarsare oo ka tirsan xi

sbigaasi,ayaa taageerayaasha kula hadlay barxadda xafiiskooda Burco.


Dr. Gaboose ayaa halkaas ka sheegay in waftigoodu hor-dhac u yahay wafti culus oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbigu Md.Axmed Maxamed Maxamud (siilaanyo) dhawaanna iman doona Burco, wuxuu kaloo intaas ku daray inay taageerayaashooda looga baahan yahay inay qaataan kaadhadhka codbixinta una diyaar-garoobaan sidii ay ugu codayn lahaayeen xisbiga Kulmiye.


Dr. Gaboose wuxuu xukuumadda ku dhaliilay waxqabad la’aanta ka muuqata caasimaddii 2aad ee Somaliland,iyo inay ku guul-darraysatay wax u qabad la’aanta bulshada, isagoo tilmaamay inaan safarkoodu ku ekayn Burco oo kaliya ee ay gaadhi doonaan illaa gobolka Sanaag.


Waxaa kaloo isaguna madashaas ka hadlay xildhibaan Maxamed X. Yusuf ( waabeeyo) oo sheegay in xisbiga Udub hadal-hayntiisii ka soo dhammaatay galbeedka Somaliland, kuna dadaalayo inuu dabada jiido qabsoomidda doorashooyinka.


Eg.Cali Saciid Raygal ayaa isaguna tilmaamay in bulshada Somaliland tahay dad walaalo ah oo isku mid ah iskuna mawqif ah, balse lagu kala gaddisan yahay kala taageeridda asxaabta qaranka, isagoo xusay in la gaadhay wakhtigii uu iman lahaa isbeddel cusub.


Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daahir,Maxamed Kaahin iyo Cadami.

Hujuunkii Taageerayasha UDUB



Hase yeeshee ayadoo ay socdaan khudbadihii madaxda xisbiga Kulmiye taageerayaashooduna ay dhagaysanayaan ayaa waxaa mar kaliya bilaabmay buuq iyo sawaxan ka dhashay markii kooxo taageersan xisbiga Udub oo u badan dhallinyaro ay soo hujuumeen goobtaasi.


Waxaase si adag isku hortaagay ciidanka booliska ee ku sugnaa goobtaas, kuwaasoo ka hortagay rabshadihii ay wateen kooxaha dhalinyarada ah ee taageersanaa xisbiga Udub, kuwaasoo sawaxan iyo dhagaxtuur waday, isla markaana boolisku dhawr xabadood kor u rideen si ay u kala kaxeeyaan buuqaas,
mana jirin cid boolisku u xidhay rabshadahaas,Balse waxa jiray dad ay dhaawacyo fudud ay ka soo gaadheen dhagaxyadii la tuurayay.


Tallaabadan ayaa noqonaysa tii u horraysay ee nooceeda ah ee ka dhacda magaalada Burco, taasoo waxgarad iyo aqoonyahan badan oo ka tirsan bulshadu ay ku tilmaameen mid ay ka dhalan karto nabad-gelyo xumo xasiloonida bulshadana khalkhal gelin karta.
Digaale News.Deska

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire