Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mercredi 5 mai 2010
Yemen iyo maxakamadaynta Burcad badeeda.
Cadan-(Digaale News)- Maxkamad ayaa markii afaraad labo bilood gudahooda u qabatay mudo 15 casho kadib in la sii ambo qaado maxkamadeynta 13 burcad badeed Soomaali ah oo cadan ku xiran iyadoo xilligaasi maxkamada go’aankeeda lagu sheegay in la dhageysan doono hadalada burcad badeedu ay kaleeyihiin eeydeynta loo soo jeediayay ee lagala soo dhex baxay baaritaanadii xeer ilaalaaalintu kusameysay , waxaana 13 kamid ah labo baxsad ah oo aan dowlada Yemen weli gacanta ku dhigin .
Fadhigii maxkamadda oo galinkii dambe shalay qabsoomay ayaa waxaa sidoo kale lagu go’aamiyaya in xeer ilaalinta iyagu dacwada ka dhanka ah raggani soo gudbisay la siiyo fursad maxkamadda ay ku horkeenaan waxyaabaha kamid ah qalabkii la sheegay in raggaan eedeysan ay haysteen markii gacanta lagu soo dhigaayay taasi ilaa fadhigii talaada ahaa kala dhantaalnayd.
Garsooraha maxkamadda 13 kaan burcad badeed lasaaraayo ayaa horay ugu goodiyay in hadii maxkamada la horkeeni waayo qalabkii la sheegay in lagu soo qab qabtay dhalinyaradaa in go’aan dag dag ah qaadanayo sii deyntooda laakiin waxaa muuqata go;aankaasi uu fulin iyadoo fa dhigii sidaxaad wili lahaleeli la’yahay in hubkasi dhameystiran maxkamada lasoo hor dhogo,
Sidoo kale waxa maxkamada maanta damaanada ku sii deysay mid kamid ah eydeysanayaashasi soomaliyeed oo lagu magacaabo xareed maxamed cawad muuse oo isagu nasiib uyeeshay in cid damaanad qaadu ka helo gudaha magaalada cadan koonfurta dalka yaman halkaasi maxkamadeentooda ka socoto.
Xeer ilaalinta guud magaalada yaman ayaa fadhigaan uu daadaheyneyno qaadiga lagu magacabo maxamed axmed al abyad ku soo bandhigay cadeymo iyo qirasho muuqaal ah oo la sheegay in laga duubay iyaga oo hubkooda sita marka lasoo qab qabtay waxaana filimkaasi sida lasoo hadal qaaday bur cad badeeda ka qaaday piliiska ilaalada xeebaha dalka yaman oo iyaga soo qab qabtay.
Waxaa xeer ilaalinta guud usuurta gashay in horkeento fadhiga maanta hub sheegtay in uu ka mid yahay kuwii aydeysanayaashaasi lagu soo qabtay oo isugu jiray baasuukayaal aakayaal iyo rasaas faro badan oo keyd ahaan usiteen , in kastoo raga la heysto beeniyeen arinkaasi
Maxkamada ayaa bilaawday horaantii bishii febraayo maxkamadeenta 13kaan burcad badeed oo la sheegay markii lasoo qab qabanaaye ay xoog ku heysteen doon laga leeyahay dalka yaman oo ay u adeegsanayeen gaadiid ay kuraad guraan maraakiibta doonyaha ku socdaala biyaha gobolka waxa ilaalada bada yaman soo qabteen 12 bishoo oktobar iyagoo sanadkii horay iyagoo kusugan marinka baabu mandab ee u dhaxeeya Jabuutio iyo Yemen.
Dhinaca kale isla maxakamaddaasi gobolka Cadan ayaa sidoo kale dib u dhigtay maxakamadaynta todobo ruux oo Soomaaliya oo iyaguna ku eedaysan falalka burcad badeenimad iyadoo arintani ay ka dambeysay kadib markii eedaysanayaasha Soomaalida ah codsadeen in loo keeno qareeno iyaga daafaca.
Waxaana todobadan eedaysane soo qabtay ciidamada ilaalada badda Yemen iyagoo lagu sheegay iney ku gudo jireen hawlgalada afduubka maraakiibta.
Digaale News
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire