Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 18 mai 2010

Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Xaflad Balaadhan Oo Uu Ku Xusaayey Sanadguurada 18-Ka May Ku Qabtay Xaruntiisa Hargeysa.




”Dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay la shaqeeyaan booliska, waayo maanta uma baahnin qas oo doorasho ayeynu diyaar u nahay…” Muuse Biixi





Hargaysa(DigNews) May18, 2010 - Xisbiga mucaaridka ee KULMIYE ayaa maanta munaasibad balaadhan waxa uu si gaara u xusay sanad guurada 19aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May 1991-kii.


Munaasibadan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Marxuum Cali Marshaal waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharaxa Madaxwaynaha Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha qaranka, Madaxda sar sare ee Xisbiga KULMIYE, Haween aad u tiro badan iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ka soo qayb galay maamuuska iyo qaayaha ay maalintan ku leedahay Somaliland oo dhan.


Ugu horayn waxa madashaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biix, waxaanu yidhi “ Maanta waa 18 May, sideedaba bishan May waxa ay iska leedahay taariikho badan oo isugu jira dhaxdin iyo farxad, markaa maanta waa maalintii la xaqiijiyey gooni isu taaga Somaliland ee magaaladda Burco oo dadka reer Somaliland ee bari iyo galbeedba ay ku heshiiyeen inay halgan qadhaadh oo naf iyo maalba leh kadib ay dib ula soo noqdaan oo ay ku soo celiyaan sharciyan sidii ay ahayd 26-kii June 1960kii.


KULMIYE waxa uu ummada Somaliland uu hambalyo u dirayaa maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May, markasta oo maalintan la xusayo waxa waajib ah in aynu u ducayno intii ku shihiiday, intii ku naafowday iyo intii u goblantay waxaanan rajaynaynaa inuu cawil naqii Ilaahay siiyo, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa Ciidamada qaranka oo u badan halgamayaashii SNM, waxaanan ku hambayeynaynaa 19 sanadood oo ay xaqiijinayeen nabadgalyada iyo jiritaanka Somaliland.” Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Sagaal iyo tobankaa sanadood waxaynu ahaynaa Somaliland oo bari iyo galbeed isku mid ah oo wada socota, adduunkana cabasho lagama waayo, balse waxaynu haysanaa dadkeenii oo xor ah oo kolba talada meel isugu gaynaaya, waxaynu haynaa Somaliland oo doorasho u diyaara oo madaxdeeda ku badalaysa warqad, nabadgalyo iyo tallo, dhibaato kastaa ha inaga gaadhee doorashadaas, laakiin maanta waxaynu qaadanaynaa warqadii codbixinta doorashada, waxaynu haynaa balanqaad aynu dhammaanteen ku kalsoonahay oo dhawr iyo Afartan maalmood kadib waxaynu u dareeraynaa doorashada Madaxtooyada.”


Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu fariin u diray dhalinyarta Somaliland, isla markaana waxa uu ku guubaabiyey inay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhkooda, dabadeed-na Musharaxa ay doonayaan codkooda siiyaan oo aanay la shiitamin Ciidamada Booliska.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire