Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mercredi 12 mai 2010
Wafdi UN-ka ka socda oo booqday Laascaanood
Lascaanood: Digaalen News Wafdi ka socday hay’adda Qaramadda Midoobay oo fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa ayaa maanta booqday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waftigaan ayaa muhiimada socdaalkiisa lagu sheegay in uu la xiriiro sidii ay u soo indho indheyn lahaayeen xaalada amaan iyo nabad galiyo halkaa.
Dabayaaqada sanadkii tagay ayeey aheyd markii Saraakiisha Qaramadda Midoobay ayaa iskaga baxeen magaalada Laascaanood markii halkaasi lagu dilay talihii ciidamada qeybta 12aad ee Soomaaliland. Iyadoo wakhtigaasi saraakiishu ay walwal ka muujinayeen xaaladaha amaan ee magaaladaasi.
Socdaalka saraakiishaan ayaa sidoo kale wku wajahan sidii ay u eegi lahaayeen mashaariicada ay hay’addaha Qaramadda Midoobay ay ka fuliyaan Gobolkaasi,iyo sidii waxa loogu qaban lahaa shacabka dagan deegaankaasi.
Waftiga ka socda hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka waxeyna ka dhageysteen warbixin iyagoo ka codsaday in laga taakuleeyo sidii wax looga qaban lahaa Laamaha waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha oo ay sheegeen in ay shacabka gobolka Sool ay aad ugu baahan yihiin.
Digale news
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire