Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan
lundi 31 mai 2010
12 Jir Foodhi U Gaar Ah Ku Maamula 30 Shimbirood Iyagoo Hawada Ku Jira Codkiisa Maqlaan Garbhiisai
Hargeysa (Digaalenews)- Cabdi Shakuur Jaamac Nuux oo ah arday wax ka barta dugsiyada dhexe, waxa uu ku nool yahay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa.
C/shakuur oo da’diisu tahay 12 jir ayaa waxa uu dhaqdaa shimbiraha nooca xamaamka, isla markaana uu xanaaneeyaa isagoo tababar gaar ah siiyay in ku dhow 30 shimbirood oo xataa iyaga oo hawada dabaalanaya uu foodhi isaga u gaar ah ugu yeedho kaddibna markay maqlaan dhamaan si deg dega dhulka ugu soo degaan, iyaga oo garbihiisa iyo hareerihiisa soo wada fadhiista.
digaaleNews
Weriyayaal ka tirsan Haatuf oo shalay booqday goobta uu shimbiraha ku xanaaneeyo C/shakuur, ayaa sheegay in hiwaayadiisa koowaad tahay dhaqashada shimbiraha isla markaana saaxiib la yihiin, kuna tababaray foodhi isaga u gaar ah.
C/ shakuur waxa uu intaa ku daray in shimbirihiisu marka ay duulimaadka ku jiraan u soo dabaan shimbiro kale, taas oo kuwa cusub ee shimbirihiisa soo raaca uu iibiyo si uu nolol maalmeedkooda ugu soo iibiyo raashinka midhaha ah ee ay quutaan.
C/shakuur oo arrimahaasi ka waramaya waxa uu yidhi “ dhaqashada shimbiruhu waa hiwaayadayda koowaad, saaxiib baanu nahay, waxa xerada iigu jira 30 shimbirood oo isugu jira lab iyo dhedig, waxay haystaan dhashoodii yar yareyd, mar waxa haya oo ilaaliya labka, marna dhediga, waxan ku tababaray foodhi aniga ii gaar ah oo iyagoo duulimaad hawada dabaalanaya marka aan u baaqo, si deg deg ah ayay agteyda u soo fadhiistaan, waxa i gala shaqeeya xanaaneynta shimbiraha saaxiibkay C/salaam Shiine oo aanu isku da’a nahay”. Ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu C/shakuur intaa ku daray “ shimbiraha nolol maalmeedkooda iyo dhaqaaleyntooda waxan ka helaa markay hawada ku jiraan waxa soo raaca shimbiro kale, kuwaas ayaan iibiyaa oo ilaa xabadii $5 (shan Dollar) la igaga iibsado, raashinka waxan u keenaa, hadhuudh, galley, bariis iyo biyo. Dadka qaar baa igu yidhaahda, maxaad shimbiraha ku falaysaa xanuuno ayaa laga qaadaa, kuwaa sheekadooda kama dhageysto, shimbirahayga waan xanaaneeyaa oo tababaraa, sidaa darteed waxan hay’daha dawlada iyo kuwa caalamiga ahba ka codsanayaa in hawshaasi la iga caawiyo oo wax la igala qabto daryeelka shimbiraha iyo caafimaadkoodaba, dadweynaha waxan kula talinayaa, gaar ahaan da’yarta, inay daryeelaan shimbiraha, waayo waa quruxdii dhulka, aad baan u mabsuudaa markay hareerahayga duul duulayaan shimbiruhu ee badhna garbahayga saaran yihiin qaar kalena hortayda ku ciyaarayaan”.
C/shakuur ayaa shimbirihiisa waxa uu hoy uga dhigay guri ka sameysan jiingad iyo loox, waxanu aad ugu faraxsan yahay dhaqashada shimbiraha, hase ahaatee waxa uu u baahan yahay in laga caawiyo siddii hoy, cunto iyo daryeel caafimaad ay u heli lahaayeen shimbiraha uu dhaqayo.
Inscription à :
Publier les commentaires (Atom)
Aucun commentaire:
Enregistrer un commentaire