Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
samedi 8 mai 2010
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa weli dalka kaga maqan safar uu ku kala bixiyey qaar ka mid ah dalalka geeska Afrika, Carabta
Borama-(dignews)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa weli dalka kaga maqan safar uu ku kala bixiyey qaar ka mid ah dalalka geeska Afrika, Carabta iyo Yurubta galbeed.
Inkastoo madaxweyne Rayaale intii uu xukunka dalka hayey sideed sano ku dhawaad ka hor safaradiisa debedda la buunbuunin jiray, isla markaana ka bixitaankiisa caasimadda Hargeysa iyo soo gelitaankiisuba ahaayeen kuwa guuxooda laga dareemi jiray daafaha magaalada iyo gudaheedba, hase yeeshee doorkan aanay cidi dareemin socdaalkiisa.
Safarada madaxweynaha oo inta badan saamayn jiray danyarta ku shaqaysata agagaarka jidadka cidhiidhiga ah ee caasimadda ayaa sidoo kale doorkan ka raystay siigadii, boodhkii iyo hanjabaadihii ay u geysan jireen ilaalada madaxtooyadu, iyadoo aanay doorkanna ka garab muuqan wasiiradii iyo masuuliyiintii dawladda ee sii dhaweyn ama soo dhaweyn jiray, isagoo doorkan ka tegey wasiirradii sida aadka ah ugu xidhnaa, qaarkoodna aaminsanaayeen inay madaxweynaha turjumaan uga ahaayeen ama ka xarrifsan yihiin dalalka uu booqan jiray , isagoo markaan kaxaystay wasiirro qaarkood aanay weli kala baran golaha wasiirada, xildhibeenada iyo golayaasha kaleba.
Haddaba markaad eegto qaabka madaxweyne Rayaale uga baxay dalka, ujeedada safarkiisa iyo sanqadhyarida uu dalka kaga baxay wakhtigan xasaasiga ah ee ay kusoo foolleyihiin doorashooyin malaha uu kursiga kaga tegi doono ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi ka bixiyeen afkaar kala duwan, balse badi ka mideysnaa in socdaalkiisa doorkani ahaa mid shakhsi ah oo uu kusoo arkayey ubadkiisa ku kala baahsan meelaha uu booqanayey.
Haddaba markaaad eegto socdaalkaasi iyo raadka uu kaga tegey xisbigiisa UDUB, dawladiisa iyo mucaaradka ah ayaa si wanaagsan loo arki karayaa in socdaalka Rayaale ee maantu ahaa mid aanu kasii faashan, isla markaana aanu ka fiirsan guusha iyo guuldarada kaga iman karta ka bixitaankiisa dalka wakhtigan, waxaadse moodda in Rayaale u badheedhay ama aanu sidaaba maanta u jeclayn inuu jilbaha u aasto Loollan siyaasadeed oo uu mar kale xilka dalkan kusii hayn karo.
Wax yar kaddib markii uu dalka ka baxay waxa aamusay durbaankii iyo sawaxankii xisbiga UDUB kusoo dhaweynayey ama ku afladgaadeyn jiray xisbyada mucaaradka ah siiba xisbiga Kulmiye. Waxa yaraaday raadkii ama kusii socodkii wasiirada Somaliland qaarkood ee madaxtooyada, kagana dhuuman jireen xafiisyadii loo xilsaaray, waxa yaraaday salaadiintii warbaahinta dawladda iyo TV-ga madaxtooyada ka cambaareyn jiray qaybo ka mid ah dadka ay masuulka ka yihiin, waxa kale oo la waayey weedhihii qaabyaaladda iyo gobolaysigu ka muuqday ee lagu odhan jiray “kulmiyoow Hargeysa ka bax “, waxana yaraatay lacagtii faraha badnayd ee kasoo bixi jirtay madaxtooyada Cismaan Hindi iyo Cali guray ayaan sidoo kale waayadan uu Rayaale maqnaa laga waayey fagaarayaasha iyo warbaahinta madaxtooyada marka laga reebo hadal Cali Gurey ka jeediyey xus loo sameeyey Marxuum Cigaal, waxa kale oo iyaguna meesha ka baxay qaar ka mid ah wasiiradii ugu awoodda badnaa dawladdiisa, sida Cawil, Sulub, Warancadde iyo kuwa kale oo shacbiga u sheegi jiray in madaxweyne Rayaale awood beeleed ku fadhiyo kursiga, taasina ay muuqato in siyaasiyiintii, wasiiradii iyo masuulyiintii xisbiga UDUB ee uu dalkan kagasii tegeyba uu laydhku ka demay Rayaale la’aantii, waxayna arrimahaasi muujinayaan in hadaladii diiranaa ee wasiiradaasi, masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo qaar kaleba ku weerari jireen xisbiyada mucaaradku ahaayeen hadallo afka baarkiisa ah oo ay maqashiinayeen madaxtooyada si loogu sedburiyo, loogana farxiyo madaxtooyada.
Waxa kale oo wax lala yaabo ahayd sida guddoomiyaha xisbiga UDUB iyo xoghaya guudba mar keliya Paris u wada tegeen, dalkana loogaga sii tegey madaxweyne kuxigeen uu weli ka muuqdo xanuun noloshiisa khatar gelin gaadhay, loona baahnaa inay sugaan inta madaxweyne ku xigeenku nasanayo. Intii uu madaxweyne Rayaale gaafwareegayey dalalka debedda, waxay xisbiga Kulmiye u ahayd fursad siyaasadeed oo aan weligii soo marin, taasoo uu ku kasbaday codadka iyo taageerada kumaankum qof oo reer Somaliland ah .gaar ahaanna dhallinyarada , ardayda, aqoonyahanada iyo siyaasiyiin kaleba.
Dhinaca kale maqnaanshaha madaxweyne Rayaale wuxuu xisbiga Kulmiye ka dhigay mid maanta isagu haya talada dalka, laguna iloobay ciilkii, cadhadii iyo ay badeen ciidamada xukuumadda Rayaale sideed sano kudhawaad ka hor, xukuumadda maanta u geyeysiisay habdhaqanka mucaaradka dalalka qaarkood.
Iskusoo wada duuboo safarka madaxweyne Rayaale ugu baxay debedda doorkan ayaa dad badani ku sifeeyeen inuu ahaa mid uu isku illawsiinayo welwelka siyaasadeed ee hadheeyey madaxtooyada, itaaldarada taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo walaaca doorkan uu ka qabo doorashooyinka soo socda maadaama aanay garabkiisa maanta taagnayn ragii kursiga geeyey sideed sano kuhawaad ka hor, kuwaasoo qaarkood ka yaaceen xisbiga , qaarna ajalka Illaahay u yimid, halka halka kuwa kalena ku biireen xisbiyada mucaaradka, qaar kalena iskaba casileen xilalkii ay UDUB u hayeen.
Ugu dambayntiina socdaalka madaxweyne Rayaale ku tegey Africa, Carabta iyo Yurub ayaa la odhan karayaa wuxuu ahaa safarkii uu ugu farxadda yaraa, uguna rajada xumaa ee abid soo foodsaara madaxweynaha balse dhinaca kale isagu u arko in socdaalkiisu uga qiimo badnaa wax kastoo uu ku waayayo Somaliland gudaheeda iyo siyaasaddeeda.
Guntii iyo gebogebadii intii uu madaxweyne Rayaale debedda kaga maqanaa dalka waxa dhammaaday badi barnaamijyadii suurtagelin lahaa doorashooyinka madaxtooyada ee loogu talogalay inay dalkan ka dhacaan bisha Juun, iyadoo haatan loo diyaargaroobayo bixinta kaadhadhka Cusub iyo ku dhaqanka natiijadii serverka diiwaangelinta arrimahaasoo la ogyahay sida xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ugasoo. horjeedeen ku dhaqankeeda, balse aakhirataankii shacbiga Somaliland, dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo adduunweynuhuba oggolaysiiyeen inay nidaamkaasi kaga qaybgalaan doorashooyinka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Rayaale ayaa dalka kusoo laaban doona iyagoo wax waliba dhammaadeen, hadduu ogoolaa iyo haddii uu diidanaaba waxayna isaga iyo xisbiyada mucaaradkuba iskugu iman doonaa ‘Maxaa inoo dan ah ” oo dalkan iyo dadkani kusii jiri doonaa, waxase la sugi doonaa marka la gaadho maalmaha ugu dambeeya ee doorashooyinka madaxtooyada, markaasoo ay soo bixi doonaan tallaabooyinka qarsoon ee ay xukuumadda Rayaale kaga qaybgeleyso ama ku burburinayso doorashooyinkaasi, durbana la hayo raad ka mid ah raadadka buruburinta doorashooyinka oo ay ku kacayaan taageerayaasha xisbigaasi.
Digaalenews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire