Amsterdam-(Digaale News)-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Holland oo la yiraahdo Geert Wilders ayaa lagu maxkamadeyn doonaa bisha Oktoobar ee sanadkan
magaalada Amsterdam sida ay qortay Jariidada Volksktrant.
Geert Wilders ayaa lagu soo oogay dacwad ah kala soocid iyo naceyb la xariira Diinta Islaamka, waxaana maxkamada dalkani ay sheegtay in culeys lagu saaray sidii ay u sameyn laheyd kiiska Xildhibaankan, iyadoo ay intaa raacisay in ay u baahan tahay mudo shan maalmood ah oo ay dacwada loo heysto Geert Wilders ay ku dhageysato iyo caddeymaha Kiiska lagu soo oogay mudanahaasi.
Geert Wilders ayaa la sheegay in lagu qaadi doono shan dacwadood oo kala duwan kuwaasi oo ugu muhiimsan aflagaado uu u geystay Diinta Islaamka, naceyb jinsiyadeed iyo qodobo kale.
Xildhibaan Geert Wilders oo ka tirsan Xisbiyada awooda ku leh dalkani ayaa waxaa uu ku caan baxay naceybka Muslimiinta iyo Jinsiyadaha kale ee soo galootiga ah, taasoo keentay in Muslimiin fara badan ay ka caroodaan hadaladiisa aflagaadada ah ee ku wajahan Diinta Islaamka.
Digaale News Disk

Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire