Warar Saxa oo Cadaalad ku salaysan

kala soo xidhiidha lanbaradan 4021355, 0025224021355 , ama xamse_kayse@hotmail.com

mardi 11 mai 2010

Madax-dhaqameedka Gobollada Hargeysa, Gabiley iyo Saaxil oo Kulan Xasaasi ah ugu Ballansan Rayaale

Burco (Digaale News)Dulucda ajandaha madax-dhaqameedku u diyaarsadeen kulanka Madaxweynah

“Way jiraan kulamadaasi, waxaanay ahaayeen kuwo muhiim ah, laakiin waa sir oo ma oggolin in dibadda wax nooga baxaan, balse annaga ayaa…”

Mid ka mid ah Madax-dhaqameedyada Subeer Awal

Hargeysa (Jam)- Salaadiinta iyo cuqaasha gobollada Hargeysa, Gabiley iyo Saaxil, ayaa la sheegay inay u ballansan yihiin kulan ay si wadajir ah ula yeelan doonaan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo la filayo inuu Salaasada maanta ka soo laabto safar dhawr toddobaad qaatay oo uu ku soo maray dalalka Itoobiya, Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Faransiiska.

Ma jiro war rasmi ah oo daboolka ka qaadaya kulanka la filayo inuu dhexmaro madax-dhaqameedyada degaannadaas iyo Madaxweyne Rayaale iyo ujeeddada ka dambaysa toona.

Haseyeeshee, sida ay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah waxa toddobaadyadii u dambeeyey magaalada Hargeysa ka socday kulamo is-daba-joog ah oo ay yeelanayeen madax-dhaqameedyada beelaha Subeer Awal, kuwaasoo sida ilahaasi tibaaxeen lagu gorfanayey arrimo la xidhiidha sidii Madaxweyne Rayaale loogu qancin lahaa inuu xadhkaha isgaadhsiinta badda hoos mara oo uu qandaraas ku siiyey shirkad laga leeyahay Soomaaliya dib ugu soo celin lahaa ganacsadaha Somaliland ah ee Maxamed Aw Siciid Geeddi oo uu hore ugu ballanqaaday Madaxweynuhu, balse dhowaan kala noqday.

“Way jiraan kulamadaasi, waxaanay ahaayeen kuwo muhiim ah, laakiin waa sir oo ma oggolin in dibadda wax nooga baxaan, balse annaga ayaa idiin warrami doona marka wax laysla gaadho.” Sidaa waxa Jamhuuriya u sheegay shalay mid ka mid ah salaadiinta ka qaybgalay kulamadaas oo codsaday in aan magaciisa la shaaciyo.

Hase ahaatee, siday ilo kala duwan oo aannu la xidhiidhnay xaqiijiyeen waxa kulamadaas salaadiinta iyo cuqaashu ku lafogurayeen arrimo la xidhiidha xadhkaha isgaadhsiinta badda hoosteeda mara oo sida la sheegay Madaxweynuhu ku wareejiyey shirkad ajnebi ah, kadib markii uu kala noqday ganacsadaha reer Somaliland oo uu hore ugu ballanqaaday qandaraaska fulinta mashruucaas oo ku kacaya malaayiin dollar.

Waxa kale oo ilahaasi xuseen in madax-dhaqameedyada degaannada Hargeysa, Gabiley iyo Saaxil ay kulamadaas iskula qaateen in marka Md. Daahir Rayaale dalka ku soo laabto la yeeshaan kulan gaar ah oo labada dhinac kaga wadahadlaan qaddiyadda qandaraaska xadhkaha isgaadhsiinta badda hoos mara oo xiisad ka dhex abuuray Madaxtooyada Somaliland iyo ganacsade Maxamed Aw Siciid oo muddo dheer xidhiidhkoodu aad u wanaagsanaa.

Warku waxa intaa ku daray in ajandaha salaadiintu la hortegi doonaan Madaxweynaha ay ugu muhiimsan yihiin laba qodob oo kala ah; in Madaxweyne Rayaale ka noqdo qandaraaska uu shirkadda ajnebiga ah ku siiyey xadhkaha isgaadhsiinta ee hoos mara badda, taas beddelkeedana uu hirgelinta mashruucaas ku wareejiyo ganacsadaha reer Somaliland; iyo in haddii Madaxweynuhu ku ganac-saydho dalabkooda ay madax-dhaqameedyada iyo shacabka degaannadooduba taageeradooda siyaasadeed u weecin doonaan dhinaca xisbiyada mucaaradka doorashada Madaxtooyada ee foodda innagu soo haysa.

Dhinaca kale, waxay ilahaasi tibaaxeen in madax-dhaqameedyadaasi magaalada Hargeysa kulan arrimahaas la xidhiidha kula yeesheen madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, balse ilaa hadda si rasmi ah looma oga natiijada ka soo baxday kulankaasi.
Digaale News

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire