Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

jeudi 27 mai 2010

‘26-ka June waa maalintii aynu Ingiriis khaarajinay, maantana kuwan ka liita ayeynu khaarajinaynaa




Hargeysa (Digaalenews)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xaflado waaweyn u sameeyey kumanaan ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa oo soo bandhigay taageerada ay u hayaan


xisbigaasi.

Laba xafladood oo xisbigu si gooni gooni ah shalay ugu kala qaabilay dadweyne tiro badan xaruntiisa dhexe iyo huteelka Fish and Steack ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga, siyaasiyiin miisaan leh iyo taageerayaasha is muujinayey.

Xaflad ballaadhan oo gelinkii dambe lagu qabtay huteelka Fish and Steack ayaa xisbigu ku qaabilay kumanaan qof oo ka tirsan dadweynaha xaafadda Goljano ee degmada 26-ka June oo soo bandhigay cududa taageero ee ay u hayaan xisbigaasi, iyagoo sheegay inay taageeradooda iyo cududoodaba ay geliyaan xisbiga KULMIYE.

Xubno isugu jiray rag iyo haweenba oo matalayey taageerayaashaasi ayaa hadalo ay xafladaasi ka jeediyeen waxay xuseen in aanay ahayn dad ka soo baxay xisbi kale oo ku soo biiraya KULMIYE, balse ay yihiin taageerayaal xisbiga ah oo muujinaya awooddooda taageero oo ay ugu diyaargaroobayaan doorashada fooda inagu soo haysa.

Masuuliyiin badan oo xisbiga ka tirsan oo khudbado u jeediyey dadkaasi ayaa uga mahadnaqay dadkaasi sida ay isu soo abaabuleen ee ay u muujiyeen taageeradooda ay u hayaan xisbigooda.


Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa madaxda KULMIYE ee taageerayaashaas la hadlay, ayaa khudbad dheer oo uu halkaa ka jeediyey, waxa uu kaga hadlay arrimo kula duwan oo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada, eedaymo uu dusha ka saaray xukuumadda iyo xisbigeeda talada haya iyo dardaaran uu dadweynaha siiyey.

“UDUB in aanay ahayn dad sii jiraya waxaad ka garanaysaa siday wax u boobayaan, taariikhdana waxay ku gelayaan rajiim xun oo ina soo maray. Nimanka wasiirada ah ee iyagoo mushaharkii dawladda qaadanaya, baabuurkii dawladda wata oo isticmaalaya shidaalkii dawladda ayaa haddana ololaynaya, wasiirku waa shaqaale dawladeed oo dadka u dhexeeya haddii uu olole galayo waa inuu iscasilaa, laakiin arrintaasi waa edab-darrada ugu way nee maanta dalka haysta,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, waxaannu intaa ku daray, “26-ka June waa maalin wayn, waa maalintii aynu Ingiriis khaarajinay, maantana kuwan ka liita ayeynu khaarajinaynaa ee codkiisa hala habsaamina, khaadhkiina yaan la idinka sasaban, waa wax weligeedba Faqashtu ku soo caano-maashay ilaa rajiimkii Ina Siyaad Barre laaluushkaas ayey wax siisanayeen.”

Sidoo kale, waxa xisbigu shalay gelinkii hore xaflad soo-dhaweyn ah ku qaabilay xaruntiisa dhexe boqolaal dadweyne ah oo ka soo jeeda beesha Maxamed Isaxaaq (Cabbaas) oo iyaguna soo bandhigay taageeradooda, kuwaasi oo sheegay inay isugu soo baxeen xoojinta xisbiga KULMIYE.

Caaqil Cali Aadan oo ka mid ahaa dadweynahaasi oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in beeshiisu iyadoon cidi soo abaabulin, isla markaana aan ka soo bixin xisbi kale markay arkeen xaaladda dalka ay go'aansadeen inay si buuxda u taageeraan xisbiga KULMIYE, soona bandhigaan.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xafladaasi ka qaybgalay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey taageerayaashaasi oo uu sheegay inay u yihiin dhiirigelin wayn, isagoo ku dhiirigeliyey inay u diyaargaroobaan doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 26-ka bisha June oo uu ku tilmaamay mid muddo badan dadku sugayeen, balse xukuumadda talada haysaa dabada haysa.

“Dhibaato badan ayuu dalku soo maray, nabadgelyada ayaa la waxyeeleeyey, dhaqaalaha dhibaatooyin ayaa soo gaadhay, cadaallad-darradaa dhacday, xabsiga iyo xadhiga dad badan lagula kacay waynu ognahay. Intaas oo dhan xisbiga KULMIYE iyo taageerayashiisu waxay u yeesheen sammir, waxay u yeesheen adkaysi, waxay qadarinayeen dadweynaha, waxay kalsooni ku qabeen maalinta doorasho la galo inay heli doonaan kalsoonida shacabka.

Waxa innoo ballan ah in aynu noqono kuwa ilaaliya nabadgelyada, waynu arkaynaa turunturooyinka iyo caqabadaha ay maalin walba dhigayso xukuummad,” ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan iyo odayaal, haween iyo dhallinyaro ka mid ahaa taageerayaasha xaflada loo qabtay, waxaanay dhammaantood isku raaceen in dalka looga baahan yahay isbeddel siyaasadeed oo dhaca.

DigaaleNews

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire