Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mardi 11 mai 2010
qdhaqaaq Ciidan oo laga dareemayo Laascaano.
Laascaano: (DigNews)- Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa laga dareemaya xiisad u dhaxeysa maleeshiyo beeleedyo, maleeshiyadani ayaa waxay ku sugan yihiin tuulada Dharkangeeya oo ilaa 80 KM koonfuurta ka xigta magalada Laascaanood.
Maleeshiya beeleedkaasi ayaa waxaa lagu soo waramaya in halkaasi lagu sii uruurinaayay maalmihii ugu dambeeyay, qaar ka mida ciidamada Somaliland ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedkaasi looga talagalay in khalkhal dhanka ammaanka ah wakhtiga ay bilawdaan doorashada madaxtooyada Somaliland.
Madaxda ciidamada maamulka Somaliland ee gobolka Sool ayaa sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan maleeshiya beeleedkaasi waxaana ay intaa ku dareen inay goor dhaw ku dhaqaaqi doonan sidii ay uga ka qaadi lahaayeen maleeshiyaadkaas.
Dadka ku dhaqan gobolka Sool ayaa dareemaya cabsi aad u badan iyago ka walwalsan in dagaal uu halkaasi ka qarxo islamaarkaan uu dagaalankani horseedo qax fara badan oo ku yimaada dadka ku dhaqan degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Digaale News
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire