Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

lundi 17 mai 2010

Shabaab oo ku baaqay in kismaayo la difaaco



Kismaayo:DigNews-Horjoogayaal ka tirsan kooxda ALshabaab oo ka mid ahaa Afhayeenkooda Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa la sheegay in ay gareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Socdaalkaan ay kooxda Alshabaab ku tageen Kismaayo ayaa ka danbeyay markii Maamulka Shabaab ee jubbooyinka ay sheegeen in ay culeysyo badan ay ka soo wajaheen deegaano ku yaala galbeedka gobolka jubbada hoose, iyo waliba deegaano xaga xadka,

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo saxaafadda kula hadlay kismaayo ayaa sheegay in kismaayo ay tahay meesha ugu badan ee ay kooxda Al shabaab ka helaan dhaqaalaha, waxeyna shacabka ku dhaqan Kismaayo ay ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan difaaca gobolka. Isla markaana ay hortagaan kooxaha iska soo abaabulaya gudaha dalka kenya,

Tagitaanka horjoogayaasha Al-shabaab ee Kismaayo ayaa timid xilli ay ururo xagga deegaanka ah ay sheegeen in ay dagaalo ku qaadayaan maamulka magaaladaasi.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire