Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

samedi 15 mai 2010


hargayse(dignews)Faysal Cali-waraabe Wuxuu Joogaa Nairobi, Waxaanan u Malaynayaa inuu Wadahadal Kula Jiro Ninkii Diiwaangelinta Khalkhaliyey”
Hargeysa (Jam)- Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa markii ugu horreysay shaacay ka qaaday inay maalmaha soo socda si rasmi ah u soo bandhi doonaan barnaamij-siyaasadeedka xisbigoodu kaga qaybgalay tartanka doorashada Madaxtooyada ee loo muddeeyey 26ka June 2010.


Mr. Jaamac Yaasiin oo ka hadlayey xaflad xisbigoodu u sameeyey taageerayaal cusub oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa xisbiyada mucaaradka ah ku eedeeyey in doonayaan sidii dalku u geli lahaa fawdo, waxaannu ku hanjabay in UDUB kaga guulaysan doono marka la gaadho codbixinta doorashada madaxtooyada.


Xoghayaha guud ee UDUB ayaa dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan ugu baaqay in ay si habsami ah u qaataan kaadhadhka cusub ee qaybintoodu shalay ka bilaabantay gobollada iyo degmooyinka dalka.


"Waxaannu maalmaha soo socda ummadda reer Somaliland u soo bandhigi doonaa barnaamijkayaga siyaasadeed ee aanu dalka ku hagi doono haddii aannu ku guulaysano doorashada soo socota, waxaanan hubnaa inuu yahay barnaamij lagu badhaadhay oo dalkan iyo dadkanba horumar gaadhsiin doona.”


Waxa kaloo Jaamac Yaasiin ku eedeeyey axsaabta mucaaradka ah inay ka soo horjeedaan in Somaliland beesha caalamka ka hesho ictiraafkii ay xaqa u lahayd.


"Diiwaangelintii hore madmadiw ayaa ku jiray, waxaanad ka warhaysaan in dawladdu ay eriday ninkii masuulka ka ahaa, kaasoo lagu eedeeyay in uu wax isdaba mariyay, markii la eryay xisbiyada mucaaradka wixii qaylo ka dhacday waa la wada ogaa. Iminka Faysal Cali waraabe wuxuu joogaa Nairobi, waxaanan u malaynayaa inuu wada hadal kula jiro ninkii diiwaangelinta khalkhaliyey.” Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Md. Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) oo isaguna xafladdaas ka hadlay.


Waxa kaloo Md. Tallaabo uu madmadow geliyay wakhtiyada loo qoondeeyo qabsoomidda doorashooyinka Somaliland, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Maxaa keenay in doorashooyinkeenna loogu soo beego bilaha June iyo September, waayo waxa dhaca oo degaanada badankooda ka taagan abaaro iyo kulayl?"


Wasiir-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in maanta la kala dooranayo saddexdii murashax eek u tartamay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003, isla markaana aan laga yaabin in sannadkan xisbiga UDUB lagaga guulaysto.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire