Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mercredi 19 mai 2010
Clinton oo hogaamin doona ololaha koobka aduunka
digaaleNews– Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Bill Clinton ayaa loo magacaabay inuu hogaamiyo gudiga ololaha u sameynaya dalka mareykanka gaar ahaan qabashada koobka aduunka ee 2018 ama 2022.
Clinton wuxuu ogolaaday inuu dalka mareykanka uu olole u sameeyo bilaha soo socda ka hore inta aan la gaarin go’aanka bisha December 2deeda ay gaarayaan 24-xubnood ee gudiga fulinta FIFA markaasoo lagu dhawaaqi doono dalka marti galinaya 2da tartan ee soo socota iyo cidii nasiibka u yeelan doonta.
Clinton wuxuu olole lagu caawinayo u sameeyay musiibadii 2007 ee tsunami ee ka dhacday badweynta Indian Ocean, iyo tii kale ee Hurricane Katrina ee 2005 iyo sidoo kale dhul gariirkii ka dhacay Haiti.
Clinton, wuxuu ahaa madaxweynihii Mareykanka markii dalka mareykanku uu qabanayay koobkii aduunka ee 1994tii, wuxuuna ku soo biiray ololahaan markii US ay gudbisay 3 maalin k a hore bookie musharaxnimada kaasoo ay FIFA ku siiyeen Zurich, Switzerland.
Australia, England, Russia iyo the United States ayaa waxey isku heystaan qabashada sanadaha 2018 ama 2022 koobka aduunka midkood.
Spain-Portugal iyo Netherlands-Belgium ayaa si wada jira ah u doonaya iney u wada qabtaan tartamadaasi midkood.
Japan, South Korea iyo Qatar ayaa waxey doonayaan oo kaliyaha tartanka 2022 kaliyaha.
digaalenews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire