Hargeysa(Digaalenews)- Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir jaraa´id ku qabtay Huteelka Imperial ee Magaalada Hargeysa,
halkaas oo uu kaga dhawaaqay wakhtiga uu bilaambayo ololaha doorashada Madaxtooyada.
WaxaanU shaaca ka qaaday in 3-da JuUne uu si rasmi ah u bilaabmi doono ololaha doorashada Madaxtooyada, isla markaana uu socon doona muddo sadex todobaad ah.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaanu maanta ku dhawaaqaynaa Komishan ahaan xiliga rasmi ahaan uu u bilaabmi doono olalaha doorashada Madaxtooyada waxaanu bilaabmi doonaa 3-da Bisha June oo ku beegan Maalin Khamiis ah waxaanu socon doonaa Muddo sadex Todobaad ah olaluhu wuxuu xidhmayaa maalin Arbaca ah oo ku beegan 23-ka Bisha June,waxaanu xisbi kastaa yeelan doonaa hal todobaad hase yeeshee maalmihiisa iskuma wada xigayaan.”
Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Maalinta koowaad waxa olalaha samaynaya xisbiga UDUB, maalinta ku xigtana xisbiga KULMIYE maalinta sadexaadna xisbiga UCID sidaasi ayuu u socon doonaa."
Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu u soo jeediyey Maayarada Magaalooyinka iyo Badhasaabada Gobolada inay xisbi walba maalintiisa u tix geliyaan, oo ay ka caawiyaan sidii ay olalahooda ugu qabsan lahaayeen fagaareyaasha.
Waxa kale oo uu Xisbiyada kula dardaarmay inay ku dhaqmaan oo tixgeliyaan jadwalka doorashada ee loo qaybiyey, isla markaana waxa uu faray xisbiyada in anaay Fagaareyaasha tagin oo aanay ku orinin xisbiga maalintaas u leh ololaha.
Waxa kale oo uu dadweynaha u soo jeediyey inay si nadaamsan oo bilaa tuxxaan ah uga qayb-qaataan ololaha, isla markaana maalinta doorshada ay si nabad-gelyo ah ku codeeyeen, isaga kula dardaarmay in aan qaadan kaadhadha codaynta inay qaataan, si ay uga qayb-qaataan doorashada.
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire