Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 25 mai 2010

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee Ucid ayaa Shir ku Qabtay Waqooyiga London





London(DigaaleNews)- Xisbiga Daryeelka iyo Caddaalada ee UCID ayaa shalay 23/05/2010 shir ay ku soo dhawaynayeen xubno cusub oo ku soo biiray ku qabsaday Xaafadda Edmonton eek u taala waqooyiga London.


Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna soo qabanqaabiyee Maxamed Xasan Jafal iyo Cabdiraxmaan Qaalib waxa ugu horeyn aayado Qur’aan ah ku furay Siciid Yuusuf Meygaag Samatar oo ka mid ahaa xubnihii ku soo biiray xisbiga.


Waxa isna hadal dheer halkaa ka jeediyay Ibrahim Rashiid, Guddoomiya UCID ee UK. Wuxuuna Illaahay ka baryay doorasho fiican iyo isbedal khayr qaba. Waxa kale oo uu ammaan u soo jeediaya Komishanka Doorashooyinka oo ilaa hadda si fiican hawshoodii u wada. Wuxuu xubnahana cusub kula dardaarmay inay xisbiga taageero, maal, muruq iyo maskax ahba u huraan, wuxuuna qurba jooga kula dardaarmay inay doorshada uga qayb galaan si toos ah iyo si dadbanba, isagoo hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la xagga dhaqaalaha laga xoojiyo xisbiyada si ay u noqdaan kuwa waara oo aan sidii SNL baabi’in gaar ahaan Xisbiga UCID oo ay ku jirto badbaadada dalku.


Wuxuu sheegay in Dawlada maanta jirtaa ay tahay mid daashay, fikirkii iyo taladiina ka dhamaatay loona baahan yahay in la bedalo, Xisbiga Kulmiye-na aanu keeni karin

isbedalka loo baahan yahay maadaama ay ka buuxaan wasiiradii dawladihii hore iyo kuwii UDUB, hoggaanka xisbiguna uu wakhti dheer ku soo jiray siyaasada loona baahan yahay in la nasiyo. Waxa loo baahan yahay buu yidhi si loo helo isbedal dhab, jiil cusub, fakir cusub iyo siyaasad casri oo intaba laga helayo Xisbiga UCID.


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Siciid Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga ee Qaarada Yurub oo sheegay in xibiga UCID uu yahay xisbi had iyo jeer taageera dadka danyarta ah iyo ururada rayidka bulshada sida kuwa saxaafada, ardayda. Wuxuuna sheegay in UCID yahay xisbiga keli ah ee isbedal keeni kara sababtoo ah waa xisbigii dhalinta iyo jiilka cusub. Wuxuu kale oo uu soo dhaweeyay bayaankii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu soo saaray dhawaan ee ahaa in uu dalka ku xukumi doono Shareecada Islaamka oo ahaa go’aan geesinimo iyo iimaan leh wakhti ay siyaasiyiinteenu calmaaniyada ka boorbidaan diinta. Waxa kale oo uu sheegay in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa keliya ee si cad u yidhi “Illaahow igu guulee doorashada haddii aan ummada khayr u leeyahay haddii kalena qofkii khayr u leh ku guulee”


Rashiid Cali Maygaag Samatar oo loo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Waqooyiga London (North London) ayaa codsaday in Illaahay looga baryo inuu u fududeeyo xilka loo magacaabay.


Isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu yidhi “ Xibiga umaan soo gelin in adeerkay Cumar Maygaag Samatar (AHUN) uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga UCID balse ay I soo jiidatay xisbiga oo ah mid mar walba u taagan maslaxada iyo danta guud ee ummada iyo barnaamijka xisbiga oo aan aad ula dhacay iyo weliba Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe oo Somaliland-nimadu ka dhab tahay. Farduus Cismaas, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Gobolada Bariga oo dhawaan dalkii ka soo noqotay ayaa sheegtay in dalka xaalad adag ku jiro, gaar ahaan hooyooyinka iyo dhallaanka waxayna ku tilmaantay wax laga xummaado in wasiiradeena iyo carruurtoodu ay ku noolaadaan nolol laydhka, biyaha, tilifoonada iyo faakahaysi badani bilaash u yihiin halkan dadkii soo halgamay, iyo ubdakiina ay gaajo la il daran yihiin. Waxay tilmaantay in Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa keliya ee soo booqda kana war haya, xarrumaha agoomaha, bukaanka, suuqyada wadhatooyinka, waana shakhsi daacad ah oo runta sheega, afkiisa iyo uurkiisu is leeyihiin wakhti ay siyaasadu noqotay been sheeg. Waxa kale oo ka hadlay Maxamed Iidle iyo Baashe. Dr. Abokor Cige ayaana duco ku soo khatimay shirka.


Shirkii wuxu ku dhamaaday guul.



Allaa mahadleh


Xisbiga Caddaalada & Daryeelka (Welfare And Justice Party).

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire