Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
jeudi 13 mai 2010
27 qof oo soomali Tahriibayaal iyo Ajaanib kale oo lagu qabtay Xadka u dhexeeya Yemen Iyo Sacuudiga
Sanca:(DigNews)-Ciidamada ammaanka ee Yemen, ayaa shaaciyey in ay qabteen kooxo Soomaali iyo ajnabi iskugu jiray oo doonayay in ay dhinaca sacuudiga ugu gudbaan xadka labada dal u dhaxeeya.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Yemen, ayaa sheegay in dadkaan Soomaalida tahriibayaasha ah ay caawinayeen dad kale oo Yemaniyiin ah oo ku howlanaa sidii dadka Soomaalida ah ay ugu tillaabin lahaayeen xadka.
Tirada Tahriibayaasha Soomaalida ah ee la soo qabqabtay, ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 27 qof oo rag iyo dumar iskugu jira.
Dadkaan Tahriibayaasha Soomaalida ah, ayaa la sheegay in dib loogu celin doono xerada qaxootiga ee Al-kharas, halka 3 qof oo u kala dhashay Itoobiya iyo Eritrea ciqaab kadib loo masaafurin doono dalalkooda.
Dowladda Yemen ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo joojin lahaa tahriibayaasha Soomaalida u badan ee iskaga kala gudba xadka ay wadaagaan Yemen iyo Sacuudiga, halkaasoo la sheegay in sanad walba ay ka gudbaan tahriibayaal boqolaal ah.
DigNews
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire