Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
vendredi 7 mai 2010
Rabshado Dhaawac keenay oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo
Ceerigaabo:(Digaale News)- Hal qof ayaa ku dhaawacmay rabshado gacan ka hadal ah oo taageerayaasha xisbiyada kulmiye iyo Udub ku dhexmaray magaalada Ceerigaabo gobolka sanaag ee maamulka Somaliland.
Rabshadaha ayaa yimid kadib markii wafdi ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu horkacayey guddoomiyaha guddiga xisbiga Kulmiye u qaabilsa olalaha doorashooyinka ee gobolada bariga Dr. Max’ed Cabdi Gaboose uu halkaasi yimid.
Taageerayaasha Xisbiga Udub, ayaa la sheegay inay rabshado ka sameeyeen dibad bax ay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku soo dhaweynayeen wafdiga uu hoggaaminayo Dr. Gaboose.
Rabshadaha, ayaa markii ay xoogeysteen waxaa goobta rabshadaha ka dhaceen soo gaaray ciidamada booliska iyo mileteriga Somaliland oo la sheegay inay wateen gaadiidka dagaalka, waxayna kala eryeen kooxihii is dhagaxeynayey, waxay iyagoo ku guulaystay iney dib u soo celiyaan xasiloonidii magaalada ceerigaabo.
Rabshado kuwaan la mid ah ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Burco, waxayna rabshadahaan yimaadeen xilli mas’uuliyiinta ugu sareeya xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ay ku baaqeen in si ay dimuquraadiyadi ku jirto loo oggolaado dhaqdhaqaaqyada olalaha doorashooyinka Somaliland lagu wado iney ka bilawdaan Bisha June ee sanadkani.
dhawaantan ayay ahayd markii kaararka codbixinta Somaliland oo lagu soo sameeyay dalka Koonfur afrika ay soo gaareen Somaliland iyadoo guddigani ay ku dhawaaqi doonaan maalinta sida rasmiga ah loo qabanayo doorshada madaxtooyada Somaliland oo muran badani uu ka dhashay.
Digaale News
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire