Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
dimanche 2 mai 2010
Faysal Cali-waraabe oo soo Bandhigay Aragtida Xisbigiisa ee Natiijada Liiska Diiwaangelinta Komishan
Hargaysa-(Digaale News)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo Jamhuuriya weydiiyey aragtida xisbigiisa ee ku wajahan tirada
Komishanku ku dhawaaqeen ee uu soo saaray Seefarka kala shaandhaynayey codadka dadka isu diwaangeliyey doorashooyinka Somaliland, ayaa caddeeyey in ay xisbi ahaan aad u soo dhoweynayaan tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa oo soo noolaynaysa rajada shacabku ka qabaan doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda bisha June ee ay u muddeeyeen.
Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu xusay in xisbi ahaan ay jeclaayeen in doorashada madaxtooyadu ka soo horayso bisha June ee sannadkan, balse markay arkeen baylahda ee aan hore waxba looga qaban ay ku kalsoon yihiin wakhtiga komishanku u gooyaan in doorashadu dhacayso.
Ugu horreyn Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey natiijadda ka soo baxday seefarka ee komishanku ku dhawaaqeen waxa uu yidhi; “Server-ka wixii la galiyey oo khalad iyo saxba, wixii xalaal ah ee sax ah kaadhadhkaa cusub ayaa la siinayaa. Qofkii toban kaadh qaatay liisku wuu soo saarayaa oo waxa la odhanayaa tobankaa goobaad ayaad ka qaadatay ee mid qudha ayaad xaq u leedahay ee kaadhkiisa qaado, kii carruurta ahaa waxa la odhanayaa waad yarayd oo waa ku kan ee ka hadh. Markaa waxaynu ku xisaabtamaynaa marka kaadhadhka cusub la qaybiyo wixii xalaal ah ee inoo soo baxa ayeynu ku hawlgalaynaa. Tiradan komishanku sheegeena waa intii xogta ku jirtay oo kii tobanka jeer qaatay, kii shanta jeer qaatay iyo kii halka mar qaatay ay ku jiraan, xittaa sagaashan kun oo aannu berigii nidhi ka tuura waa lagu soo celiyey, waana sababta kaadhadhka cusub loo keenay, waxase lagu hawlgalayaa waxa inoo soo baxa ee xaasilka ah. Arrintani waa wixii doorashada dib loogu dhigay ee ha la sugo oo waa in kalsoonidaas lagu shaqeeyaan. Annagu waxaannu u aragnaa in doorasho qurux badani ku dhacayso oo aan muran lahayn oo xataa laga maarmi karo muraaqibiintii aannu gaysan jirnay goobaha doorashada, waayo maanta cid wax ku shuban kartaa ma jirto, markaa qofka maanta ka cawdaa waa qof musuqmaasuq uun doonaya.”
Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka jawaabayey su’aal ahayd, ‘kol haddii aanay tiradii serfarka wax weyni iska beddelin arrintu sow ma taagna halkii markii khilaafku ka dhashay,’ waxa uu yidhi; “Wax allaale iyo waxay keenaysaa ma jirto ee khilaafka waxa abuura dadka doonaya in aanay doorasho dalkan ka dhicin, saddexda xisbi ilaa hadda wax khilaaf ah oo u dhexeeyaa ma jiro, dadka iska had-hadlayaana qaar shaqo ku leh maaha. Khilaaf Ilaahay inooma keenee innaga joojiya, khilaafka ayaad jeceshihiin haddii aynu nahay reer Somaliland , dadkaas [komishanka] shaqadooda haloo daayoo, heshiiskiina ha la ilaaliyo, dalkuna doorasho ayuu u baahan yahay ee buuq uma baahna.”
“Wuxuu heshiisku ahaa in diiwaangelintu horey u dhammaatee wixii farsamo ah la saxo, waxa la keenay khubrada adduunka ugu caansan ee dhinaca tignoolajiga, markaa annagu inkasta oo aannu jeclayn in doorashadu bisha June ka soo horreyso, haddana markaanu aragnay baylahadii taaladay oo aan hore waxba loo qaban, waannu ku kalsoonnahay, iyagaana sharci u leh waqti inay gooyaan, waxaananu jecelnahay in aannu ixtiraamno wixii hay’addaa qaran ee sharciga u leh ee ku socota lixdii qodob ee aannu ku heshiinay in waqtiga ay yidhaahdaan aannu ku dhaqaaqno ayaanu xisbi ahaan ku kalsoonnahay.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyey sida uu u arko hadal dhawaan ka soo yeedhay Afhayeenka UDUB oo sheegay in Komishanku ku degdegay waqtiga doorashada ee ah June, waxa uu ku jawaabay, “Dadkan hawl baa loo dhiibay oo waxa lagu yidhi waqtiga aad doorasho ku qaban karaysaan noo sheega, lama odhan soo degdega, dib-u-dhacana lama odhan, awood baa la siiyey oo waxa lagu yidhi xilliga suurtagal ah noo sheega, waqtigii ayey inoo sheegeen, kalsoonidiina waanu siinay, waanuna saxeexnay in wixii ka soo baxa aannu oggolaano. Wixii lagu heshiiyo waa in la fuliyaa ee maaha in aynu sidii carruurtii iska hadalno, waana wax inoo wada dan ah, waxaynu doonaynaa wax xalaal ah, qofka ay caddaaladi deeqiwaydaa isaga ayaa meel kale u socda,” ayuu yidhi Faysal Cali-warabe.
jamuuriya
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire