Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
mardi 11 mai 2010
U diyaar garoga iyo isu diyaarinta doorashada madax weynaha ayaa meesha ka saartay isu diyaarinta maalinta weyn ee ee 18may
Burco (digaalenews)Maalinta 18 may ayaa ah maalin weyn oo qalali ku ah dhamaanba dadka reer Somaliland, maalintan oo ah malintii somlailand oo loo yaqaanay gobolada waqooyiga somlaliya gooni isu tageeda dib ugala soo laabatay soomlaiya inteeda kale , iyadoo halagan dheer loo galay qatayna sanado badan kadib magaalada Burco dhismahan aan hor taaganahay oo muuqda mid burbursan lagaga dhawaaqay 18/may/1991 in ay Somaliland tahay dawlad madax banaan.
Intii kadan beysay maalintaasi ayaa waxaa sanad kasata bisha may 18 keeda lagu maamusa qiimaha maalintaasi leedahay xaflado kala duwan oo lagu qabto dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, xafladahan ayaa la isu diraayirin jiray inta ka horeysaa maalintan aadna looga dareemi jiray diyaar garowgeeda guud ahaanba dalka.
Balse sanad kan ayaa la odhan kara waxaa ka muuqda habacsanaan badan . yadoo diyaar garowdaaye dadka qaar ay kaba shaki qabaan in la xuso maalintaas iyo inkale, yago ku sababeynaya xaalada maanta dalku ku sugan yahay oo ah mid aad loogu mashquulsan yahay laguna howlan yahay habkii loo qeybin lahaa kaadhadhka codbixinta ee doorashada madax weynaha oo la filaayo inay bisha lixaad qabsoonto sida kumishanka qaranku shaaciyey .
Sidaasi awgeed ayaa dhamaanba asxaabta qaranka iyo xukumaduba ay isu diyaarinayaan sidii ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen doorashada, wallow u madax weynihii jamhuuriyada Somaliland oo bisha may bilow geeda magacaabi jray gudi qaban qaabo u dalka ka maqan yahay mudo aad u raina ay ka hadhay dabaal daga maalinta qaranimada s/land taasin ay muuqato in maqnaashiyihiisu ka mid noqon karo wax yaabaha hadheyey malintaasi .
Dhamaanba goobaha ay bulshadu isugu imadaan waxkhtiga ay firaaqada leeyihiin ee loo yaqaan fadhi ku dirirka sida maqaaxiya laga shaaheeyo ayaa intooda badan markaa aad u fiirsato hadal heynta ugu badan ee lagu heyaa tahay arrinka doorashooyinka , rabshadihii dhawaan dhex maray tageerayaasha xisbiyada qaar, iyo maqnaanshaha madax weynaha taasina ay meesha ka saartay hadal heynta 18ka may,
Sanadkan ayaa sida la sheegay dawladaha caala miga ee daneeya arrimaha Somaliland isha ku hayaan sida ay u qabsoonto doorashada fooda inagu soo heysa, taasina ay keentay inay noqoto culeys labaad meshana ka saaray in isu diyaarinta maalinta weyn .
Sikastaba ha ahaate maalintan qaranimada Somaliland ayaa ah maalin la wada lee ayahay wax kasta oo lagu kala qeyb san yahay haday tahay dhanka siyaasada iyo dhanka afkaartaba mudana tahay maalintani in mar walba maanka lagu hayo qiimaha iyo qaayaha ay leedahay, xuskeedana si wadajir ah looga wada qeyb qaato.
Balse is weydiintu waxay tahay Hada xukumadi ka gaabisay qaban qabaadi iyo udiyaar garowgii 18ka may ee qaranamida Somaliland halakay ku ilaabeen asxaabti qaranku ma waxay ka doorbideen sacabka iyo durbaanda loo tumayo ee olola doorashada , bal aan dhoowrno marka la gadho 18may oo ay ka hadhsanatay mudo todobaadi ,
Faalo Maxamed Tiriig
Burco
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire