Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

samedi 15 mai 2010

Gudoomiyaha Koomishanka waxa laga xumaado ku tilmaamay Goobo ay ka socotay Diwaangalintu oo Boolisku xidhay.




Hargaysa(Dignews)-Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Md Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari),

ayaa shir Jaraa’id oo uu qabatay, waxa uu ku sheegay inay
Ciidamada Boolisku albaabbada u laabeen laba goobood oo ka mid ah goobaha laga qaadanayo kaadhadhka cusub ee codaynta, shaqaalihii labadaa gooboodna ay Xabsiga u taxaabeen.
Waxa Ciise Xamari , intaa ku daray inuu Taliayaha Booliska Somaliland waydiiyay sababata loo xidhya balse uu noo sheegay ayuu yidhi in amarka xidhistu ka yimi xaga sare
islamrkaana aanu sheegin dambiga loo haysto,waxa uu xusay in 16-xubnood oo shaqaalihii komishanka ay hada ku xidhan yihiin saldhiga Dhexe ee Haragysa.

sidoo kale, Xisbiga UDUB ayaa dhinacooda warsaxaafdeed ay soo saareen ku sheeg in labadan goobood laga dhigay laba xubnood oo ka tirsan guddiga fulinta Kulmiye
guriyahooda sidaas awgeed ay hawshii komishanku farahooda ka baxday.

arimahan ayaa noqonayaa kuwo caqabad ku noqon kara hawlihii qaadshada Kaadhadhka Cusub,isklamrkaana ku soo beegmay wakhti la mudeeyay maalinta ay qabsoomayso doorashadu.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire