Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

jeudi 13 mai 2010

Duqa Burco oo Faahfaahin ka Bixiyay Waddooyin Laami oo ka Bilaambay Magaalada


.
Burco (Dignews)-Duqa magaalada Burco Maxamud Axmed Xasan (Dhagalaab), ayaa markii u horaysay Faahfaahin ka bixiyay dhismaha laba jid oo cusub oo laami ah uu ka bilaabay magaaladda


Burco, isaga oo xusay in dhaqaalaha jidadkaasi ku baxaya ay gaadhayaan laba boqol oo Kun oo dollar.


Waxaanu maayirku xusay in dhismaha iyo kharashka ku baxaya jidadkaasi ay fulinayso Dawlada Hoose ee Burco, iyada oo aanay jirin cid kale oo gacan ka siinaya dhaqaalaha ku baxaya, balse buu yidhi ‘ay qorshaha noogu jirto in shirkadaha waawayn iyo ganacsatadda loo soo bandhigo marka loo baahdo sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen.”


Maayirka oo arrintaa ka hadlayaa ayaa waxa uu yidhi "Wadadaas waanu balanqaadanay, anagoo ka faa’iidaysanayna furitaankii xoolaha, inkastoo ay iminka ay xoolihii yaraadeen hadana waxaanu go’aansanay inaanu iskaga dilaacino oo iska dhaqaajino, daamurkiina waanu diranay jaygii iyo caratuulkii waanagan wadna waxaanu ku talo galnay oo qorshaynay inaanu dhamayno labadaas wado oo ah kuwo laami ah."


Waxa maayirka magaalada Burco sheegay in jidadkan cusub ee uu dhisayo midkiiba dhererkiisu gaadhayo dhererkiisu 1km, kana dhisayaan badhatamaha magaalada, isla markaana ay midkiiba ku baxayso Boqol Kun oo Dollar, "Cid aanu ula tagnay oo nidhi naga caawiyana ma jirto Dawladda hoose ayay gaar u tahay anagaana isku tashanaya," ayuu yidhi; maayirka Burco. Waxa kale oo u sheegay inay wax ka qaban doonaan oo banaynta jididka magaalada dhex mara, isagoo xusay inay yihiin qorshaha ku talo galka wajiga labaad.


Maayirka magaalada Burco ayaa ka mid ahaa maayiradii Somalilanda ee Haya’ada Caafimaadka ee WHO ay Shahaadooyinka gudoonsiisay, kuwaa soo ay kula xulatay wax ka qabashada iyo horumarinta dhinacayada dhiraynta, nadaafada, caafimaadka iyo horumarinta magaalooyinkooda, iyada oo maayarada magaalooyinka kale ee Hay’adaasi shahaadooyinka siisay waxa ka mid ahaa Berbera iyo Hargaysa.


Si kastaba ha ahaate maayirka magaalada Burco ayaa ku hawlan horumarinta adeega bulshada, talaabadani ayaa waxay keentay in bulshada reer Burco si wayn u soo dhaweeyaan hawlaha horumarineed ee maayirkani ka wado magaaladooda.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire