Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
vendredi 21 mai 2010
Wadaad 4-xaasle ah oo dhagan yahay Faransiiska
Paris, France-Digaale news-Waayadan dambe ayaa waxaa ka socday dalka Fransiiska dhaq-dhaqaaqyo lagu mamnuucayo xirashada Niqaabka ay dumarku ku asturtaan jirkooda, kuwaasoo ka careysiiyay shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan qaaradda Yurub, gaar ahaan dalkaasi Fransiiska.
Hadaba iyadoo ay dhaq-dhaqaaqyadaasi socdaan ayaa waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah ay booliska magaalada Nantes ee bariga dalkaasi Fransiiska ay istaajiyeen gaari ay waday haweeney 31-jir ah taasoo iyadu xirneyd Niqaabka islamarkaana ay u banaanaayeen oo kaliya indhaha.
Booliska ayaa ganaax lacageed u dhiibay haweeneydan, waxayna ganaaxaasi ay sabab uga dhigeen in ay halis ku tahay isu socodka baabuurta ama waxa loo yaqaan Trafikada.
Haweeneydan oo ku tilmaamntay ganaaxii la siiyay mid sharci darro ah ayaa waxaa ay maxkamad la tiigsatay booliskii ganaaxa u jaray, balse waxaa ay dhibaato ka weyn tan ganaaxa ay usoo jiiday ninkeeda oo isagu ku qabay dalka Fransiiska afar xaas, taasoo dalkaasi ka ah mid sharci darro ah.
Baaritaan lagu sameeyay haweeneydan ayaa waxaa kusoo baxday in ay tahay mid ka mid ah afarta xaas ee wadaadka Lies Hebbadj oo isagu ah nin caan ka ah magaalada Nantes islamarkaana qala hilbaha xalaasha ah.
Lies Hebbadj oo isna kiis cusub looga bilaabay maxkamadda ayaa wax laga weydiiyay afarta xaas ee uu qabo, waxaana uu sheegay in uusan qabin afar xaas, balse mid qura, iyadoona sadexda kale uu ku sheegay "Amoorayaal" amaba saaxiibo "Girl friend" islamarkaana uu afartoodaba ka wada dhalay caruur gaareysa marka la isku daro 12-ciyaal.
"- Sidaan ogahay "saaxiibada" ama "girl friend-ku" ma ahan wax ka mamnuuc ah Fransiiska, sidoo kale ma ahan wax Islaamka ka mamnuuc ah, laga yaabe in diinta Kristaanku ka mamnuuc tahay", ayuu yiri Lies Hebbadj mar uu u waramayay saxaafadda.
Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay dhaqaalaha ay dowladdu ka lunsadeen afartiisa xaas kuwaasoo dowladda ugu diiwaan gashan qaab hooyo kaliya "Single Mother", wuxuuna sheegay in ay xaq u lee yihiin in ay caawimaad ka helaan dowladda.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Fransiiska Brice Hortefeux ayaa isagu ku doodaya in Lies laga qaado sharciga uu ku leeyahay dalka islamarkaana la masaafuriyo maadaama ay ku xadgudbeen sharciga islamarkaana ay xaasaskiisu dheceen hantida dowladda.
Qareen u hadlay wadaadkan ayaa sheegay in Lies uu qaabkan wax u qabay mudo ka badan 10-sano, waxaana uu sheegay in aaney habooneyn in iminka lagu doodo in sharciga laga qaado.
"- Hadiiba sharciga lagu weynayo in saaxiib la yeesho oo ilmo laga dhalo, muwaadiniin badan oo fransiis ah ayaa sharcigooda weyn lahaa", ayuu yiri Lies mar ay warfidiyeenadu wax ka weydiiyeen waxa uu ka qabo weynta sharcigiisa.
Ganaaxii niqaabka ayaa halkiisii lagu ilaabay, waxaana saxaafadda iyo dowladduba ay xoogga saareen dabagalka iyo kiiska cusub ee wadaadkan, afartiisa xaas iyo waliba dhaqaalaha ay ka lunsadeen dowladda.
1945-tii ayay aheyd markii laga mamnuucay dalka Fransiiska in la guursado wax ka badan hal xaas, waxaana baaritaan hoose oo ay sameysay hey`adda wax baarta ee Montaigne ku sheegtay warbixinteeda in ay ka jiraan dalka Fransiiska in ka badan 20-kun oo qoys kuwaasoo xaasas kale lala qabo.
Mamnuucida Niqaabka ayaa waxaa iminka ku dhaqaaqaya dowlado kale oo Yurubta ka tirsan oo ay ka mid tahay bilgumka.
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire