Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
lundi 31 mai 2010
Madaxweyne-ku-xigeenka oo Wejigabax Siyaasadeed Kala Hoyday Reer Balligubadle
Nuxurka kulan lagu kala kacay oo dhexmaray weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka iyo odayaal reer Balligubadle ah
Hargeysa (DigaaleNews)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wejigabax siyaasadeed oo fool xun kala soo hoyday kulan uu habeen hore degmada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd kula yeeshay cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda degaankaas, kadib markii uu ku guuldarraystay in odayaashaasi taageeraan qorshe xukuumadda UDUB taageero siyaasadeed kaga raadinaysay shacbiga gobolkaas.
Md. Yaasiin iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa wejigabax kala soo guryo-noqday degmada Balligubadle oo uu taageero siyaasadeed uga raadinayey xisbiga UDUB, kadib markii odayaal iyo cuqaal ka soo jeeda degaankaas oo uu la kulmay ku ganac-saydheen ballanqaadyo cusub oo uu bandhigay, isla markaana lagu kala kacay fadhigii iyadoon wax natiijo ah la isla gaadhin.
Sida uu Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey shalay xildhibaan Xasan Digaale Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Degmada Balligubadle oo xog badan ka haya kulankaas iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayey ay xarunta maamulka dawladda Gobolka Hawd kulan kula yeesheen habeen hore 12 oday iyo caaqil ka soo jeeda degaankaas, kuwaasoo uu ka dalbay inay soo qaddimaan baahiyaha kala duwan ee bulshada reer Balligubadle u baahan yihiin in xukuumaddu wax kala qabato, balse kala kulmay hungo madhan, kadib markii odayaashaasi hordhigeen weftiga ballanqaadyo fara badan oo xukuumadda UDUB hore ugu samaysay, laakiin aan waxba ka fulin, sidaa awgeedna u caddeeyeen in aanay shacabka reer Balligubadle waqtigan diyaar u ahayn aqbalaadda ballanqaadyo aan waxba ka duwanayn kuwii hore, iyadoo arrintaasina guuldarro iyo wejigabax siyaasadeed ku noqotay Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo weftiga uu horkacayey ee xisbiga UDUB.
“Annigu waxaan joogay dibbadda, wixii odayaasha iyo waftiga madaxwayne-ku-xigeenku ka wada hadleenna waxba iguma seegana. Waxa loo yeedhay 12 oday (laba iyo toban) oo reer Balligubadle ah iyo caaqil. Waxa madaxwayne-ku-xigeenka iyo xubnihii la socday oo uu ku jiray xoghayaha guud ee UDUB ay odayaasha waydiiyeen waxyaabaha baahiyahooda ah ee ay doonayaan in xukuumaddu wax kala qabato. Dabadeed odayaashii iyo caaqilkii waxay madaxwayne-ku-xigeenka ugu jawaabeen, wixii aad hore noogu qaban wayday ee aannu muddada dheer idinka sugaynay maanta oo doorashooyin lagu jiro noo qaban maysaan oo ballamahii hore ee xukuumaddu u qaaday reer Balligubadle ilaa hadda looma fulin ee sheekadiinu waa ‘Habar dhali wayday alleelo ku waalatay,’ fadhigiina iyadoon waxba la iskula meel dhigin ayaa lagu kala kacay,” ayuu yidhi Md. Digaale.
Xildhibaan Xuseen Digaale oo la weydiiyey inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha ay xukumaddu hore ugu balan qaaday ee ilaa hadda fulin, waxa uu ku jawaabay; “Waxyaabah ilaa hadda aan fulin ee reer Balligubadle loo ballanqaaday waxa ka mid ah, laba mishiin oo kuwa laydhka ah oo madaxwayne-ku-xigeenka laftiisu ballanqaaday in Balligubadle la siin doono mar uu booqasho ku soo maray, kuwaasoo aanay ilaa hadda waxba ka hirgelin. Waxa kaloo ka mid ahaa waddo isku xidha Hargaysa iyo Balligubadle oo iyadana aaney ilaa hadda waxba ka fulin, waxa isna jiray riig hore deegaanka loogu ballanqaaday oo isna aan la arag. Waxa iyana jira ballanqaadyo badan oo ay xukuumaddu u samaysay Gobolka Hawd oo aan waxba laga arag.
Odayaasha la kulmay madaxwayne-ku-xigeenka niyad-jab ayaa ka muuqday, laakiin waxay madaxwayne-ku-xigeenka u sheegeen in haddii waxyaabaha ay ballanqaadeen fulinyaan inta ololaha ka hadhay ay soo dhowaynayaan, haddii kale sheekadoodu u muuqato waxyaabah ay UDUB ku ololaysanayso ee aan xilligan ka soconayn.”
Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayey oo maalintii Sabtida u tegey magaalada Balligubadle si uu xadhigga uga soo jaro dhisme cusub oo loogu talogalay xarunta maamulka Gobolka Hawd, ayaa degaankaas ka bilaabeen ololeyaal uu taageero siyaasadeed ugu raadinayey xisbigiisa UDUB, haseyeeshee sida wararku tibaaxeen waxa weftigu xalay kala soo hoyday wejigabax iyo fara madhnaan ay kala soo kulmeen shacabka degaankaas.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin u magacaabay inuu gadh-wadeen ka noqdo hoggaaminta ololaha xisbiga UDUB ugu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada Somaliland ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha ee berri
Digaalenews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire