Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

dimanche 2 mai 2010

Madaxweynaha Dalka Liibiya soo Jeediyey Fikrado Dan u ah Qadiyadda Somaliland


‘Haddii Sudan ay laba dal oo kala madaxbannaan noqoto, waxay dariiqa u xaadhi doontaa dalal badan oo Qaarada Afrika ah oo raaci doona tallaabada Sudan oo kale’
Warbixin lagu faaqiday sida Afrika ugu baahan tahay in dib loo habeeyo xuduudihii Guumaystuhu ka tagay
Tripoli (Jam/FP)-Madaxweynaha dalka Liibiya Muamar al-Qaddafi, ayaa soo jeediyey in dib-u-qaabayn lagu sameeyo khariidada Afrika, isla markaana la kala qaybiyo dalalka qoomiyadaha kala duwani ku nool yihiin ee khilaafaadka iyo daagalada sokeeye ka dhex qarxaan, isaga oo tusaale u soo qaatay dalka Negeria , qorshahaasi oo hadii uu hirgalo dan weyni ugu jirto qadiyada gooni isu taaga Somaliland.
Warbixin dheer oo shalay lagu faafiyey shabakadda Foreign Policy (FP) oo ciwaan looga dhigay ‘Afrika waxay u baahan tahay khariidad cusub (Africa Needs a New Map), ayaa si qoto dheer loogu lafa guray muhiimada ay leedahay in Afrika loo sameeyo khariidad cusub iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara, iyada oo ubucda warbixintaasi lagu saleeyey fikrado uu soo jeediyey madaxweynaha dalka Liibiya Muamar al-Qaddafi oo la doonayo in lagu xalliyo dhibaatooyinkaiyo colaadaha ragaadiyey qaarada Afrika, figradahaasi oo hirgelintoodu muhiimad gaar ah u leedahay Somaliland iyo dalalka kale ee aan la aqoonsan.
Warbixintaasi oo qaybo ka mid ah Jamhuuriya idiin soo turjumay waxay u qornayd sidan; “Waxa la gaadhay wakhtigii la bilaabi lahaa in dib loo caalamadiyo xududuudihii guumaystayaashu ka tageen ee qaarada Afrika, iyada oo laga eegayo dhinaca horumarka iyo barwaaqada, balse aan la abuurayn dhibaatooyin.
Madaxweynaha Liibiya oo inta badan lagu yaqaano figradaha cadcad ee faa’iidada leh ee ku salaysan caddaaladda siyaasadeed, waxa uu toddobaadyo ka hor soo bandhigay figrad fiican oo ahayd in la kala qaybiyo dalka Negeriya oo rabshado dhinaca diinta ahi ka dhaceen xuduuda u dhexaysa koonfurta iyo waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo ay ku naf waayeen boqolaal qof, khasaare badan oo kalena ka dhacay.
Waxaanu Qaddaafi badka soo dhigay figrad in badan oo bulshada ah ka dhex guuxaysay oo ah in la kala qaybiyo dalka Nigeriya oo tirada dadka ku nool lagu qiyaaso 150 milyan oo qof, si looga hortago isla markaana loo daweeyo khilaafaadka ku salaysan dhinaca diinta ee u dhexeeya qoomiyadaha ku kala dhaqan Koonfurta iyo Waqooyiga dalkaasi, isaga oo madaxweynaha Liibiya ku baaqay in dalka Nigeriya loo kala qaybiyo saddex ilaa afar dal oo kala madaxbannaan.
Marka dalka Nigeriya laga yimaado waxa kale oo jira meelo badan oo dhibaatooyin ka taagan yihiin oo u baahan in laka furdaamiyo, waxa la soo qaadan karaa Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo, Somaliya oo hadda u kala qaybsan saddex qaybood oo kala ah Somaliland, Puntland iyo Somaliya, inkasta oo aan wali la aqoonsan Somaliland, meesha midho dhalka weyni ka soo iftiimayana waxa ugu horreeyo dalka Sudan oo ah ka dhul ahaan ugu ballaadahan Qaarada Afrika oo la filayo in bisha January ee sannadka soo socda ay ka dhacdo afti la doonayo in Koonfurta dalka Suudan ka madaxbannaanaado Suudan inteeda kale iyo inay ka sii mid aahadaan dhul weynaha Suudan.
Haddii Sudan ay laba dal oo kala madaxbannaan noqoto, waxay dariiqa u xaadhi doontaa dalal badan oo Qaarada Afrika ah oo raaci doona tallaabada Sudan oo kale, dad badana waxay arkaan qorshe dhinaca horumarka iyo barwaaqada ku salaysan, balse wata dhibaatooyinkiisa iyo xasilooni-darro dheeraad ah. Laakiin waxkasta waxa ka horeeya qaranimada iyo wadaniyadda Afrikaanimo ee ku dheehan quluubta dadka.
Ururka Midawga Afrika ayaa sannadkii 1964 isku raacay in xuduudaha Qaarada Afrika oo ahaada sidii guumaystuhu kaga tagay ay gacan ka gaysan doonto xasiloonida dalalka Afrika, balse arrintaasi sidii la muudayey may noqon oo waxa dagaal ka dhacay dalka Nigeriya oo kooxo doonayey inay gooni isutaagaan iyo dawladdu iska horyimaadeen, iyada oo halkaasna ay ku waxyeeloobeen dad lagu qiyaasay 1milyan oo qof.
Xuduudaha guumaystuhu kaga tagay Afrika, waxa uu dhibaato iyo raad kaga tagay guud ahaanba dadyawga Afrikaanka ah, iyada oo dad isku qoomiyad ah ama qabiil qudha ka soo wada jeeda la kala raaciyey laba dal oo kala madaxbannaan ( Soomaalida oo la kala raaciyey Kenya iyo Itoobiya), qoomiyada EWE ee dalka Togo waxay ku hamiyaan sidii ay mar uun ula midoobi lahaayeen malaayiinta kala ee ay isku qoomiyada yihiin eek u dhaqan dalka kale ee Ghana, qoomiyada Igbo oo ku dhaqan dalka Nigeriya ayaa iyaguna doonaya inay ka madaxbannaanadan wadanka Nigeriya .
Dalka Somaliya oo ay kala guumaysan jireen laba dal oo reer Yurub ah oo kala ah Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxa uu hadda u qaybsan yahay Somaliland iyo Puntland, Somaliland oo aan wali beesha caalamku aqoonsan ayaa ah goob xasiloon,
Marka la isu soo ururiyo dib-u-qeexida xuduudaha Afrika mar ay ahaataba way dhici doontaa, hala jecalado ama yaan la jeclaane, waxay arrintaasi noqon doontaa ajandaayasha caalamiga ah ee lagu qaada dhigi doono kulamada dunida ka dhaca, arrimaha oo dhana waxay ku xidhan yihiin marka Sudan aftida laga qaado sannadka 2010.”
Figradahan uu madaxweynaha liibiya soo jeediyey ee la xidhiidha in dalka Nigeriya loo kala qaybiyo dhawr dal oo kala madaxbannaan iyo qorshayaasha soo xoogaysanaya ee la doonayo in dib loogu calaamadiyo xuduudaha Afrika, ayaa noqonaya qaar rajo buuran u yeesha qadiyada gooni isu taaga Somaliland, arrinta ugu muhiimsab ee loo baahan ahay in reer Somaliland isha ku hayaan waxaa aftida bisha January ee sannadka soo socda ka dhici doonta dalka Sudan

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire