Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
lundi 3 mai 2010
Hanjabaadyo Cul-Culus oo ka soo yeedhay Alshabaab, Ka dib Qaraxyadi Kismaayo iyo Bakaaraha
Kismaayo-(Digaale News)Saraakiisha Al-shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa ku dhawaaqay in ay tababar askarinimo ay u furi doonaan dhammaan Ardayda wax ka barata Dugsiyadda magaalada Kismaayo da’ kasta oo ay jiraan
.
Al- Shabaab oo kulamo la qaatay Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiyadda Waxbarashadda ee Kismaayo, ayaa ku wargaliyay in qof walba uu isku diyaariyo ka qeyb galka tababarka ciidan, si ay ugu mid noqdaan maleeshiyaadka shabaab haddii ay dhacdo in looga itaal roonaado deegaanada ay heystaan.
madaxada AlShabaab ee booqday Dugsiyada Waxabarashadda ayaa sheegay in ay waajib ku tahay arday walba in uu la dagaalamo maleeshiyaadka Axmed Madoobe, oo weeraro qorsheysan doonaya iney ku soo qaadaan gobolada jubbooyinka.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Ardayda geyn doonaan gobo gaar ah oo ay Maleeshiyaadka u dagaalama ay ku tababaraan, si ay u soo qaataan tababar ciidanimo.
Qaar ka mid ah Waalidiinta Ardayda , ayaa walaac weyn ka muujiyay amarada cusub ee lagu soo rogay caruurtooda Waxabarashadda ku hawlan, waxeyna qaarkood sheegeen in ay ka fakarayaan in ay caruurtooda u dirayaan xeryaha qaxootiga ee Kenya si ay uga badbaadiyaan caruurtooda in ay ka mid noqdaan Maleeshiyaadka Shabaabka.
Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa dhawaanahaan ka jiray diyaar garow dagaal oo ay sameynayaan maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo ay soo kordhayaan wararka sheegay in dadka deegaanada Jubbooyinka ay billaabeen in ay taageero u fidiyaan Sh. Axmed Madoobe oo dagaal kula jira Al-shabaab
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire