Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mercredi 19 mai 2010

Beratanka Waftiyada Xukuumada iyo Mucaaridka oo ku Qulqulaya Togdheer..Warbixin

Burco (Dignews)- Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waxa ku soo qulqulaya wasiirrada xukuumadda iyo xildhibaannada Wakiillada ee ka soo jeeda deeganka Togdheer,



kuwaasoo muhiimaddoodu la xidhiidho sidii ay bulshada gobolka ugu baraarujin lahaaheen qaadashada kaadhadhka cusub, isla markaana barbar socoto olole uu dhinac waliba taageero ugu raadinayo xisbigiisa.

Xubnaha ku soo qulqulay ee ka kala socda xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah, ayaan socodkoodu ku koobnayn gudaha magaalada Burco, balse u kala baxay degmooyinka iyo tuulooyinka kuwaasoo kulamo la yeelanaya dadweynaha deegaamadooda, waxaanna wasiir kasta iyo xildhibaan kasta u kicitimay deegaankii uu ka soo jeeday.

Xubnaha xukuumadda ee ilaa hadda soo gaadhay Gobolka Togdheer, waxa ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda, Hawlaha guud, Warshadaha, Madaxtooyada, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, dhanka xildhibaannada waxaa maraya xildhibaannada seddexda xisbi qaran ee laga soo doortay gobolka Togdheer.

Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, iyo Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga, ayaa safar ugu baxay jiidaha galbeed ee magaalada Burco, halka dhinaca bariga ay u baxen wasiirrada Madaxtooyada, Warshadaha, Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Biyaha.

Sidoo kale, waxa waftigan wasiirrada ah barbar socda xildhibaannada xisbiyada mucaaradka ee ay isku haybta yihiin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) oo isagu maalmahanba wafti uu horkacayo ku wareegayey deegaanka Odweyne. Dhinaca bariga waxa wasiirrada xukuumadda barbar socda Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Mareexaan).

Socdaalladan waftiyadan kala duwan ee ku wareegaya deegaanka Togdheer iyo Oodweyne oo dhammaantoodba ka soo jeeda deegaamadaas ayaanu jirin mid kaliya oo reerkiisa iyo carruurtiisa ay deggan yihiin halkaas, iyada oo midkastaaba markii la doortay uu u hayaamay dhinaca caasimadda Hargeysa.

Bulshada deegaamadaas ayaan si weyn ula socon waftiyadan, hase yeeshee ku mashquulsan qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta, inkastoo ay muuqato gaabis weyn oo ka jira dhinaca qaadashada kaadhadhka.

Waftiyada xukuumadda ee tirada badan, ayaa aalaaba marka la gaadho waqtiyada doorashada yimaadda gobollada ay ka soo jeedaan, taasoo la sheego in Madaxweynuhu ku amro inuu mid kastaaba taageero ka raadiyo beeshiisii. Sidoo kale Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa iyagana waxa gaadhay wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka socda xisbiyada mucaaridka ah.

Marka la isku soo wada xooriyo muhiimadda safaradan ee xukuumadda iyo mucaaridka ayaa ah mid ay ugu tartamayaan sidii mid waliba taageerayaashiisa u noqon lahaayeen kuwa ku guulaysta qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta si uu ugu guulaysto doorashada madaxtooyada ee maalmaha koobani ka hadheen.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire