Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
dimanche 2 mai 2010
Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay hadal ka soo yeedhay Xisbiga UDUB iyo
Hargaysa-(Digaale News)Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadam, ayaa ka hadlay geedi-socodka doorashada iyo dhawaaqii Komishanka ee xilliga doorashada Madaxtooyada
.
Guddoomiyaha Guurtida oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay in aan loo baahnayn in hawlaha doorashada lagu farogeliyo Komishanka oo masuul ka ah. “Waxaanu kula talinayaa Komishanku doorashada iyagaa ka masuul ah, xisbina ka masuul maaha, Madaxweyne-na ka masuul maaha,
doorashada qabashadeeda iyo waqtigeedana iyagaa leh - xilkii qaranku iyaguu saaran yahay. Cid kale oo maanta xilka saaran yahay ma jirto, go’aanka maalinta la qabanayo iyo sida loo gelayana iyagaa leh,” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadam oo isagoo ku sugan magaalada London khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal. “Anigu aragti kama lihi halkaas, Komishanka uun baa leh,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko in bisha June doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomi karto.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu ku taliyay in aan farogelin lagu samayn Komishanka Doorashooyinkan. “Xisbiga UDUB go’aanka doorashada ma leh, laakiin Komishankaa lehe haloo daayo,” ayuu yidhi guddoomiyaha oo ka jawaabayay sida uu u arko didmo xisbiga talada dalka haya ee UDUB ka muujiyay waqtiga qabsoomida doorashada ee Komishanku tilmaamay.
Guddoomiyaha oo markii hore socdaal Caafimaad dibadda ugu baxay, waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo hawlihiisa Caafimaad, balse waxa uu tilmaamay inuu dhowaan dalka ku soo laaban doono.
Xigasho Ogaal
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire