Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

lundi 3 mai 2010

Madaxwaynaha Koofur Afrika oo kulan La yeeshay Xog hayaha Arrimhah Dibada ee Xisibiga Ucid

booqashadeedii ku soo afjartay iyadoo la kulantay Madxaweynaha Koonfurta Afrika (President of South Africa) Mudane Jacob Zuma iyo Madaxweyne ku-xigeenka (Deputy President) Kgalema Motlanthe. Xohayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID Marwo Fatima Ali Madar ayaa kulankaas warbixin ku saabsan Ictiraaf raadinta Somaliland iyo doorashada Madaxweynaha ee soo socota siisey Madaxweynaha.


Madaxweynaha Koonfurta Afrika waxa uu Xoghaya Arrimaha Debedda ee UCID u sheegay in ay aad ula socdaan horumarka fiican ee ka socda Somaliland. Waxa kale ee uu Madaxweynahu yiri Dalka Koonfurta Afrika diyaar ayey u yihiin in ay taageeran dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.


Marwo Fatima Ali Madar waxay u mahad naqdey Madaxweynaha iyo Shacbiga Koonfurta Afrika sida fiican ee ay u taageeraan Somaliland. Ugu dambeyntii kulankaas waxa Marwo Fatima Ali Madar ku casumtay Madaxda Koonfurta Afrika in ay boqosho ku yimaadaan waddanka Somaliland, doorashada Madaxweynahana ilaaliyaal (Observers) u soo diraan.


Booqashada Xoghayaha Arrimaha Debedda ay Koonfurta Afrika ku tagtay waxay ahayd mid guulo u soo hooysey Somaliland oo sii xoojisay xidhiidhka Koonfurta Afrika iyo Somaliland. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Koonfurta Afrika Jacob Zuma iyo Madaxwayne ku xigeenku Mudane Kgalema Motlanthe ay si wada jir ah u qaabileen madax ka socota Somaliland.


Booqashadani waxay kor a u qaday siyaasadda Arrimaha Debedda ee Xisbiga UCID oo markasta ka si gaar ah u daneeya, kana shaqeeya ictiraafi raadinta Somaliland. Somalilandna guul weyn ayey u keentay booqashani

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire