Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
samedi 8 mai 2010
Mudanayaal Golaha Wakiillada Ka Tirsan Oo Laga Soo Doortay Gobolada Toogdheer Iyo Sanaag Oo Xukuumadda Iyo UDUB Ku Eedeeyey Inay Ka Dambeeyeen Rabshad
Waxaannu ognahay inay Xukuumaddu Hargeysa ka dirtay Baabuur Baanka Hargeysa lacag lagaga raray oo baabuurka la garanayo, ninka loo dhiibay lacagta iyo xaddigeedaba la garanayo, oo loogu talagalay in khaakhuul iyo rabshado intaa ka ballaadhan lagu abuuro, si doorashada khalkhal loo galiyo.” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan.
Hargeysa(Digaalenews) May 08, 2010 - Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan Xildhibaannada laga soo doortay Gobollada Togdheer iyo Sanaag, ayaa maanta si adag uga hadlay rabshado shalay ka dhacay Magaalada Ceerigaabo oo dad ku dhintay dadna ku dhaawacmay ka dib markii iska horimaad gacan ka hadal ahi halkaa ku dhexmaray taageerayaasha Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE. Taasoo ay Xildhibaannadu ku eedeeyeyeen Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xildhibaan Cali Xasan (Cali-Marreexaan), Xildhibaan Bukhaari, Xildhibaan Duur, Xildhibaan Dhaadheere iyo xubno kale, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxay ugu horreyn tacsi u direen ehelada hal qof oo ku dhintay rabshadda shalay ceerigaabo ka dhacday iyo dadka ku dhaawacmay.
Guud ahaanba Xildhibaannadaasi waxay si isku mid ah Xukuumada iyo Xisbigeeda UDUB ugu eedeeyeen inay ka dambeeyeen iska horimaadka shalay oo jimce ahaa ka dhacay magaalada Ceerigaabo ay ka dambeeyeen, isla markaana ay Xukuumaddu kharash badan ku bixisay sidii qas loo samayn lahaa, maadaamoo doorashadii wax yari ka hadhsan tahay, iyaga oo ku sababeeyey kalsooni-darro iyo taageera la’aan soo waajahday inay sidaas u samaynayaa.
“Waxani waa Mashruuc ay Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB wadaan, waxba innooma kala qarsoona, waxaannu ognahay inay xukuumadda iyo xisbigeedu si buuxda uga dambeeyeen dhibaatada shalay Ceerigaabo ka dhacday iyo dhagax-tuurkii Burco lagu dhagax-tuuray Weftiga Gaboose hoggaaminayo ee KULMIYE. Waxaannu ognahay inay Xukuumaddu Hargeysa ka dirtay Baabuur Baanka Hargeysa lacag lagaga raray oo baabuurka la garanayo, ninka loo dhiibay lacagta iyo xaddigeedaba la garanayo, oo loogu talagalay in khaakhuul iyo rabshado intaa ka ballaadhan lagu abuuro, si doorashada khalkhal loo galiyo.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan oo ka mid ahaa Xildhibaannada shirkaa jaraa’id ka hadlay.
Waxaanu Mudane Cartan intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa dhibaatada intaa le’eg ee illaa dilka maraysa lagu abuurayaa waa cashuurtii dadweynaha ee ay ahayd in wax loogu qabto bulshada dayacan ee danyarta ah. Ceerigaabo bishii labaad baan ka imi ee sannadkan, Cusbitaalka guud ee magaaladaasi madaw buu ahaa, may awoodi kari waayin inay dawladdu laydhka u shiddo, lacagtii dalka iyo dadka waxba loogu qaban waayay ayaa la doonayaa in dagaal lagu abuuro oo dadkii laysku diro. Taas macneheedu waxa weeye Diyaaraddii Hargeysa ka kacaysay ee haddana Hargeysa duqaynaysay.”
Dhammaan Xildhibaannada magacyadoodu kor ku xusan yihiin oo si mid mid ah Shirkaa jaraa’id uga hadlay, ayaa guud ahaanba si isku mid ah uga hadlay arrintaas, isla markaana waxay isku raaceen in rabshaddaa shalay ka dhacday Ceerigaabo ay si cad dabada uga riixayeen, dhalinyarana soo abaabuleen, doonayeenna in dhibaato intaa ka badani dhacaan.
Dhinaca kale waxay bulshada reer Somaliland u soo jeediyeen inay nabadgalyadooda ilaashadaan, kana dheeraadaan wixii dhibaato abuuraya. Dhiigoodana u daadin saddexda Xisbi midna. Waxay sheegeen in Xisbi cidda u hiilinaysaa ugu hiiliso codkooda, balse aanay dhiigooda ugu hiilin. Waxay tilmaameen in loo baahanyahay in maanta dalka isbedal ka dhaco, ciddii isbedalkaa danaynaysaana codkoodda ciday jecelyihiin siiyaan, cidii kalena ay u furan tay rabitaankooda, laakiin aan loo baahnayn in dhibaato iyo nabadgalyo-darro la samaynin. Waxay xukuumadda ku tilmaameen inay siddeed sano dalka ka talinaysay, isla markaana kasban kari wayday maanta bulshadii, sidaa daraadeedna ay doonayso inay maantana ka ganacsato dhiiga Shicibka.
Digaale news Deska
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire