Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

dimanche 9 mai 2010

Qaybinta kaadhadhka Cusub oo saddex maalmood dib loo dhigay




Hargeysa (DigNews)- Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Somaliland Md.Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari),


ayaa daboolka ka qaaday in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dalka ka qabsoomi doonto badhtamaha bisha June ee sannadkan, waxaanu xisbiyada qaranka, xukuumada iyo shacbiga reer Somaliland ugu baaqay inay si buuxda uga taageeraan qaybinta kaadhadhka cusub ee lagu beddelayo kuwii ay hore u qaateen dadkii is-diwaangeliyey oo dib loogu riixay maalinta Khamiista toddobaadkan, halka balantu ahayd in la qaybiyo Isniinta beri.

Md.Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari) oo shalay u waramay idaacadda BBC-da, waxa uu xusay in doorashadu qabsoomi doonto marka ay ka faraxashaan qaybinta kaadhadhka cusub oo sida la filayo maalinta Khamiista dalka ka bilaabmi doonta, isaga oo tilmaamay inay saddexda xisbi ee UBUD, KULMIYE iyo UCID ku wargeliyeen inay taageerayaashoodu ilaaliyaan nidaamka iyo xasiloonida dalka.

“Mudadadii lagu dhawaaqayay ololaha doorashada weli maanu cayimin, xeerarka anshaxana saddexda xisbiba waanu u kala saxeexnay, dadweynuhuna way ku jiraan waayo saddexda xisbiba waxa aanu u sheegnay in taageerayaashooda ku wargeliyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nidaamka iyo murashaxiinta kale xaqa ay ku leeyihiin…Marka ay kaadhadhka diiwaangelinta qaybintoodu noo bilaabanto dabadeed ayaanu sheegi doonaa maalinta doorashada.. “Waxa aan ku wadnaa in bisha June badhtamaheeda ay dhacdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.

Waxa kale oo Guddoomiyaha Komishanku ku caddeeyey waraysigiisa in qaybaha kala duwan ee warabahinta Somaliland ay kala saxeexdeen xeerka anshaxa, isaga oo tilmaamay in qaar ka mid ah warbaahintu ay jabiyeen, waxaanu sheegay inuu ka soo horjeedo waxyaabaha siyaasiyiinta xisbiyada lagu magacaabo ee ka baxsan xeerka anshaxaha doorashada

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire