Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

vendredi 7 mai 2010

Britain: Doorashooyinka oo aanan weli lagu kala bixin.




David Cameron, Hogaamiyaha xisbiga Conservativeka.Doorashooyinka ee dalka Britain ayaa noqday kuwo aysan xisbiyada si dhameystiran ugu kala bixin awoodda Baarlamaanka Britain, iyadoo weli ay dhimman yihiin degmooyinka qaar.

London: Digaale News- Xisbiga mucaaradka ee conservative ee uu hogaamiyo David Cameroon ayaa u muuqdo mid guulo badan ka helay doorashadani kadib markii ay deegaano badan kaga guuleysteen axsaabta kale, haddana wali waxaa la saadaalinayaa in baarlamaanka Britain uu sanadkani noqon doono mid awoodiisu aysan si gaara u haysan mid kamida axsaabta siyaasadeed ee dalkaasi, iyadoo tani ay noqonayso mid aan waligeed ka dhacin Baarlamaanka Britain tan iyo sanadkii 1974.

Guud ahaanba 650 kuraasta baarlamaanka Britain 291 kursi oo kamida waxaa ku guuleystay xisbiga mucaaradka ee Conservativeka.

Inkasto xisbiga Qunyar socodku ay heleen kuraas ka badan kuraasta ay haystaan xisbiyada Shaqaalaha iyo xisbiga Afkaarta furfuran ee Dimuquraadiga haddana golaha baarlaamaanka Britain sanadkani waxa uu u muuqdaa golle aysan aqlabiyadiisa heysan sadexda xisbi ee ugu waaweyn Britain.

Inkastoo kuraas aanan badnayn oo kamida kuraasta loogu tartamayo golaha Baarlamaanka wadanka Britian aan weli qaarkood lagu dhawaaqin haddana waxaa muuqata in xisbiga talada haya ee shaqaalaha ee uu hogaamiyo RW Gordon Brown ay heleen ilaa iyo 251 kursi, halka xisbiga Liberal Democrats uu ku guuleystay ilaa 52 kursi, iyadoo ay soo bixi karaa kuraas intaasi ka badan maadaam degmooyinka qaar weli aanan la soo sheegin cidda ku guulaystay.

Degmada Cambridge oo ahayd meelaha ay sida aadka ah ugu loolamen xisbiyada Liberal Democratska iyo xisbiga Labourka ayaa waxaa markii labaad doorashada ku guuleystay xisbiga liberal Democtartska ee uu hogaamiyo Nick clegg, iyagoo kaga adkaaday musharixii xisbiga Shaqaalaha.

Degmooyin ayaanan weli lagu dhawaaqin cidda ku guulaysatay, haddana 621 degmo ee codkooda la tiriyay 291 kamida waxaa ku guulaystay xisbiga mucaardka ee Conservativeka, Xisbiga talada haya ee shaqaaluhu waxa uu helay 251 kursi, halka xisbiga Liberal Democtratska uu klu guulaystay ilaa iyo 52 kursi.

Inkastoo xisbiga Conservative uu ku guulaystay deegaano badan haddana muuqato inuu ku guulaysan karo 326 kursi oo looga baahnaa si uu ugu guulaysto awooda baarlamaanka Britain.

Margaret Hodge oo ah wasiiradda Dalxiiska iyo Dhaqan ee Britain kana mid ahayd musharixiinta u loolamayay xisbiga talada haya ee shaqaalaha ayaa ku guulaysatay degmada bariga London ee Barking iyadoo si aada degmadaasi kaga adkaatay xisbiga midigta Fog ee BNP.

Margaret Hodge ayaa xisbiga Labourka u xaqiijisay kursiga degmadaasi oo ay haysteen tan iyo sanadkii 1945.


Westminster, Baarlamanka Britain
Waxaa sanadkaan Westminister la saadaalinayaa iney marti galiso baarlamaan uusan xisbina ku sareyn haddana waxay xaaladdu u muuqataa iney jirto rajo muujinaysa inuu David Cameron noqon karo Raysal wasaaraha dalka Britain.

Doorashadani ayaa waxay guud ahaanba gobolada wadanka Britain ka bilaabaty Khamiistii shalay ahayd iyadoo Soomaalida badan ay ka qeyb qaadaty codbixinta dalkaasi, haddana waxaa jirey qaar kale oo aanan usoo bixin goobaha codbixinta dalkaasi inkastoo culimada Soomaalida ee ku nool wadankaasi ay xaqiijiyeen ineysan dhibaato ku jirin hadiiba laga qeyb qaatop codbixintaasi.

Digaale News. Desk

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire