Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

jeudi 20 mai 2010

Beddeelaada Kaadhadhka oo la soo Gunaanaday iyo Beratanka Wufuuda Xukuumada iyo Mucaaridka


Wasiiro iyo masuuliyiin UDUBaysan oo lacago loo xambaariyey oo iib ku raadinaya kaadhadhka codaynta iyo ujeedooyinka qarsoon ee ka dambeeya




“Si fiican bay hawshii diiwaangelintu u dhammaatay, dadkuna si nabadgelyo ah ayey gaadhadhkooda u qaateen, runtiina aad baan ugu mahadnaqayaa dadweynaha reer Somaliland”


Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka




Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Ciise Xamari), ayaa daboolka ka qaaday in wejigii 1aad ee hawsha beddelaada kaadhadhka cusub oo muddo toddoba maalmood ah dalka socotay la soo gunaanaday maqribnimadii xalay, balse ay hadhsan yihiin tobankii maalmood ee dheeraadka ahaa oo beddelaada kaadhadhku ka sii socon doonto xarumaha degmooyinka.


Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Ciise Xamari oo xalay Jamhuuriya xogwaran kooban ka siiyey qaabka ay hawsha beddelaada kaadhadhku u soo gabagabowday, ayaa caddeeyey in wejiga hore ee hawsha diiwaangelinta oo socotay muddo toddoba maalmood ahi uu si fiican oo guul ah ku soo gabagaboobay, isla markaana ay dadweynuhu si nabadgelyo ah kaadhadhkooda u qaateen.


“Si fiican bay hawshii diiwaangelintu u dhammaatay, dadkuna si nabadgelyo ah ayey gaadhadhkooda u qaateen, runtiina aad baan ugu mahadnaqayaa dadweynaha reer Somaliland ee sida wadaniyadu ku dheehan tahay ugu soo dareeray beddelaada kaadhadhka cusub ee doorashada lagu geliyo, toddobadii maalmood ee loogu tallogalay hawsha beddelaada kaadhadhku si fiican bay u soo gabagabowday, haddana waxa la guddo gelayaa mudadii dheeraadka ahayd oo toban maalmood ah, waxaana kaadhadhka laga qaadanayaa degmooyinkii hore ee 21-ka ahaa ee hore dadku isaga diiwaangeliyeen, waxaanan rajaynaynaa in maalmaha dheeraadka ah inta aan nasiibka u helin ay qaadan doonaan kaadhadhka cusub,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.


Goobo badan oo hawsha beddellaadda kaadhadhka cusubi ka socotay, ayaa markii fiidnimadii xalay la soo xidhay hayey kaadhadh badan oo aanay qaadan dadkii loogu talo galay, halka goobo badan oo kalena tiradii ugu badnayd ka qaateen kaadhadhka cusub.


Guddoomiyaha Komishanka oo aanu wayediinay tirada dadka qaatay qaadhadhka cusub, ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrintaa, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay in dadku si nabadgelyo u qaateen kaadhadhkooda mudadii hawshu socotay, isla markaana uu rajaynayo in mudada dheeraadka ah ee tobanka maalmood ahna dadku sidaasi oo kale u qaadan doonaan kaadhadhkooda.


Dhinaca kale, waxa gobollada kala duwan ee Somaliland u kala dareeray wufuud badan oo kala socda xukuumadda UDUB iyo xisbiyada mucaaridka ah, kuwaasi oo mudadii hawsha beddelaada kaadhadhka cusubi socotay dadweyna si yaabo kala duwan ugu wacyigelinayey, iyada oo masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku dadka u sheegayeen inay si fiican u qaataan kaadhadhka codaynta, halka la sheegay in wasiirada iyo masuuliyiinta UDUB iyaguna dhinacooda dadka kula dhex wareegayeen khalkhalinta hawasha beddellaadda kaadhadhka, ilsa markaana ay dadka ku wacyigelinayeen inay ka iibsadaan doonaan hadba inta kaadh ee qof waliba soo qaato.


Waxa xogo Jamhuuriya helay sheegayaan in durba wasiirada iyo xubnaha UDUB oo lacago xad dhaaf ah loo sii xambaariyey ay deegaannada kala duwan ee dalka ka urursadeen kaadhadh badan oo la sheegay inay ka iibsadeen dadkii lahaa, kuwaasi oo ay doonayaan inay ku khalkhaliyaan maalinta codaynta doorashada ama waqtiyada ka horeeya si ay u fashiliyaan hawsha dedaalka iyo maalka badani ku baxay ee beddelaada kaadhadhka cusub, iyaga oo dhinaca kalena xalay oo dhan u xusul duubnaa sidii ay lacag ugu beddelan lahaayeen kaadhadhka soo hadhay, balse ay isku daygaasi ku hungoobeen, kadib markii hawlwadeennada goobaha joogay ku gacan saydheen dalabka xisbiga UDUB.


Waxa kaloo ilahaasi xuseen in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku fashilmeen qorshe ay ku damacsanaayeen inay ku iibsadaan kaadhadhka baaqiga ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha goobo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah, iyadoo sida wararku sheegeen saraakiil ka tirsan xisbul-xaakimku telefoon kula xidhiidheen hawlwadeennada Komishanka ee gacanta ku hayey beddelka kaadhadhka, kana codsadeen inay ka iibiyaan kaadhadhka la waayey dadkii lahaa.


Qaar ka mid ah hawlwadeennada Komishanka Doorashooyinka ee ka shaqaynayey hawshada beddelka kaadhadhka cusub oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, ayaa Jamhuuriya u caddeeyey inay la soo xidhiidheen madax ka tirsan xisbiga UDUB, isla markaana ka dalbadeen in ay ka iibiyaan kaadhadhka soo hadhay, kuwaas oo goobaha qaarkood ku baayacay lacag gaadhaysa $1500 doollar inay ka siiyaan kaadhadhka soo hadhay ee aan weli la qaadan, halka goobo kale shaqaalihii ka socday Wasaaradda Arrimaha Guduhu dalbadeen in la siiyo kala badh kaadhadhka soo hadhay haddii kale ay qas ka abuurayaan, arrintaas oo meelaha qaarkood ka dhalisay buuq iyo dagaal markii dambe ay dhaxgaleen boolisku. Sidoo kale waxa jira goobo la isku dayey in la boobo kaadhadhkii soo hadhay oo loo adeegsaday qaar ka mid ah shaqaalihii ka shaqaynayey iyo dhallinyaro dibada lagaga keenay. Haseyeeshee badi isku isku dayadaas ayaa xisbiga UDUB kala kulmeen guuldarro aanay waxba uga hirgelin, kadib markii hawlwadeennada doorashooyinku si cad u diideen dalabkooda, isla markaana meelaha qaar boolisku ka hawlgaleen.


Dhinaca kale, wararka ka imanaya gobollada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal ayaa sheegay inuu degaannadaas shalay ka bilaabmay guluf ballaadhan oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku ugaadhsanayaan kaadhadhka hadhaadhaga ah ee codbixiyeyaasha, iyadoo la sheegay in dhammaadkii hawsha kaadhadh-beddelka lagu soo afjaray qorshe qarsoodi ah oo xisbiga UDUB kaadhadhka dadka la waayey ku qaadanayo magacyo aan sax ahayn oo sifo aan sharciga waafaqsanayn loogu urursanayo kaadhadhka aan la qaadan.


Deegaannada Goblka Hargeysa iyo gobolada dhinaca galbeedka Somaliland, ayaa waxa isaga daba baxay masuuliyiin ka socda mucaaridka iyo wasiiro xukuumadda ka tirsan oo mid waliba u jihaystay deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, kuwaasi oo mudadii hawsha beddellaadda kaadhadhka cusubi socdeen soo maray gobolada Awdal, Selel, Hargeysa, Gobolka Hawd iyo Gabiley, iyada oo masuuliyiintaasi wacyigelino kala duwan oo ku saabsan beddellaadda kaadhadhka siinayeen dadweynaha ay kula kulmeen deegaannada ay booqdeen.


Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxa gaadhay wasiirrada xukuumadda iyo xildhibaannada Wakiillada ee ka soo jeeda deeganka Togdheer, kuwaasoo muhiimaddoodu la xidhiidho sidii ay bulshada gobolka ugu baraarujin lahaaheen qaadashada kaadhadhka cusub, isla markaana barbar socoto olole uu dhinac waliba taageero ugu raadinayo xisbigiisa.


Xubnaha ku soo qulqulay ee ka kala socda xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah, ayaan socodkoodu ku koobnayn gudaha magaalada Burco, balse u kala baxay degmooyinka iyo tuulooyinka kuwaasoo kulamo la yeelanaya dadweynaha deegaamadooda, waxaanna wasiir kasta iyo xildhibaan kasta u kicitimay deegaankii uu ka soo jeeday.


Xubnaha xukuumadda ee ilaa hadda soo gaadhay gobolka Togdheer, waxa ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda, Hawlaha guud, Warshadaha, Madaxtooyada, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, dhanka xildhibaannada waxaa maraya xildhibaannada seddexda xisbi qaran ee laga soo doortay gobolka Togdheer.


Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, iyo Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, ayaa safar ugu baxay jiidaha galbeed ee magaalada Burco, halka dhinaca bariga ay u baxen wasiirrada Madaxtooyada, Warshadaha, Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha.


Sidoo kale, waxa waftigan wasiirrada ah barbar socda xildhibaannada xisbiyada mucaaradka ee ay isku haybta yihiin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) oo isagu maalmahanba wafti uu horkacayo ku wareegayey deegaanka Odweyne. Dhinaca bariga waxa wasiirrada xukuumadda barbar socda Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Mareexaan).


Socdaalladan waftiyadan kala duwan ee ku wareegaya deegaanka Togdheer iyo Oodweyne oo dhammaantoodba ka soo jeeda deegaamadaas ayaanu jirin mid kaliya oo reerkiisa iyo carruurtiisa ay deggan yihiin halkaas, midkastaana markii la doortay uu u hayaamay dhinaca caasimadda Hargaysa.


Bulshada deegaamadaas ayaan si weyn ula socon waftiyadan, hase yeeshee ku mashquulsanaa hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta, inkastoo ay muuqatay gaabis weyn oo ka jira dhinaca qaadashada kaadhadhka mudadii toddobada maalmood ahayd ee hawshaasi socotay.


Waftiyadan xukuumadda ee tirada badan ayaa aalaaba marka la gaadho waqtiyada doorashad yimaadda gobollada ay ka soo jeedaan, taasoo la sheego in Madaxweynuhu ku amro inuu mid kastaaba taageero ka raadiyo beeshiisii. Sidoo kale gobollada Sool iyo Sanaag ayaa iyagana waxa gaadhay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka socda xisbiyada mucaaridka ah.


Marka la isku soo wada xooriyo muhiimadda safaradan ee xukuumadda iyo mucaaridka ayaa ah mid ay ugu tartamayaan sidii mid waliba taageerayaashiisa u noqon lahaayeen kuwa ku guulaysta qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta si uu ugu guulaysto doorashada madaxtooyada ee maalmaha koobani ka hadheen.


Waxa kale oo muuqata in ay si wayn u soo baxday inay wali jiraan ku noqnoqoshadii iyo laba jeer qaadashadii kaadhadhka ayna soo baxeen dad haysta kaadhadh badan, taasoo ay bulshadu ku micneeyeen in la beddellay Komishankii hore, balse sever-kii kale shaandhaynta aanay waxba iska beddellin.


Dhinaca kalena, waxa gobolada Sanaag iyo Sool u booqasho ku tagay masuuliyiinta xukuumadda ee deegaannadaasi ka soo jeeda iyo qaar ka socday xisbiyada mucaaridka, kuwaasi oo mudadii hawasha qaadashada kaadhadhka cusubi socotay dadka ku wacyigelinayey inay si fiican oo nabadgelyo leh u qaataan kaadhadhka ay ku codaynayaaa waqtiga doorashada madaxtooyada ee 26 June.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire