Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

dimanche 2 mai 2010

maxaa sababi kara in uu wakhtigan isu casilo xoghayaha guud, side ayuuse Guddoomiyaha UCID u arkaa


Hargaysa-(digaale News)-Xoghayihii guud ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mr. Maxamed A. Xasan Baashe (Talaata coddle),


ayaa xilkii xoghayanimo ee uu xisbigaasi u hayey iska casilay, kadib markii hawlo isaga u gaar ahi la soo darseen.

Mr. Baashe ayaa xil-ka-tegistiisa ku sababeeyey hawlo isaga u gaar ah oo la soo darsay oo uu ka wadi kariwaayey xilka culus ee uu xisbiga u hayey, maadaama waqtigan hawlaha xisbigu u baahan yihiin in la libinlaabo, sidaa daraadeedna aannu is barbariwadi karin tiisa gaarka ah iyo ta xisbiga.

Sidaana waxa uu Mr. Maxamed A. Xasan Baashe ku sheegay qoraal uu xil-ka-tegistiisa kula socodsiiyey Guddoomiyaha iyo golaaasha fulinta iyo dhexe ee xisbiga UCID oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Jamhuuriya.

Mr. Baashe waxa uu sheegay inuu hubo in jagada uu banneeyey loo heli doono qof buuxiya oo karti badan, waxaannu si ballaadhan ugu mahadnaqay dhammaan madaxda iyo xubnaha kale ee xisbiga oo uu guul u rajeeyey.

Qoraalka xil-ka-tegista Xoghayihii guud ee UCID oo dhammaystirsanina waxa uu u qornaa sidan:

“Markaan Arkay; Hawsa ballaadhan ee joogtada ah ee xisbiga

Markaan Arkay; Hawlaha ii gaarka ah ee dhinac walba taabanaaya

Markaan Tixgeliyey; Hawsha Xoghayaha Guud ee xisbiga sugaysa oo ah mid culeyskeeda leh oo aanay suurtogal ahayn in mid kale la barbar wado (dhinac wado), ayaa waxa ii caddaatay;

In aanan isku wadi karayn hawsha xisbiga u taalla iyo tayda gaarka ah, mid walbana ay doonayso in si joogto a loo waddo.

Iyadoo xilka qaranka loo hayo ay tahay meel kasta oo qof masuul ahi joogaba waa meerto, waxaan hubaa in loo heli doono mid buuxiya jagadaas oo ah Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID.

Sidaas darteed, ayaa waxaan goostay in aan baneeyo xilka aan u hayey xisbiga, una madaxbannaanaado hawlahayga gaarka ah.

Iyadoo aan mahad ballaadhan u naqayo dhammaan madaxda xisbiga iyo xubnaha kale ee xisbiga, kuwaas oo aannu soo wada shaqaynay muddadii aan xilka hayey meel kasta oo ay joogaanba (gudo iyo dibed), waxaanan xisbiga u rajaynayaa guul ballaadhan iyo horumar.”

Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo xalay wargeyska Jamhuuriya wax ka waydiiyey xil-ka-tegista Xoghayaha Guud iyo inay ka aqbaleen, ayaa waxa uu qiray inay jiraan hawlo gaar ah oo la soo darsay Mr. Baashe, kuwaas oo tixgelintooda mudan, balse uu xisbigu ka wada tashan doono.

“Horta waanu ka tashanaynaa, laakiin kolay sidaan filayo waanu ka aqbali doonaa oo duruufo u gaar ah oo aannu u tixgelin doono ayaa jira, wax dhibaato ahina kuma jiro…Xisbigana iminka waa lagu soo batay oo waxa jira dad badan oo xilal doonaya, balse arrintani waa mid caadi ah oo waanu ka tashan doonaa,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Digaale News Disk

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire